CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Maxaad ka taqaannaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay?

Hargeysa, 03 July 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay si rasmi ah ugu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali.

Yuusuf Ismaaciil Cali oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay Maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland ayaa mar danbe 2002 iska casilay xilkii uu ka hayey Maxkamadda Gobolka Saaxil markii Xukuumaddii xilligaas talada haysay faragelin ku samaysay madax-banaanidii Garsoorka dalka.

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbin doonnaa sooyaalkiisa waxbarasho, shaqooyin iyo hawlahii kale ee hore uu u soo qabtay Yuusuf Ismaaciil Cali.

Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa dhashay sannadku markuu ahaa 1962-dii, isla markaana waxbarshadiisa ka bilaabay magaalada Hargeysa, kuna dhamaystay illaa Dugsiigi sare  1982-83-kiii, Waxbarashadii heer Jaamacadeedna waxuu ku jiray 1983 ilaa bilowgii 1989, kana qaatay Digreetaga koowaad oo sharciga ah, ka dib waxa loo qaatay Garsoorayaal degmada Muqdisho oo tababar lix bilood ah la siiyey inkastoo aanu kursi Garsoore ka fadhiisan Maxkamadihii Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland

Sannadkii labaad ee Dawladii Madaxweyne, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa, oo uu ka shaqeynayey illaa 1994-kii, waxa sidoo kale lagu wareejiyey maamulkii Maxkamadda degmada Hargeysa. Waxa haddana loo magacaabay Gudoomiyahii Maxkamada Racfaanka oo uu hayey 1996-1997-kii, ka dib waxa loo beddelay Maxkamadda Gobolka Saaxil oo uu joogay illaa 2002-gii.

Intaa ka dib xilli Xukuumaddii hore fara-gelin ku samaysay Garsoorka, oo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasin hoggaaminayey ayaa Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Gudoomiyahii Maxkamadda Saaxil ee xilligaa ay waraaqahoodii shaqo ka tegista u gudbiyeen Xukuumaddii, ka dib markii talooyinkii ay soo jeediyeen ee in Maxkamadaha loo daayo madax-bannaanidooda lala qaadan waayey.

Waxii muddadaa ka danbeeyey Yuusuf Ismaaciil waxa uu ahaa Qareen mihnadiisa Garsoorka ugu adeega bulshada, halkaa oo muddadaa oo sidoo kale uu ka mid ahaa asaasayaashii ururka Qareennada  Somaliland, guddigiisa fulitana uu ku jiray. Ka dib waxuu ka qeybqaatay hawlo garsoorka wax lagaga qabanayey oo hay’adda UNDP wadday, kuna jiray la taliyeyaasha mashruucaa oo socday 2004ilaa 2006, haatana midhahii ka dhashay la intifaacsanayo, sida adeega qargaarka garsoorka ee dadka masaakiinta ah wax loogu qabto oo haatan noqday mid hirgalay oo uu la waday wasaarada Garsoorka iyo UNDP, waxuu dabakhaad ku sameeyey muddadaa uu maxkamaaha ku jiray qaaditaanka dacwadaha kala duwan ee madani leh, ee ciqaab leh, ee dastuuri leh. Mudooyinkii Hay’aduhu bilaabeen inay wax ka qabtaan garsoorka Somaliland waxuu ka qeybgelayey tababaro xidhiidh ah oo la qabanayey, inta badana isagu hogaaminayey, oo ay ugu danbaysay shirkii sixitaanka cadaalada ee dhowaan lagu qabtay hudheel Ambassador oo uu ka mid ahaa dadkii qabanqaabadiisa wax ka waday ama wax ka jeedinayey.

 

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE