Waa noocma Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland ee hor-yaala Madaxweyne Siillaanyo? – Q. 6aad
Xeer kasta oo aan waafaqsanayn dastuurku waa waxba kama jiraan
3.2. Marka laga yimaaddo distooriyadda (constitutionality) xeerka, waxa kale oo ka muuqda xeerkan dhalliilo iyo gol-daloolooyin kale oo fara badan. Waxa ka mid ah:
(a) Qeexnaanta (clearity). Halbeegga ugu horreeya ee xeer lagu qiyaaso waa afka uu ku qoran yahay. Afka xeerkani ku qoran yahay waa mid aad u sabool ah oo aan awoodin inuu si cad oo aan mugdi iyo laba-micnayn midna lahayn u qeexo ama u muujiyo ama xaddido micnaha qodobku ama faqradda ama weedha looga jeedo. Afku wuxuu fure u yahay fahamka iyo ku-dhaqanka xeerka. Dadka dhaqan gelinaya xeerka iyo kuwa lagu dhaqayo ama adeegsanaya intuba waa inay fahmaan, isku sina u fahmaan xeerka. Eray ama erayo ama weedh kasta oo aan micnahooda la wada aqoon ama isku si loo wada garan karin waxa waajib ah in lagu caddeeyo eray-bixinta ama qeexidda. Sida muuqata xeerka intiisa badan waxa lagu diyaariyay af kale oo qalaad kaasoo looga soo tarjumey si aan xirfad lahayn. Hase yeeshee waxa loo baahnaa in erayada nuxurka sharci leh ee af-Soomaaliga loo adeegsaday iyo erayada laga soo turjumey loo sameeyo jaantus gaar ah. Waayo, erayada turjubaanku adeegsaday ma aha qaar loo wada yaqaan ama qaadi kara nuxurka sharciyeed ee uu isagu siiyay. Mararka qaarkood waxaad la kulmaysaa weedh keliya oo lix ama toddoba sadar oo is-haysta oo aan joogsi, hakad iyo calaamado afeed oo kale midna lahayn. Tayada Af-Soomaaliga xeerku ku qoran yahay iyo xirfad-darrada tarjumadda waxaad ka garan kartaa qodobka 58 faq.2aad oo aan tusaale u soo qaatay. “Ruqsadlaha waxa u banaan in uu kaydiyo iyo inuu isticmaalo xogta socota inta uu uga baahan yahay si uu ugu isticmaalo qaansheegtiisa, taas oo ay ku jirto awood u yeelashada loo siiyey ruqsadle kale, maadama mudada kaydintu ka badnayn diyaarinta qaansheegta iyo bixinta qaanta ruqsadlaha”. Bal kumaa sheegi kara waa maxay micnaha ay faqraddaasi xambaarsan tahay? Waxaad kale oo soo qaadan kartaa tusaale ahaan qod.1aad. faq.9aad, 18aad oo iyagu ah kuwii micnaynayey erayada fasiraadda u baahan. Mararka qaarkood fasiraadda ayaa ka adag inaad fahamto erayga la fasirayo.
(b) Wada-socodka (coherence) Waxa kale oo ka mid ah dhalliilaha ka muuqda xeerkan is-haysad-la’aan, wada-socod la’aanta iyo kala jeedka qodobbada iyo afkaarta xeerku xambaarsan yahay. Tusaale aan fogeyn waxaad u soo qaadan kartaa qodobka 2aad oo timaamaya ujeeddooyinka xeerka kana kooban toddoba faqradood. Faqradahaasi saddex ka mid ah iyo mid badhkeed ma aha ujeeddooyin. Tan ugu horraysaa waxay tilmaamaysaa magaca xeerka. Ma aha ujeeddo. Farsamo ahaan waxay ahayd in laga dhigo qodob gaar ah oo gala xagga hore. Faqradda afraad nuskeeda dambe wuxuu ka hadlayaa aqoonsi heshiisyo gaar ah oo Wasaaraddu gashay. Taasina ma aha ujeeddo, {iyada oo sideedaba aanay habboonayn sharci ahaan in heshiis gaar ah lagu qoro xeeka, waayo taasi waxay heshiiska ka dhigaysaa wax abadi ah (permanent), waxay isla markaa ka qaadaysaa Wasaaradda awooddeedii ahayd inay ka bixi karto heshiiska}. Faqradda shanaad waxay ka hadlaysaa dhaqangalka xeerka iyo burinta xeerarka kale ee ka soo horjeeda. Taasina ma aha ujeeddo. Farsamo ahaanna waxay ahayd in qodob gaar ah laga dhigo, laguna qoro dhammaadka xeerka. Faqradda lixaad waxay awood u siinaysaa Madaxweynaha (delegation of power) inuu soo saaro xeer-hoosaadyo (regulations) lagu fuliyo xeerka.Taasina ma aha ujeeddo. Haddaba waxa la odhan karaa si kalsooni leh, sida aanay isu haysan, una wada socon faqradaha qodobka labaad si la mid ah ayaanu xeerka oo dhammi isu-haysan una wada-socon.
(c) Dhammaystirka (comprehensiveness). Xeerkani ma dhammaystirna. Laba siyaaboodba uma dhammaystirna.
(a) Qaybo muhiim ah way ka maqan yihiin xeerka. Waxa ka mid ah qaybihii isgaadhsiinta Boostada iyo isgaadhsiinta raadyowga oo ay waajib ahayd inay halkan ku jiraan maddaama uu ku magacaaban yahay Xeerka Isgaadhsiinta. Sidaas oo kale xeerku waxba kama sheegin xadhkaha isgaadhsiinta ee badda hoos mara marka laga reebo faq.19aad, 20aad iyo 21aad oo intuba ka hadlayaan shirkad loo siiyey ruqsad xadhkahaas. Sidaas oo kale waxa ka maqan qaybihii muujinayey dembiyada ka dhici kara halaha la xidhiidha isgaadhsiinta iyo ciqaabahoodii. Waxa ka maqan qaybtii maxkamad (Tribunal) u gaar ah xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha dhinacyada ka wada hawlgala Isgaadhsiinta. Waxa ka maqan qaybtii baadhista iyo kormeerka (investigation and inspection). Waxa sidaad oo kale ka maqan qodobbo ama qayb mihiim oo sugaysa ama dammaano-qaadaysa tartanka horta ah. (fair competition), isla markaana waajibinaysa ka-hortagga wax kasta abuuri kara tartan aan loo sinnayn (unfair competition).
(b) Qaybaha kale ee xeerkani ka kooban ku qoran laftoodu ma dhammaystirna. Waxaynu tusaale u soo qaadaynaa Komishanka ma jiro qodob tilmaamaya fadhiyadooda, go’aan-gaadhsitooda, mushaharka ama gunnadooda IWM. Qaab-dhismeedka Komishanka isna meelna kuma cadda. Waxa awood loo siiyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda inuu soo dhiso (qod.9), iyada oo ay waajib ahayd in xeerku tilmaamo. Arrimaha la xidhiidha, maaliyadda, shaqaalaha iyaguna ma dhammays-tirna.
Sidaas si la mid ah ayaa qaybaha xeerka badankoodu u kala dhiman yihiin.
4. Ururin (Conclusion)
4.1. Sidaa darteed, haddii erayo kooban lagu soo ururiyo nuxurka dhalliilaha sharciyeed ee xeerkan, waxaanu ku soo gunaanadi karnaa:
(a) In xeerkani aanu xambaarsanayn kana tarjumayn mabaadii’da asaasiga ah ee siyaasadda dhaqaale ee JSL, kuwaasoo ay ka mid tahay, “xaq dhowrista suuqa xorta” oo ku tilmaaman hordhaca distoorka xarafkiisa (kh) kuna astaysan si faahfaahsan qodobka 11aad ee distoorka. Xaq dhawrka suuqa xorta ahi maaha oo keliya qodob distoori ah, balse wuxuu ka mid yahay mabaadii’da distooriga ah ee waajibinaya in xeerarka ka soo baxa Golayaasha Sherci-dejintu iyo siyaasadda dhaqaale ee xukuumadduba ay salka ku hayaan.
(b) In xeerkani si too ah uga horimanyo distoorka. Marka laga yimaaddo qoqodbka 11aad oo uu si toos ah uga hor imanyo, waxa kale oo xeerkani burinayaa ama xaqiijintooda is-hortaagayaa qodobbo kale oo distoori ah. Waxana ka mid ah. Qod. 8aad, 31aad, 37aad iyo 98aad ee distoorka. Sidaa darteedna “xeer kasta oo aan isaga [distoorka] waafaqsanaynina wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan” sida uu caddaynayo qod.128aad. faq.2aad. ee distoorku.
(c) Sida ku cad kor (3.2) xeerkani ma buuxinayo halbeegyada looga baahnaa sharciga hagaagsan oo dhan sida qeexnaanta, ishaysiga iyo wada-socodka, dhammaystirka iyo sugnaanta. Sidaa darteed wuxuu abuuri doonaa khilaaf, muran iyo hawlo ka badan kuwii loogu tala-galay in lagu xalliyo.
Dhammaad………………………..









