Hargeysa: Dhiirrashadii Cirro, Dhirbaaxadii Ku-xigeennada & Dhoola-cadayntii isbeddel-doonka
Hargeysa 30, January 2011 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa soo afjaray khilaaf xoogan oo muddooyinkii u dambeeyay kala qaybiyay golahaas.
Guddoomiye Cirro oo go’aan dhawr qodob ka kooban ka akhriyay fadhi ay shalay mudaneyaasha golahaasi ku yeesheen dhisme cusub oo looga dhisay xayndaabka dhismaha labada gole ee Xeer-dejinta Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa uu xaal iyo raaligelin siiyay mudaneyaashii watay mooshinkii muranku ka dhashay ee wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, wuxuuna tirtiray go’aankii ku-xigeenadiisu ku laaleen mooshinkaas.
Go’aankaas oo shan qodob ka kooban, waxa uu guddoomiyuhu ku muddeeyay waqtiga laga doodi doono wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka, ka dib marka la soo hordhigo qoraal wax-ka-bedelka iyo kaabistiisa ku saabsan oo uu xusay in si madaxbanaan loo soo diyaariyay. Wuxuuna go’aankaas oo mudaneyaasha goluhu dareen isku mid ah ku qaabileen uu u dhignaa sidan; “Markaan dhegeystay dooda mudaneyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax-ka-bedelka iyo kaabista xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada;
Markaan dhegeystay Gudoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada JSL;
Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Golaha;
Markaan arkay in nuxurka khilaafka Golaha uu yahay soo dhigida xeer-hoosaadka golaha, si kaabis iyo wax-ka-bedel loogu sameeyo;
Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeer-hoosaadka Golaha;
Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee Dastuurka;
Markaan xogogaal u noqday in Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL qaateen aqoon korodhsiyo (seminars) ku saabsan kaabista wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka Golaha (Standing Orders of the House) July 2009, April 2010 iyo May 2010, kaasoo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baarlaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA, si xeer-hoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baarlamaanada kale.
Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Draft) xeer-hoosaad oo laga sameeyey doodihii seminars-kaas;
Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudaneyaashu yahay kaabista iyo wax-bedelka qodoboda xeer-hoosaadka;
Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo soojeedinta (motion) ee mudanayaasha;
Markaan tixgeliyey in mudnaanta koowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeer-hoosaadka Golaha;
Waxaan go’aamiyey;
1. In aan raaligelin iyo xaalka ka siiyo mudaneyaasha jooga iyo kuwa maqanba wixii gef ah ee ay ka tirsadeen xubnaha Shirgudoonka muddadii khilaafku Golaha ka jiray;
2. In Golaha la horkeeno drafta wax-ka-bedelka iyo kaabista xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaanada dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo muddo dheer diyaarintiisa la waday, si goluhu uga doodo. Draft-kani waa mid dhexdhexaad ah (neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn Shirguddoonka iyo mudaneyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeer-hoosaadku siiyey soo jeedinta wax-ka-bedelka xeer-hoosaadka.
3. In Gudida Joogtada ah ee Goluhu kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka (marxalada) uu marayo drafta kaabista iyo wax-bedelka xeer-hoosaadka Golaha ee kor ku xusani.
4. In mudaneyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax-ka-bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeer-hoosaadka marka ay bilaabanto dooda xeer-hoosaadku.
5. In mudaneyaashu xaq u leeyihiin wax kasta oo ay u jideeyeen Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Goluhu.”









