CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Mucjisada Mataano abuurkoodu dhif yahay oo ku dhashay dalka Shiinaha

Qof dumar ah ayaa ku dhashay gabadh laba madax leh magaalada  Sichuan, ee dalka Shiinaha. Gabadhan ladaba madax leh, oo wadaaga jidh keliya, laba gacmood iyo laba lugood, ayaa ku dhalatay qeybta Caesarean wiigii hore, sida dhakhaatiirtu sheegeen.

Hablahan walaalaha ah aya la sheegay inay ka cabanayaan xaalad caafimaad daro oo loo yaqaan  dicephalic parapagus – xaalad aan caadi ahayn oo mataaneyaasha jidhka keliya leh saamaysa. .

Sababta wadaagooda jidhka keliya, macquul maaha in la ka gooyo mataanahaa.

Mataanahan ayaa dhashay ka dib markii ugxan la qaboojiyey suurtoobi weyday inay si siman u qeybsanto, xaaladaha oo badi ka dhaca Aasiya iyo Afrika. Si kasta, in badan aya la arkay xaaladaha noocan oo kale mataanaha ku dhasha wadamada reer Galbeedka.

Bishii July, 2009, Lisa Chamberlain, oo ka timi Portsmouth, ayaa dhashay mataanaha Joshua iyo Jayden, oo wadaaga jidh keliya. Joshua ayaa ahayd  dhicis, halka walaalkeed noolaa muddo 32 daqiiqadood ah, intaanu ku dhiman dhabta hooyadii.

Sidoo kale, mataano xaalada oo kale ah Abigail iyo Brittany Hensel ayaa noqday kuwo caan ah, kana muuqday barnaamijka  Oprah Winfrey Show, isla markaana laga sameeyey barnaamij telefishanka laga soo daayo.

Walaalaha oo haatan, 21 jir ah kana soo jeeda Minnesota, aya u muuqda kuwo jidh qof caad ah leh, inkastoo xaqiiqadii qeybo badan oo uurku-jirtoodu laba laba tahay. Halka mid walba gaarkiisa u awoodo inuu wax cuno, waxna qoro, si kala gooni ah, ayaa ah in Hawlaha kale sida socodka iyo wadida gaaadhida inay wadaagaan.


Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE