CIMILLADA HARGEYSA

Ogaalnews

Jaamacadda Hargeysa oo heshiis la gashay Jaamacad ku taala dalka Australia

Hargeysa 11, April 2011 (Ogaal)- Jaamacadda Hargeysa oo ugu wayn Jaamacaddaha Somaliland, ayaa shalay heshiis la gashay Jaamacad ku taala dalka Australia.

Munaasibad loo sameeyay saxeexa heshiiskaas laba-geesoodka ah oo shalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay maamulka Jaamacadda Hargeysa iyo wefti ka socday Jaamacadda ay heshiiska la galeen oo lagu magacaabo University of Western Australia, kuwaasoo si rasmi ah u kala saxeexday heshiiskaas oo ku saabsan in labadooda kulliyadood ee Caafimaadku ay si toos isugu xidhmaan, isla markaana ay iskaashi ka yeeshaan waxbarashada iyo arrimaha cilmi-baadhista.

 

Heshiishka masuuliyiinta labada Jaamacadood

Ugu horayn, guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof. Mubaarak Ibraahim Aar oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu faahfaahin ka bixiyay heshiiskaas. “Maanta (shalay) waxa si rasmi ah heshiis wada-shaqayneed u kala saxeexanaya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda University Western of Australia oo uu ka socdo Prof. David Allbrook oo muddo dheer ku soo dhexjiray hawlan waxbarashada, Jaamacadda Hargeysana muddo dheer kala shaqaynayay arrimahan (waxbarashada). Heshiiskan la kala saxeexanayo waxa si gaar ah u wada-shaqayn doona Jaamacadda University Western of Australia iyo kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa, waxaana si gaar ah isugu xidhnaanaya labada kulliyadood ee Caafimaadka labada Jaamacaddood,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenku.

Prof. Mubaarik waxa uu sharaxaad ka bixiyay heshiiska ay Jaamacadda Australia ku taala la galeen iyo qodobada uu ka kooban yahay. “Qodobada lagu heshiiyey oo shan ka kooban, waxa kow ka ah in labada Jaamacadood macalimiinta iyo hawlwadeenada is waydaarsadaan, in macalimiinta la is waydaarsado, in cilmi-baadhisooyin la wada sameeyo iyo in agabta waxbarashada la is waydaarsado, run ahaantiina heshiiskani waa mid Jaamacadda Hargeysa u baahnayd,” ayuu yidhi Mr. Aar.

Prof. David Allbrook oo ka wakiil ah Jaamacadda University Western of Australia oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay heshiiskaas wadashaqayneed ee wada Jaamacaddood dhexmaray, isla markaana uu yahay heshiis suurtogalinaya wadashaqayn togan oo dhexmari doonta labada dhinac.


Comments are closed

RAADI WARARKII HORE

Photo Gallery

© 2011 - Ogaal News Online - All Rights Reserved - Designed by KADAR KAARIYE