“Mushkiladda keliya ee ka taagnayd ururka Afrika waxay ahayd fikradda xuduudaha inaan la beddelin…fekerkaasina xilligan ka dib dhab ma ahaan doono..”
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)
Hargeysa, 28, May 2011(Ogaal/AFP)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inaanay Somaliland la-hayste u sii ahaan doonin Soomaaliyada qalalaasuhu ka taagan yahay. Isla markana, waxa uu shaaca ka qaaday in dooddii Midawga Afrika waxba ka sii jiri doonin marka si caalamiya loo aqoonsado Kuunfurta Sudan.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa u soo jeediyey bulshada caalamka inay siiyaan aqoonsi buuxa oo uu sheegay inay Jamhuuriyaddiisu. Sida ay qortay Wakaaladda Wararka AFP, Somaliland ayaa dhowaan u dabbaal-degtay sannad-guuradii labatanaad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyaddeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya. “Waxa la gaadhay wakhtigii bulshada caalamka fiiro u yeelan lahaayeen waxqabsiga shacabka reer Somaliland, isla markaana siin lahaayeen aqoonsiga ay doonayaan una qalmaan,” ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo, ku sheegay wareysi AFP la yeelatay.
Somaliland ayaa xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991, sannad dalkaa ku yaalla Geeska Afrika ka dhaceen xasillooni-darro xukunkii lagaga tuuray Madaxweynahii Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Madaxweyne, Siilaanyo ayaa ku dooday in madax-bannaanida koonfurta Sudan joojin doonto dalabka aqoonsi raadiska ee Somaliland. “Mushkiladda keliya ee ka taagnayd ururka Afrika waxay ahayd fikrada xuduudaha inaan la beddelin.. laakiin, fikrikaasi wixii xilligan ka danbeeya dhab ma ahaan doono,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo yidhi, isagoo tilmaamaya xalaadda Sudan , oo waddan keliya ahayd wakhtigii gumaysiga.
Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay inaan mushkiladaha Soomaliya loo oggolaan inay hor istaagaan horumarka Somaliland. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxay uu yidhi; “Bulshada caalamku way arkaan inaan isbeddel ku yimaadda xaaladda Soomaaliya dhaweyn mustaqbalka, markaa ma jirto sabab aan la-haysteyaal ugu noqonno xal loo helo Soomaaliya.” “Waxaannu rejeynaynaa in bulshada caalamku xal u helaan Soomaaliya, waannu taageeraynaa isku deygaa caalamka, laakiin, waa inaanay annaga caqabad nagu noqon.”
Siilaanyo ayaa sheegay in aqoonsi la’aanta Somaliland ku weyday kuraasidii ay xaqa ugulahayd ee UN-ka iyo AU kana dhigtay mid aan helin mucaawinooyinka horumarineed. Mar la weydiiyey jiritaanka dhaqdhaqaaq kooxo ka soo horjeeda Somaliland gudaha Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag-Bari. Waxaanu Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlayaa; “Kuwaasi waa muddaharaadyada dhammaan Adduunka ka jira.. annaguna kama duwanin.”
Waxuu ku dooday in Somaliland tahay waddanka ugu nabadgelyada badan geeska Afrika, isla markaana waddo dheer u soo mareen sidii ay u hirgelin lahayeen hab dimoqraadi ah iyo xukun loo dhan yahay. “Haddii cabashoyin halkan iyo halkaa ka jiraan, waxba kuma jabna?” ayuu yidhi Axmed Maxamed Sillanyoo, oo ah Madaxweynahii afaraad ee Somaliland soo mara illa muddadii ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.
Madaxweyne Siilaanyo, oo shahaado ka qaatay Jaamacadda London School of Economics, isla markaana Guddoomiye u ahaa Xisbiga Kulmiye, ayaa kala wareegay xilka Daahir Riyale Kahin oo muddo siddeed sano ah Madaxweyne ka ahaa Somaliland, ka dib markuu kaga guulaystay doorashooynkii madaxtinimada ee dalkaa ka dhacay 26 June 2010.
In badan oo dadkii codkooda dhiibtay iyo siyaasiyiin caalamka ah ayaa tilmaamay in isbeddelkaa awoodda ee sida fiican ku dhacay uu mar kale xaqiijinayo qaangaadhka dimoqraaddiyadda ka jirta, isla markaana xoojin doonto dalabkooda helitaanka aqoonsi caalami ah.
Qaar ka tirsan waddammada caalamka ayaa ku doodaya in Somaliland u qalanto dal madaxbanaan, oo xaq u leh helitaanka mucaawinooyin badan, laakiin Ururka Afrika ayaa werwer ka qaba aqbalaaddooda.









