“Aabbahay wuxuu doonayey inaan Dhakhtar noqdo illaa iyo haddana haddaan arko Dhiig waan suuxaa, Caqli I galayana maaha inaan Dhakhtar noqdo….”
Cabdirisaaq Y Cismaan, qoraa Soomaaliyeed oo Macallin ah,
Hargeysa, 16 July, 2011 (Ogaal):- Qoraaga Cabdirisaaq Y. Cismaan oo ah mid caan ku ah qorista buugaagta, soo-saarida iyo qaadista heesaha, isla markaana ah ninka ku suntanaa Buugga la yidhaahdo ‘In the Name of our fathers (Dhaxal Awoowe) oo Wargyska Ogaal si xidhiidh ah ugu soo baxay sannadkan bilawgiisii ilaa bishii May, ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Somaliland.
Isaga oo dib u eegaya arrimo badan oo guud ahaan dadka Soomaalida ah khuseeya, kana hadlaya waxyaabihii ku kelifay qorista buuggaas oo si gaar ahayd u naqdiyay guud ahaanba qabyaalada iyo khasaarihii laga dhaxlay. Cabdirisaaq oo deggan waddanka Denmark, hase ahaatee, hadda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Safar ku jooga, ayaa waraysi dheer uu Wargeyska Ogaal kula yeeshay Hargeysa, waxa uu kag hadlay, sida uu u neceb-yahay Dhakhtarnimada. Waraysigan oo aad u maad iyo xiiso badan oo uu Cabdirisaaq Y Cismaan kaga hadlayo waxyaabo fara badan oo kala duwan, ayaa waxa uu u dhacay sidan:-

Qoraaga Caanka ah ee Cabdirisaaq Cismaan
S: Ugu horeyn Cabdirisaaq waxaad noo soo koobtaa Taariikh nololeedkaagii, halkaad ku dhalatay, goobtaad ku barbaartay iyo heerarkaagii waxbarasho?
J: Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho 1969-kii, waanan ku barbaaray, waxaan wax ka bartay Dugsiga Macallin Jaamac ee magaalada Muqdisho, ka dib Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaan tagay intaan joogayna Macallin luuqadda Ingiriisiga dhiga ayaan ahaa, waan ka tagey Qaahira oo waxaan tagey Yurub. Denmark markaan tagay waxaan galay Jaamacad laga barto sida Filimmada loo sameeyo, waxaanan qaatay soosaare, qorista filimmada iyo sida loo jarjaro.
S: Waxaad noo sheegtaa waqtiyadii carruurnimada ama dhalinyaro-nimadaadii waxyaabaha aad ugu jeclayd ama aadka u xiisayn jirtay?
J: Anigu aad baan u nasiib badanahay, markaan yaraa waxaan jeclaa inaan macallin noqdo, waxa kale oo aan jeclaa inaan barto sida filimmada loo sameeyo, waxaan jeclaa inaan wax qoro. Waxa nasiib-wanaag ah in Illaahay intiiba takhasuskaygii ka dhigay.
S: Muddo dheer ayaad Qaahira joogtay, waxyaabihii kuugu adkaa ee halkaa kugu soo mara wax ma nooga sheegi kartaa?
J: Horta noloshayda intii ugu adkayd waxaan kusoo qaatay Qaahira, adkaan kalena may ahayn ee dareen ahaan iyo dhaqaale ahaan waan iska wanaagsanaa oo macallin ayaan ahaa gurina keligay ayaan degganaa. Laakiin, dareenka iigu xumaa wuxuu ahaa maalinta Arbacada ayaa waxa iman jirtay diyaaradda Soomaali Airlines, diyaaraddaasi, markay imanayso shaxaad, qaraabo ahaan iyo sheeko ahaan ayaannu ugu tagi jirnay, waxa kasoo degi jiray Odayaal iyo Gabdho Soomaaliyeed. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa kasoo degay dad Baco wata oo aan labbisnayn oo rafaadsan oo la leeyahay dagaal iyo qax ayay ka yimaaddeen, taasaa iigu darnayd, ka dib waxa dhacday in dalkii Masar ee aannu degganayn Safaaraddii Soomaalida ee ku taallay la xidhay, ka dib ay Ciidankii bilaabeen inay dadkii Soomaaliyeed biliiliqaystaan oo ay sharci-darro dadka ku xidhaan oo cid aad u dacwootaa aanay jirin, taasna waxa ka masuul ka ahaa Safaarad la’aanta. Inkasta oo ay Safaaraddu musuqmaasuq ku salaysnayd oo ay ardayda u kala eexan jirtay, haddana Safaarad ayay ahayd oo shisheeyuhu ceebteeda muu ogayn, taasaa iigu naxdin badnayd.
S: Muddo ku dhaw 30 sano ayaad ku noolayd waddammada Yurub, welina waxaad sidataa Baasaaboorkii Soomaaliya oo dad badan oo Yurub joogaa ay u haystaan ceeb oo ay ku qaataan degganaanshaha, adiga maxaa kugu qasbay inaad waqtiga intaa leeg sidato adigoo kaadhkii waddammada Yurub-na aad barbar wadato?
J: Waxa weeye in la isla fahmo in qofka Soomaaliga ah ama ajinabka ah ee jooga Yurub, u degi karo laba jid, midi waa isagoo dhalashaddiisa haysta sidayda oo kale, laakiin degganaansho waddanka ka qaata, midna waa isagoo dhalashadiisa iibsada oo dafira oo qaata Baasaabboorrada ay dalalkaasi leeyihiin. Baasaabboorrada ay dalkaasi leeyihiin marka lagu siinayo, waa lagu dhaarinayaa, waynu garan karnaa dhaar uu qof been ku maray dhibaatada ay leedahay. Tan labaad oo aad madnuuc ka tahay dalkii aad tidhi ummaan dhalan oo ammaan ma laha oo xaq iyo xuquuq kuma lihii oo ma doonayo in aan ku noqdo maanta way adkaanaysaa.
Sida aad ogtahay Soomaali badan ayaa marka ay yimaaddan Somaliland, Muqdisho iyo Jabuuti yidhaahda waxa I garab socotay Baasabboor Islaan oo Soomaaliyad ah oo Hooyaday le’eeg, markaasay tidhi; ‘Eddo haygaga dhufannin’, aniga markii uu arkay Baasboorkaygii Soomaaliga ah ayuu yidhi dhinacaa taga markaasan idhi ma tagayo Inaadeer ee iigu dhufo waxaaban lahaa wax igu dhufta Shaabbadda’e. Somaliland markii aan ka soo degayna sidoo kale waxaan bixiyey cashuurtii oo si gaar ah ayaan ku soo galay, marka cashar ahaan ayaan rabay in qofku ogaado inuu Yurub tagi karo xaqna uu ku leeyahay. Dee aniga iyo faraqa u dhexeeya qofka Baasabboorka Denmark ama Maraykanka ah sita inuu ogaado inaanan anigu u codayn karin meel laga dooran kanayo. Laakiin, iyagii Baasabboorkooda qaatayna way codayeen oo Johnson iyo Jackson ayaa lagu kale leeyahay kala dooro oo mid ciddaada ahina kuma jiro mid magacaagii doonayaana kuma jiro. Markaa, ma fahmin ujeeddada ay Baasaboorka u qaateen. Dad badan waxaan doonayey markaan dalkii ku laabto inaan u sheego in ay suuragal tahay in aanad dhalashadaada iibsan oo aanad midabkaga iibsan oo aanay khasab kugu ahayn.
S: Cabdirisaaq, tusaale ahaan marka uu qofku shaqo la’yahay ee qaxoonti la bixiyo windbreak adigu markaa ma qaadan kartaa, mase qaadatay weligaa?
J: Dabcan waan qaatay, waxaan kaloon qaatay lacagta ardayda. Waxaan qaatay wax wax kasta oo la siiyo qofka timaha cadle ee u dhashay Denmark. Sidaan kuu sheegay halka faraq ee u dhexeeyaa waxay tahay codaynta ee faraqi uma dhexeeyo iyo inaanay Madaxweyne ka noqon karin oo Yurub lama arag qof madow oo Madaxweyne ka noqday illaa Madaxweyne ku-xigeen lama oggola.
S: Wax dhibaato ah Baasaboorka Soomaaliga markaad dunida ku marayso ee aad isaga dhiibto intaanad kaadhka soo saarin ma kala kulantay?
J:In badan illaa Denmark gudaheeda ayaan kala kulmay sidaan markii hore-ba aan idin sheegay markii aan ku tagay Malaysia ee aan ku tagay Ingiriiska ee aan galay London University ee aan bixinayey lacagta ay bixiyaan dadka Denmark labadeed ujeeddada aan u bixinayay waxay ahayd xeerka u yaalla Jaamacadda, oo Jaamacadaha ku wada yaalla Yurub waxay leeyihiin sharci la yidhaahdo ardayda waxay u kala saaraan labo qolo oo la yidhaahdo ardayda dalka u dhalatay iyo qolo la yidhaahdo kuwa dalka yimi. Laakiin, haddii aan xaqiiqo ahaan u fasiro waa ardayda ciddeenna ah iyo ardayda ciddooda ah borzois waxa la yidhaahda Shiinaha, Madowga, Muslinka IWM ah. Dadka Soomaalida ah ee wadata Baasabboorka Denmark ee jaamacadda dhiganaysaa waxay bixiyaan lacagta labadooda Ingiriiska ah iyo Denmark marka khasaare wuu iga soo gaadhay iyo dhaqaalaba oo waxaan ku noolaa noloshii laygu talo-galay illayn lacagti ayaa laga bixiyee laga bixin jiray dadkaase.
S: Haddii aynu taa ka gudubno Cabdirisaaq waxaad ku takhasuustay samaynta Filimaanta soo saarrida, qaadista codaynta iyo qaadista heesa, mihnado kale oo sida Saxaafadda ah oo aad maanta mid walba aad takhasuuskiisa haysato maxaa kugu kallifay?
J: Horta sirta shaqadu waxay tahay sida aan anigu aamminsanahay in waxaad qabanayso aad jeceshay, shanta shaqo ee aan qabto lacag la’aan ayaan in badan ku qabtay, lacag la’aan waan ku qabanayaa illaa ay dunidu ka dhammaato, haddii aan helayo qado casho iyo quraac aan cuno, maxaa yeelay aniga ayaa samaynteeda jecel oo ku raaxaysta. Laakiin, haddii la ii diro hal shaqo oo aanan doonayn way igu adkanaysaa, markaa taa waxaan uga jeedaa in qof kaliya loo oggolaado waxa uu jecelyahay in uu qabto. Aabbahay waxa uu doonayey in aan Dhakhtar noqdo illaa iyo haddana haddii aan arko Dhiig waa inaan suuxo Caqli I galaya maaha inaan Dhakhtar noqdo haddii aan noqon lahaana waan daali lahaaba sidaan Cusbitaalka ugu sii socdo. Ujeeddada aan markaa u doortay maxay tahay haddii aan eegto waxaan bartay iyo waxaan qabto, macallinimadu waa abuuris arday maskaxdoodu Caafimaad qabto, Warbaahintu waa la mid waa abuuris bulsho Caafimaad qabta, qoristu waa la mid oo waa abuuris bulsho Caafimaad qabta xiisuhuna waa la mid oo waa abuuris bulsho Caafimaad qabta.
S: Cabdirisaaq, ma noo xusi kartaa heestii u horreysay ee aad samayso iyo sidaad ku samaysay ?
J: Qorshahaygu muu ahayn inaan heeso illaa iyo haddana maaha. Ujeeddada aan Fanka u soo galay waxay ahayd aniga oo is idhi Fankan Soomaalida ee isku Aaaladda la garaaco, isku nidaam maraya way ila fool-xumaatay. Habeen habeennada ka mid ah ayaa Wiil aannu saaxiib nahay oo Danish ah, isla markaana aannu Daarwayn wada deggan nahay oo Mcallimiin wada nahay, ayaa habeen Wiilkii wuxuu yidhi; ‘Waa maxay halkan hees ee aad dhegaysataan iyo halkan Cajaalad aniguna waxaan moodayey nin heeso kale doonaya inuu dhegaysto, markaa habeenka ayuu fikir igu soo dhacay oo is idhi waar maxaynu hees u samayn waynay? Waxaan tegay naadi ay ardayda Soomaaliyeed isugu imin jirtay iyo jilayaashuba oo uu qorshahaygu ahaa in aan idhaahdo waar kaalaya nimanyahayow Musiga dunida laga dhegaysto oo kale sameeya maxaa idinka maqan? oo aan waxaan ku caawin karayno aan ku caawinno. Dabcan imay suuragalin oo waatii la wada qaxayey oo meeshii kaligay ayaa aniga oo farta dhaban ka soo laabtay, waxa ila fool xumaatay in fikirkaygii meesha ku dhinto waxaan idhi maad adiguba samaysid oo dabcan may ahayn awood aan leeyahay, hiil waxan kama garanayo, dabcan gurigii ayaan imi oo waxaan idhi hees qor oo heesta waxa la yidhaahda Danbi, waxaan qoray danbigaan galaan doonayaa ka dib baan is idhi sii wad toban cisho ayaan sii dul fadhiyey warqadii meel aan wax u kaxeeyo ayaan garan waayay; Eraydaas waxaan fanash-baan ka ahay.
La soco qaybta labaad ee waraysigaas oo xiiso badan caddadka dambe……………………..









