CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Waa noocma Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland ee hor-yaala Madaxweyne Siillaanyo? – Qaybtii 5aad

Heshiiskaas oo sidaa darteed lagu tilmaami karo inuu yahay mid Wasiirka iyo nin ganacsade ahi ku wada galeen qol-madow, wuxuu ku sheegan yahay warqadda uu qoray Wasiirku ee summaddeedu tahay WBI/XW/02/191/2010, cinwaankeeduna yahay: Hirgelinta mashruuca Somcable iyo ogeysiis la xidhiidha xadhiga EASSY ee badda hoosteeda mara ee isku xidhaya Djibouti iyo Berbera.” Sidaas oo kale, Wasiirku wuxuu mar labaad heshiiskaasi ku xaqiijiyay warqad kale oo uu qoray. Inkasta oo aan cidina arag heshiiskaas, haddana nuxurkiisu waxa la odhan karaa inuu ku cad yahay labada waraaqood ee Wasiirku qoray, kaasoo marka la soo koobo dhigaya sidan:

(1)     In ka-ganacsiga hawlaha la xidhiidha soo-dhul-dhigidda iyo dhul-marinta xadhkaha is-gaadhsiinta ee badda hoos mara (submarine fiber optic cable) koote (“exclusivity license”) lagu siiyey shirkadda Somcable muddo 25 sano ah.

(2)     In shirkad kale oo waddani ah ama shisheeye ah aanay Wasaaraddu siin doonin ruqsad ay kaga ganacsato hawlaha la xidhiidha xadhkaha is-gaadhsiinta ee badda hoosteeda mara.

(3)     In shirkadaha caalamiga ah ee leh xadhkaha is-gaadhsiin ee badda hoos mara aan loo oggolaan doonin inay heshiis la galaan, nooc kasta ha ahaadee, shirkad kale oo reer Somaliland ah.

Sidaa darteed, xeerkani mar haddii uu xeerayo ama jidaynayo fulinta iyo ku-dhaqanka heshiiska noocaas ah, ee ku salaysan kootada, wuxuu si toos ah uga soo horjeedaa ama burinayaa qod.11aad ee distoorka qaranka. Taasina waxay ku imanaysaa sidan:

(a)     Isaga oo xakameeyay ama lid ku ah “Mabaadii’da suuqa xorta ah” iyo tartanka furan (fair competition) [Qod.11ad.faq 1aad]

(b) Isaga oo diiddan in “fursadaha dhaqaale si caddalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo” (qod.11aad faq.2aad.) kaasoo isla markaana ka horimaanayo mabda’a distooriga ah ee “sinnaanta muwaadiniinta” { qod. 8aad).

(c)     Isaga oo xakamaynaya ama didinaya “maal-gashiga shisheeye ee dalka gudihiisa” ee distoorku waajibiyay inay dawladdu dhiirrigeliso oo dammaanad qaaddo. {qod.11aad.faq.3aad}.

(d)     Isaga oo isla markaana carqalad iyo dabar ku ah xaqiijinta iyo hirgelinta xaqa asaasiga ah ee ku xusan qod.22aad faq.1aad ee distoorka, kaasoo ah in “muwaadin kastaa…xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha….dhaqaale…..” sifo shrci ah. Sidaa darteed, sina muran uma geli karo in xeerkaasu ka soo horjheedo distoorka xaraf ahaan iyo ruux ahaanba.

(ii)  Tusaalaha labaad ee muujinaya sida xeerkani uga soo hor-jeedo distoorka iyo sharciyaddaba guud ahaan, waxa loo soo qaadan karaa qod.67aad ee xeerka, kaasoo jidaynaya in Wasiirku ka wareejiyo lahaanshaha  mulkiilaha hantida ma-guurtada ah, haddii uu u baahdo ruqsadaha shebekadda Isgaadhsiinta, mulkiiluhuna diido inuu kaga iibiyo qiime macquul ah {qiimaha macquulka ahi ma sida ruqsadluhu ku doonayaa?}. Taas micnaheedu waxa weeye, iyada oo kooban: In wasiirku awood u leeyahay inuu hanti cidi gaar ahaan u leedahay ka qaado lahaanshaheeda kuna wareejiyo cid gaar ah oo kale.

Arrintaasi sida cid waliba garan karto ma aha arrin suuragal ah sharciyan. In lahaanshaha hantida gaarka ahi qofka leh ka wareegto oo qof kale u wareegto waxay leedahay qaabab sharci ah oo cayiman ah, sida iibka, hibada ama deeqda, dhaxalka IWM. Lahaanshaha hantida gaar ahaaneed, waa xaq asaasi ah oo lama taabtaan ah, waxana damaanad-qaadaya distoorka qodobkiisa qod.31aad. hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyada oo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Isla markaana wuxuu distoorku raaciyey, “xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la-wareegidda lahaansha hantida gaar ahaaneed.” Halkaas laba arrimood ayaa muhiim ah inay kala caddaadaan:

(a)     Waxa iska cad in lahaanshaha hantida Danta guud ay dawladdu ka wakiil tahay. Hantida danta guud awgeed loola wareegay dawladda ayay u wareegeysaa. Uma wareegi karto cid gaar ah, iyada oo cid gaar ah laga wareejiyay. Taasi waxay albaaabbada u furaysaa in la isku booboo awoodda dawladda. Mana aha waayo-aragnimo ku cusub bulshada reer Somaliland.

(b)     Ugu horrayn, la wareegidda hanti gaar ah dan guud awgeed, waxa distoorku sharrdi uga dhigay inuu jiro xeer jidaynaya oo tilmaamaya waxyaalaha danta guud soo geli kara, qaabka loola wareegayo iyo habraaca la maryo la-wareegista hantida iyo cidda awoodda u leh inay arrintaas go’aan ka gaadho iyo waxyaalihii kale ee sharci ahaan loo baahan yahay inay sugan yihiin. Sidaa darteed haddii aanu jirin xeerkaasi la wareetgista hantida gaarka ah dan guud awgeed waxay noqonaysaa sharci-darro. Waxase iska cad in laga qaado lahaansha hanti gaar ahaan qof u leeyahay, laguna wareejiyo qof kale oo gaar u yeesha aanay marna danta guud soo geli karin.

(c)     Mar labaadka, danta guud waxa ka wakiil ah dawladda. Haddii hanti gaar loo leeyahay lala wareego dan guud awgeed, hantidaasi waxay u wareegi kartaa oo keliya cidda danta guud ka wakiilka ah. Balse, Hanti qof laga qaaday looma wareejin karo cid gaar ah.

(i) Tusaalaha saddexaad ee muujinaya sida xeerkani distoorka u khilaafsan yahay wuxuu ka muuqdaa qod.1aad.faq. ugu dambaysa (oo aan astaan lahayn). Sida ku cad araarta distoorka xarafka (j), mabaadii’da gundhiga u ah ee uu ku dhisan yahay distoorka JSL waxa ka mid ah, “Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka.” Mabdada’aas wuxuu mar kale ku qeexan yahay qod. 37aad. Faq.2aad oo u dhigan sidan: “Dhismaha qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood  waxay noqon doonaan sida uu distoorku dhigayo.” Distoorku wuxuu dhigayaa in awoodda fasiraadda xeerarka ay iska leedahay waaxda garsoorku {qod.98aad. faq. 1aad. xarafka (b)}. Hase yeeshee xeerkani, isaga oo burinaya ama ka hor-imanaya mabaadii’da iyo qodobbada gundhiga ah ee distoorka wuxuu siinayaa awoodda fasiraadda xeerka Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta. Wuxuuna qorayaa: “Eray kasta  ama weedh kasta oo aan lagu qeexin xeerkan, waxa loo fasiri doonaa si waafaqsan qeexidda ay u dejiso wasaaraddu…” Taasi miyaanay ahayn awooddii garsoorka oo loo wareejiyey Wasaaradda?

Siyaalaha aanu xeerkani u waafaqsanayn distoorka waa fara-badan yihiin, waxaanuse filaynaa in saddexddaas tusaale oo keli ahi ay ku filan yihiin ciddii rabta inay ku qanacdo sida xeerkani distooriga u ahayn.  La soco……………

 

GHTime Code(s): nc 

Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE