Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland oo been-abuur ku tilmaamay inuu ciyaartoy u diray Jabuuti
Hargeysa 11, May 2011 (Ogaal)- Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland, ayaa beeniyay in ciyaartoy magaca Soomaaliya ku ciyaaraysa uu u diray dalka Jabuuti.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soosaaray xoghayaha xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Mr. Khadar Maxamed Yuusuf, waxay jawaab ka bixiyeen warar ay wargeysyada dalka qaarkood faafiyeen, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sinda; “Maalinimadii Khamiistii la soo dhaafay ee ay bishu ahayd 05/05/11ka waxaa xafiiska xidhiidhka kubadda Cagta yimid mamulka naadiga Goodir (Police-ka), waxay xafiiska kula kulmeen xoghayaha Xidhiidhka oo ay u sheegeen inay ka doonayaan warqad ay kaga fasax qaataan Mamulka Naadiga, waxaan u diray guddomiyaha xidhiidhka Kubadda Cagta.
Waxay la kulmeen guddoomiyaha, una sheegeen in warqadaa loo qoro, guddoomiyuhu wuxuu waydiiyey sababta ay Djibouti u tagayaan iyo ‘waxaa na soo casuumay koox Qurbajooga Somaliland ah oo ka qaybgalaysa ciyaar lagu xusayo Xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha Djibouti, bari oo jimce ah ayaanu diyaarada Jubba air ku qoranahay casuumada iyo wixii kharash nagu baxayana waxaa qaba qurbajooga Somaliland.’
Xidhiidhku wuxuu u qoray warqada Mamulka Naadida Goodir (Police), isagoo xidhiidhku u sheegaya mamulka nNaadiga inay u fasaxi karaan 4 ciyaartay, si ay uga qaybgalaan ciyaarta xaflada ee qurbajooga Somaliland iyo Naadi Djiboutiya dhexmari doonta.
Waxaa dhacday in warbixino kala duwani ay soo galeen isla maalintii xigtay oo Sabti ahayd, wargeyska Saxansaxo wuxuu waraystay guddomiyaha xidhiidhka Kubadda Cagta, warbixintii uu siiyey waxay ku dareen in guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagtu la soo xidhiidhay Ahmed Sheil.
Haddaba, haddii aanu nahay Xidhiidhka kubada Cagta iyo Guddida Olypicada Qaranka, waxaanu beeninaynaa in aanay jirin codsigii ama xidhiidhkaa ay wada xidhiidheen Ahmed Sheel iyo Guddomiyaha Xidhiidhku oo ay tahay been-abuur, si khalad ahna ay u qortay wargeyska Saxansaxo.
Waxaa kaloo jirtay in Wargeysaka HargeisaStar uu qoray in wasiirka Dhalinyarada, Dhaqanka iyo Ciyaaruhu uu u sii kaxeeyey Djibouti afar ciyaartay, si ay uga mid noqdaan koox Somaliwayn ah oo ka qaybgalaysa xaflada caleemo-saarka Madaxwaynaha Djbouti, labadaa arrin oo labaduba yihiin been-abuur aanay waxba ka jirin.
Waxaanu leenahay labadaa wargeys inay dib u sixid ku sameeyaan labadoodii nuqul ee soo baxay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.”









