Sool: Beelo heshiis nabadeed ka gaadhay dilka Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Asluubta + SAWIRRO
Adhi-caddeeye, 14 July, 2011 (Ogaal)- Badhasaabka Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, ayaa ka qeyb galay xaflad ay mag ku kala guddoomeen Beelaha Xasan Ugaas (Dhulbahante) iyo Fiqishini (Hawiye) oo shalay lagu qabtay magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool.
Beelahaasi waxay ka heshiiyeen dilka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Gobolka Sool Marxuum- Cabdi Ciise oo ay dileen beesha Fiqishini. Beesha Fiqishini ee gobolka Sool waxay beesha Xasan Ugaas ee ay isku deegaanka yihiin ku wareejiyeen mag dhan 100 Halaad oo Geel dhogor ah, 100 Halaad oo kale oo la lacageeyey (kaash ah) iyo laba Hablood oo godob reeb ah.
Badhasaabka gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, oo hadal ka jeediyey Xafladdaas nabadeed waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida labada beelood ay u dhammaysteen wixii dhex yaallay, isla markaana heshiiska buuxa uga gaadheen dilka ku kala yimi. Waxaanu beelaha kale gobolka Sool wada Badhasaabku u soo jeediyey in ciddii wax dhex maraanba ay si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku dhammaystaan wixii dhib ah ee soo kala gaadhay.
Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyey Cuqaasha iyo Waxgaradka labadan beelood ee gacanta ka geystay in la soo afjaro oo heshiis nabadeed laga gaadho dilka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta gobolka Sool. Labada beelood ayaa isla shalay kala qaatay mag dhan laba boqol oo Halaad oo boqol tahay Dhogor, halka boqolka labaadna ka yahay Lacag Kaash ah iyo laba Gabdhood, iyada oo heshiiskaasi ahaa mid hore loogu dhexdhexaadiyey labada beelood, ka dib markii beel ka mid ahi ay dil u gaysatay Allah ha u naxiirstee Taliyihii hore ee Asluubta gobolka Sool Cabdi Ciise.
Caaqil Xasan Ismaaciil oo ku hadlayey magaca beesha Fiqishinni, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kuna bogaadinayaan beesha Xasan Ugaas sida nabad-gelyada leh ee ay u dhammaysteen dhibtii kala gaadhay.
Geesta kalena Caaqil Cabdilaahi Caynab Faarax oo ku hadlayey afka beesha Xasan Ugaas, ayaa sheegay inay go’aankan ay magta ku qaateen u yeeleen sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada deegaannada gobolka Sool iyo nabad ku wada noolaanshaha ummadda deggan deegaannada Gobolka Sool. Kulankaas waxa goob-joog ka ahaa Taliyaha qeybta Booliska gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax iyo Waxgarad kale oo ka socday beelaha kale ee reer Sool.










