Tariikh Nololeedkii Aabihii Tacliinta Soomaliyeed (Maxamoud Axmed Cali) – QAYBTII 4AAD
Waqtiga ardaydu wax baran jireen waxay ahayd 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, marka laga reebo waqti yar oo ay ardaydu wax cunistooda ku maqnaayeen. Waxay 5-tii macalin u doorteen Maxamuud Axmed Cali xidhiidhiyaha guud ahaana Hogaamiyahooda. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali soo jeediyey inuu Caddan tago bal inuu ka soo helo arday dheeraad ah oo ay wax baraan. Waxa jirtay dad badan oo reer Somaliland ahaa inay magaalada Cadan degenaayeen, sidaa aawadeed, Maxamuud Axmed Cali sidaas ayuu ku ambabaxay, waxaanu ka soo helay, kana soo kexeeyey afar wiil, kuwaasoo kala ahaa;
- 1. Axmed Xaaji Ducaale (Axmed Keyse)
- 2. Maxamed Abokor Xaaji Faarax
- 3. Cabdillaahi Jaamac Dalab
- 4. Iyo Faarax Dheere nin la odhan jiray.
Halkaas markii ay arini maraysay ayaa dawladii Ingiriisku xafiiskii Colonial-ka (Gumaysiga) uu Somaliland u soo diray nin soo qiimeeya tacliinta Somaliland iyo sidii wax loogu qaban lahaa iyo weliba inuu ka soo war-bixiyo xaalada waxbarasho ee ay ku sugan tahay Maxmiyadii Somaliland (Protectorate).
Waxa nasiib-wanaag ninkii Ingiriis ahaa turjumaan looga dhigay Maxamuud Axmed Cali, sidaa aawadeed, Maxamuud-na meel kale muu geynine waxa uu ninkii dul-keenay Cariishkii labada qol ahaa oo ay ardaydii wax ugu dhigayaan Macalimiintii, isla markaana Maxamuud Axmed Cali waxa uu ninkiii u sheegay oo isaga oo farta ugu fiiqaya Cariishkii ku yidhi, “WAA TAAS ANNAGA (SOMALILAND) JAAMACADAYDA IYO ISKUULKAYAGUBA! 58 sanadood-na Ingiriis dhulkayaga ayuu joogay wax haba yaraatee uu noo dhisay, qolna ha ahaatee ma jirto oo aanu caruurtayada wax ugu dhino. Cariishkan yar ee aad arkaysana annaga ayaa yab-yab iyo iskaa-wax-u-qabso ku dhisnay, ka dib markii aanu ka waynay dawladiinan halkan joogtaa inay noo dhisto dugsi aanu caruurtayada wax ku barno.”
Waxa markaas goobtii isna yimi Mr. Carrol oo ahaa Chief Secretary-gii Hargeysa fadhigiisu ahaa. Aad buu uga xumaaday in ninkan xafiiskan Colonial-ka ka socda cariishkan la soo tuso, warbixintan uu Maxamuud Axmed Cali siinaayana iyana aad buu uga xumaaday.
Markii hawshii iyo war-bixintiiba loo dhameeyay ninkii ka socday xafiiska Colonial-ka ee la sii kala dareeraayo, ayaa Yuusuf Xaaji Aadan oo markaas raga ugu siyaasisanaa ninkii Ingiriis dhegta u saaray kuna yidhi, “Markaad immika naga tagtid ayuu Mr. Carrel na xidh-xidhayaa!”
Dabeedna ninkii xafiiska Colonial-ka ka socday oo derajo ahaan ka sareeyay Carrel, ayaa amar ay hanjabaadi ku jirtay siiyay Carrel, kuna amray inaan la xidh-xidhi karin nimankaas.
Markii uu ninkii Ingiiriis ku noqday England, wixii uu soo arkay iyo heerka-tacliineed ee Somaliland-na ka war-bixiyay, ayaa waxa warbixin ka soo noqotay xafiiskii Colonial-ka, warbixintaasi waxay odhonaysay in Somaliland tacliinteeda wax loo qabto, miisaaniyad lacageed-na loo qoondeeyo.
Sannadkii 1943-kii ayuu Ingiriisku go’aan ku gaadhay inuu Xaruntiisii Guud ee Sheekh iyo Berbera loo soo wareejiyo Hargeysa, waxaana markaas ay Sheekh ku lahaayeen guryo badan oo uu Ingiriisku degenaa iyo xafiisya-ba.
Maxamuud Axmed Cali, isaga oo ka duulaaya warbixintii uu helay ee ka timi xafiiskii Colonial-ka ayaa waxa uu codsaday in la siiyo guryihii Sheekh ee laga soo guuray, si ay iskuul uga dhigtaan, waana loo ogolaaday oo la siiyay, halkaasna waxa ka bilaabmay in dugsigii Sheekh halkaa lagu aasaaso, kaasoo lagu bilaabay 20-kii arday ee Hargeysa Cariishka wax loogu dhigi jiray.
La soco………………………









