Madaxweynaha Siilaanyo oo markii ugu horreysay lagala meeqaan dhigay kuwa dunida, Calanka Somaliland oo laga taagay madal la isku arkay iyo weedhihii Madaxda K/Sudan
Warbixin. Cabdiwali F. Jaambiir
Jubba, 11 July 2011 (Ogaal)- “Wallaalayaal dadka reer Koonfurta Suuddaanow, hadaad tihiin masuuliyiin, jeneraalada SPLA iyo dhamaan muwaadiniinta, waxaan leeyahay ka kaca kuraasta aad ku fadhidaan, si ay ugu fadhiistaan martida sharafta leh ee inooga kala yimi dunida dacalladeeda….Maanta waa maalinteenii ee aynu taagnaano, halkii ay martidu ka taagnaan lahaayeen…..Madaxda sharafta leh iyo masuuliiinta nooga kala timi caalamka oo dhan waanu ka raaligelinaynaa inaanay sidii ku haboonayd u fadhiisan….…raali ahaada…raali ahaada…,” weedhahaas waxa si qiiro lahayd ugu dhawaaqayay xidhiidhiyaha munaasibadii 09July 2011 loogu wanqalayay madaxbanaanida dalka Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan.
Munaasibaddii maalintan cajiibka u ahayd dadka Koonfurta Suudaan oo ka dhacday fagaaraha xorriyadda, ahna goob si wayn loogu xusuusto halyeygoodii halganka John Grand, waxay u muuqatay mid qabanqaabadeeda mudo lagu soo mashquulsanaa. Hase yeeshee, hadana masuuliyiinta dalkaas waxa u muuqatay xaqiiqada taabanaysay oo la xidhiidhay in magaalada Jubba aanay awood u lahayn sidii ay u wada xamili lahayd mawjadihii ajaanibka ahaa ee ugu tegay sidii ay ugala qaybqaadan lahaayeen munaasibaddaas. Haddaba, sidee wax u dhaceen?
Jewigii Madasha:

Maareeyaha Ogaal Media Centre

Wariye Cakulle iyo Calanka Qaranka
Kulaylka xaraaradu aad uyuu u darnaa, qof kastaana waxa uu indhaha ka qaado wuxuu ugu jeclaa biyo. Waxa isugu yimi dad lagu qiyaasi karo malyuun iyada oo goobta loogu talogalay aanay ka badnayn inka yar hal kiiloomitir oo isku wareeg ah. Dhibta ugu wayni waxay kala haysatay ilaa 2000 oo suxufi oo caalamka oo dhan isaga yimi iyo ku dhawaad 40,000 oo ciidamada amaanka dhar-cadda ahaa, 30,000 oo millateriga ku xoojisan iyo ilaa 15000 oo boolis ahaa. Guud ahaan qabanqaabiyeyaasha, ciidamada amaanka iyo masuuliyiinta Koonfurta Suudaan waxay aad isugu taxalujinayeen inaanay waxyeelayn kumanaanka ajaanibka ah ee la qaybsanayay dhibaatadii iyo kulaylkii maalintan ay caalamka ka mid noqonayeen, waxaanay u muuqdeen kuwo dulqaad iyo samir badan u lahaa dhib kasa oo timaada, balse riix-riixid, is-daba-orod iyo xayiraadda dhaqdhaqaaqa saxafiyiinta waa la adkeeyay. Markii la dejinayey calanka Waqooyiga Sudan, ee la saaray Calanka dalka cusub ee Koonfurta Sudan, waxa mar kaliya si qiiro badan leh Oohin isugu daray inta badan dadkii goobtaa ku sugnaa oo xattaa ay ku jiraan Wufuuddii kala duwanayd caalamka isaga yimi munaasibaddaa awgeed, taasoo muujinaysay sida uu u sarreeyey dareenka Shacabka iyo dawladda madax-bannaanida qaatay ee Koonfurta Sudan.
Ku-talogalkii Martigelinta Wufuudda ee Dawladda Koonfurta Suudaan:
“Maannaan filayn in dunida oo dhami isugu imanayso halkan (Jubba), markaa awoodayadu wixii ay qaban karaysay samaynay, balse raalli inaad naga ahaataan ayaanu idinka dalbaynaa…” sidaa waxa si qiiro iyo rayrayni ku jirtay ugu celcelinayay xidhiidhiyihii madasha daadihinayay oo hubinayay inay martidu ku xisaabtamaan awoodoodu waxay qaban karaysay iyo inya u adkaystaan dhibtii haysatay.
Tani waxay caddaynaysaa illaa xad sida ay u kala badnaayeen xajmiga ku-talogalkii dawladda koonfurta Suudaan iyo tiradii faraha badnayd ee maalmaha ku shubmaysay magaalada Jubba. Sidaa daraadeed, masuuliyiinta dawladdaas waxay dantu ku khasabtay inay guryihii masuuliyiinta xukuumada laga saaro guryahoodii oo la dejiyo martidii kal duwanayd.
Harraadkii faraha badnaa:
Qof kastaa wuxuu isku deyay inuu halabsado caagado biyo ah oo shaqaale khaas ahi iyaga oo koox-koox ah sideen. Madaxdii qaramada martida ahaa, marti-sharaftii QM, AU-da, EU-da, Jaamacadda Carabta, Ururada Caalamiga ah, Saxafiyiin iyo guud ahaanba dadweynaha reer Jubba, ayaa inyar mooyaane wada tubnaa cadceed daran laga bilaabo 09:00 subaxnimo ilaa 05:00 galabnimo, haddana waxay u muuqatay inaanay dad badani dareensanayn dhididkii jidhkooda qooyay. Waxay ahayd goob dadka dareen gaar ah u lahayd. Hase yeeshee hawada oo taagnayd iyo kulaylkii cadceedda ayaa horseeday in dad badan ay neef-qabatoobaan oo lagu qaado baabuurta gurmadka gargaarka degdega ah. “Hadaad caagad biyo ah na siisid, arrinkiinna waannu eegaynaa!” sidaa waxa iska daba lahaa madax sar-sare oo caalamka ka kala socotay oo waydiinayay inay biyo u keenaan weriyeyaal Somalilanders ah oo isu xil-saaray
inay biyaha gaadhsiiyaan weftiga Madaxweynaha. “Maa caleesh mar haddaan haysto walaal!” sidaa waxa suxufi Xasan ku yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti oo harraad dartii uga mahad-celinayay weriyaha oo gaadhsiiyay caagad biyo ahayd.
Isku-daygii Cabdillaahi-yare ee nidaamka ka-qaybgalka munaasibadda ee weftiga & Tabcadii fashilantay:
Isla markii uu weftiga Somaliland ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Jubba maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay, waxa halkaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda South Sudan Mr. Deng Alore, waxaanu ku wareejiyay masuliyiinta heer Madaxweyne ee weftiga Madaxweyne Siillaanyo la shaqayn doona inta uu ku sugan yahay dalkaas. Sidoo kalena waxa weftiga soo-dhaweeyeyaashii ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Inkasta oo xaraarada qiirada wadaniyadeed ee qof kasta oo reer Somaliland ah oo halkaa joogay ay aad u saraysay, hadana saacadihii hore ee lagu jiray kala-dejinta weftiga, caqabado waqti kooban qaatay ayaa la sheegayay inuu horseeday Mr. Cabdillaahi-yare. Wuxuu isku deyay inuu qabto hogaanka weftiga, balse taasi suuragal umay noqon.
Intii ay socotay munaasibadii dabaaldegu weftiga Madaxweynaha Somaliland oo baratakool ahaan loo qaabilay si la siman sida Madaxwynayaashii kale ee goobta yimi, waxa la-yaab lahayd in Calanka Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ahi uu hadana ka dul-babanayay madashii xafladu ka socotay, isla markaana ilaa saddex meelood ayaa laga taagay, kaasoo dad badan oo ka-qaybgalayaashii caalamiga ahaa ka mid ah iyo muwaadiniin Koonfurta Suudaan u dhashay-ba is-waydiinayeen, balse farriinta jawaabta waxay qaarkood durbadiiba ka dheehanayeen lebiskii weftiga Somaliland kaga qaybgaleen munaasibaddaas, kuwaasoo wada gashanaa funaanado ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen; ‘MAANTA WAA KOONFURTA SUUDAAN WAYEE, BERRINA
WAA SOMALILAND WAYEE!’
Maxaa laga yidhi Somaliland?
Afhayeenka Baarlamaanka Koonfurta Suudaan James Wani Lang oo si rasmiya ugu dhawaaqayay madaxbannaanida dalkiisa sharciyan, ayaa isaga oo ka hadlayey Madaxweynayaasha madasha ku sugnaa ee Gobolka, waxa uu yidhi, “Waxa maanta innala jooga oo munaasibadda innagala qaybqaadanaya Walaalkeenna Madaxweyne Cumar Al-Bashiir-ka Jamhuuriyadda Suudaan, Meles Zenawi-ga Itoobiya, Afawarqi-ga Erretaiya, Mwai Kibaki-ga Kenya, Musaveni-ga Uganda, Cumar Geelle-ha Djibouti, Sheekh Shariif-ka Soomaaliya, Axmed Maxamed (Siilaanyo-ha Somaliland.”
Mar uu Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salvakiir ka hadlayay mashaakilaadka ka taagan gobolka, waxa uu soo jeediyay in la soo gunaanado colaadda u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Erretariya, laguna dhameeyo si walaalnimo leh. Sidoo kale, waxa uu u rejeeyay in xasilooni-darrada ka taagan Somalia xalkeeda la helo, layskuna hawlo sidii nabadgelyada loogu soo celin laha. Hase yeeshee, isaga oo halkaa ku ladhayay sidii uu u shaacin lahaa waxa ay Somaliland qabsatay, waxa uu yidhi, “Waxa jira ummad (Somaliland) wax qabsatay, kuwaasoo loo baahan yahay sidii loo taageeri lahaa, waxna loogu qaban lahaa.”









