Fadhigii Golaha Oo Ku Furmay Rasaas+ Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Xabsiga La Dhigay + Dhaawac Soo Gaadhay Gudoomiyaha Cusub Iyo Xildhibaan Nacnac

Hargeysa, (Ogaal)-Fadhigii gollaha wakiilada Soomaaliland ayaa maanta gacanta leys kula tagay, waxaana gudaha xarunta laga maqlay rasaaas, taasoo keentay in ay gudaha gallaan ciidamo booliis ah.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa la sheegay in uu gacan ka hadal dhaxmaray.

Guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiilada ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaadheen waxaana markii danbe laga kaxeeyay goobta.

Gacan ka hadalka iyo khilaafka ka dhax jira gollaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dhashay doorashadii maalin ka hor dhacday oo xildhibaankii looga guuleystay guddoonka gollaha wakiilada uu sheegay in codadka leys dab-mariyay islamarkaana isagu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gollaha wakiilada.

Pin It