CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

“Haddaanu nahay Ururka SSC runtii waxaannu qaadannay nabad, waxaanannu tiirinnay Qorigii, waxaannu kusoo..”

Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga Kooxda SSC

Burco, 10 July, 2011 (Ogaal)- Xubno ka tirsan Saraakiisha sare ee Kooxda nabad-diidka SSC, ayaa shalay soo gaadhay Gobolka Togdheer, iyagoo sheegay inay aqbaleen gogoshii nabadda ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey.

Xubnahan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil waxa Gobolka Togdheer kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka Gobolkaas iyo Degmada Burco. Munaasibad loogu talogalay soo dhaweynta xubnahan oo lagu qabtay magaalada Burco ayaa waxa ka hadlay hogaanka xubnaha weftiga ee ka socda SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil, waxaanu ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabaha ay u yimaadeen dhinaca Somaliland xiligan.

Guddoomiyaha Guddida Khusuusiga SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil waxa uu sheegay in isaga iyo xubnaha la socdaaba ay aqbaleen gogoshii nabada ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay dadka ku dhaqan deegaamada Sool iyo Buuhoodle.

Weftiga oo lagu soo dhaweeyay Burco

“Waxaannu halkan ku maraynaa Wefti aad u ballaadhan oo isugu jira SSC, Isimmo iyo Guurtiba, hadafkayaguna waxa weeye dhammaystirka shirkii nabadda ee wareeggisii 1aad lagu qabtay Widhwidh, sidii aannu u qabyo-tiri lahayn, maaddaama oo Madaxweynaha Somaliland macsuumad noo sameeyay.” Sidaa waxa yidhi Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil.

Waxa uu sheegay masuulkani inay SSC ahaan ay qaateen nabadii, isla markaana ay tiiriyeen qorigii. “Haddaanu nahay ururka SSC runtii waxaanu qaadanay nabad, waxaanannu tiirinnay qorigii, waxaannu kusoo fadhiisannay kursigii nabadda, iyada oo aan waxna qasbay aanu jirin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha  SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee SSC Kayse Cabdi Yuusuf, isla markaana ahaa shirguddoonka shirkii nabadda ee Widhwidh, ayaa isaguna ka hadlay xubnaha Weftiga ka socda SSC ay ka kooban yihiin, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi; “Weftigan uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil waxa ka mid ah Xoghayeyaashii SSC, Badhasaabkii Buuhoodle iyo Guddoomiyihii SSC ee Buuhoodle.”

 

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE