Mucjiso soo jiidatay Caalamka oo ka dhacday Madaar ku yaala Colombia
Bogota, 17 August, 2010 (Ogaal)- Shil Diyaaradeed la-yaab ku abuuray dunida inteeda badan, ayaa shalay ka dhacay Jasiiradda San Andre ee dalka Colombia, kaas oo sababay inay falanqeeyaan warbaahinta Caalamku.
Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737-800 oo ay saarnaayeen 131 qof, ayaa burburtay wakhti ay shalay isku dayday inay fadhiisato Garoonka Diyaaradaha ee San Andres Airport, ka dib markii ay Jidka ay diyaaraduhu ordaan ay kala kulantay dabayl xooggan. Diyaaraddan ayaa markay dhacday u kala burburtay saddex qaybood ama saddex gobol. Warku wuxuu intaa ku daray in diyaaraddan oo ay saarnaayeen 131 qof, lana filayay in khasaare badan ay geysan karto marka loo eego siday u burburtay, ayaa sababtay dhimashada 1 hal, halka ay ka badbaadeen 130 qof, marka laga reebo 119 qof markii la baadhay la ogaaday in 5 qof oo ka mid ahi dhaawac halis ahi soo gaadhay. “Waa arrin aad u mucjiso ah, waana in aanu Ilaahay ugu mahad-naqnaa in uu hal qof oo kaliya ku dhintay Shilka,” sidaa waxa yidhi Maayarka Gobolkaas Pedro Gallardo, waxaanu sheegay in Rakaabka Diyaaradda saarnaa oo isugu jiray 125 Rakaab ah iyo lix shaqaale ahi uu ku dhintay nin magaciisa la odhan jiray Amar Fernandez oo da’diisu 68-jir ahaa.
Dhinaca klae, Duuliye u dhashay dalkaas Colombia David Barrero ayaa Warbaahinta u sheegay in ay baadhayaan warbixino sheegaya in diyaaradda ay wax ku dhaceen ka hor intii aanay ku burburin Jasiiradda San Andres oo ay ku nool yihiin 78,000 oo qof, cabbirkeeduna dhan yahay 120-Mayl.
Geesta kale, Agaasime-ku-xigeenka Hay’adda Duulista ee dalkaas, ayaa sheegay in shilku uu u dhacay si degdeg ah, hase ahaatee, aanu Duuliyihii Diyaaraddaasi xafiiska arrimaha degdegga ah aanu la xidhiidhin, taasina keentay in ay burburto diyaaraddu.
Ricardo Ramirez oo ka mid ahaa Rakaabkii Diyaaraddaa saarnaa oo isna arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in inkasta oo ay diyaaraddu si caadi ah u socotay, isla markaana doonaysay inay Madaarka degto, haddana si kedis ah uu shilku u dhacay. “Markii ay diyaaraddu dhacday, waxaanu ku sii negaanay Kuraasta oo kamaanu daadan. Hase ahaatee, markiiba waxaanu isku daynay in aanu ka baxno Diyaaradda oo dab qabsaday, waxaana na caawiyay ciidamada Booliska oo soo gaadhay goobta,” ayuu yidhi Ramirez.









