Somaliland: Mucaaradka iyo Muxaafidka Oo Loollankii Ugu Adkaa Saaka Ku Dhex-mari Doono Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey ee Xukuumadda iyo Kulmiye oo isku dhinac ah ee Xod-xodoshada Xildhibaannada iyo Waddani oo dhinac ah iyo Is-muquuninta Saaka

Hargeysa, 06 August, 2017(Ogaal):- Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye oo isku-dhinac ah iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo isaguna dhinac ah, ayaa la filayaa inay maanta ku kala calaf-qaadaan oo midkood ku guulaysan doono hoggaaminta Golaha Wakiillada, ka dib markii uu Arbacadii inna dhaaftay iska casilay Guddoomiyihii 102-kii sano ee u dambeeyey hoggaaminayey Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani.

Iyada oo ay laga soo bilaabo Arbacadii toddobaadkii hore markii uu Cirro iska casilay Guddoonkii Golaha Wakiillada ay magaalada Hargeysa ka socdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole ka dhex-socda Golaha Wakiillada oo ay Xildhibaanno dhawr ahi shaaciyeen inay u sharraxan yihiin jagada Guddoomiyaha iyo weliba Jagada ku-xigeenka koowaad oo uu iska casili doono Baashe Maxamed Faarax oo ah ku-xigeenka koowaad oo u tartami doona Kursiga Afhayeenka Golahaas, ayey Jimcihii illaa xalay sii xoogaysteen Kulan-doceedyada Musharrixiintu la yeelanayaan Xildhibaannada, Beelaha qaarkood, Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda, gaar ahaan Kulmiye iyo Waddani iyo Xukuumadda oo si adag ugu loollami doona Buuxinta Kursigaas Musharraxa Waddani banneeyey.

Haddaba, Kulammada ay Warbaahinta qaar gudaha u galeen goobaha ay ka qabsoomayeen, waxaa ka mid ahaa Kulan Qado ah oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa shalay Qado u sameeyey in ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo u badnaa kuwa Muxaafidka ah ugu sameeyey shalay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye, Xubno Golaha dhexe ee Kulmiye iyo weliba Saraakiil kale oo Xisbigaas Xubno ka ah iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan.

Inkasta oo aanu jirin wax hadal ah oo Kulankaas Qadada ahaa laga jeediyey ama War toos looga soo saaray oo Warbaahinta la siiyey, haddana Eryal TV ayey u suuragashay inuu Muuqaalka Fadhiga guud ee Xildhibaannada, Masuuliyiinta iyo Xubnaha Kulmiye iyo Wasiirrada Xukuumadda ee goobtaas fadhiyey, waxaana War TV-gaasi ka sameeyey lagu sheegay in uu Casuumaddaas Xildhibaannada u fidiyey ama u sameeyey Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Hoggaanka Kulmiye, ujeeddaduna ahayd in Mudanayaashaas lagu qanciyo inay u codeeyaan oo ay doortaan Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah Musharrixiinta u tartami doona Jagada Guddoomiyihii Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada u tartamaya Jagadaas ee illaa hadda Musharraxnimadooda Shaaciyey waxaa ka mid ah; 1- Baashe Maxamed Faarax oo hadda ahaa 12-kii sano ee Golahaasi jiray Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo Koowaad isagoo intii hore ahaa ku-xigeenka 2-aad, markii Samaale Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay ka dibna noqday Ku-xigeenka 1-aad. 2- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka tirsan tan iyo sannadkii hore Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. 3- Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaannada Muxaafidka ah. Sidoo kale, Kursiga Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad oo Baashe tartankiisa ka hor iska casili doono, ayey u tartamayaan Xildhibaanno Reer Awdal ahi sida la sheegay, kuwaas oo xogta illaa hadda la hayo uu ugu cadcadyahay  Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna ka tirsan sannadihii u dambeeyey Xildhibaannada Muxaafidka ah, balse siyaasaddiisu dhex-dhexaad u badan tahay.

Hase-yeeshee, sida ay tibaaxeen ila-wareedyo Xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada Golaha, Musharrixiinta ordaya, doorka Xukuumadda iyo Shirar-doceedyo soo bilaabmay habeennimadii Khamiista markii Guddoomiyihii hore ee Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu is-casilay, una madax-bannaanaaday Musharraxnimada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaa Hargeysa ka socday Shirar ay wadaan Musharrixiinta ugu cad-cad ee la filayo inay maanta ku tartami doonaan Kursiga Guddoomiyaha Wakiillada, kuwaas oo kala ah Baashe Maxamed Faarax oo la filayo inuu Fadhiga Axadda Maanta iskaga casili doono Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas, kaas oo la sheegay inay Xildhibaanno Toban ka kooban Madaxtooyadu u Xushay inay la wadaan ololaha lagu kala jiidanayo taageera Mudanayaasha, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kulmiye. Waxa haddaba Wararku intaas ku ladheen in Musharraxa isna ugu cadcad ee ay Baashe isku gobolka ka soo jeedaan ee la filayo in tartanka ugu adagi dhexmari doono, ayaa ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), kaas oo Waddani ka tirsan, isla markaana helaya taageerada Guddoomiyihii jagadaas banneeyey ee Musharrax Cirro iyo Mudanayaasha Xisbigiisa ka tirsan.

Inkasta oo uu Tartanka buuxinta Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu dhex-mari doono Musharrixiintaas, haddana geesta kale waa Tartan u dhexeeya Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Xukuumadda talada haysa oo isku dhinac ah iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo codaynta Maanta ee Mudanayaashu guusha hoggaaminta Golaha Wakiillada midkood raacin doonto Mucaaradka iyo Muxaafidka.

Iyadoo ay sidaas tahay, isla markaana ololaha xooggan Musharrixiinta ay kala wataan Xisbil-xaakimka iyo Xukuumaddiisa oo wata Baashe Maxamed Faarax iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo wata Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxa la sheegay in dhinac waliba Musharrixiisa kala shaqaynayo inuu ku guulaysto hoggaaminta Golaha Wakiillada, isla markaana afkaarta ay Xildhibaannada ku kala jiidanayaan ka sokow ay jiraan warar sheegaya in Lacago ay ku ololaynayaan ay labada dhinacba siinayaan Xildhibaannada, waxaana aad farta loogu fiiqay in Xukuumaddu Lacag badan ku bixinayso sidii Baashe jagadaa ugu ruqaansan lahaa, balse Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo SomaliCable TV weydiiyey lacagta la sheegay in Xukuumaddu, ayaa isagoo u muuqday inuu xaqiiqda dhinac iska dhigayo waxa uu sheegay inaanay Xukuumaddu wadin olole iyo lacag ay Xildhibaannado siinayso iyo faro-gelin ay ku hayso cidda Xildhibaannado Afhayeenka koowaad u dooranayaan toona, haddana waxa uu isla Warka uu siiyey TV-gaas ku sheegay inay doonayaan in Xildhibaan Kulmiye ahi ku guulaysto Guddoomiyaha Golahaas.

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo ka jawaabaya su’aasha arrintaa laga weydiiyey waxa uu yidhi; “Xukuumaddu waa Xukuumaddii Muxaafidka iyo Mucaaridka, waa Xukuumaddii saddexda Xisbi-ba. Xukuumaddan Jamhuuriyadda Somaliland ee gadh-waddeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa oday Qaran, Odayguna Carruurtiisa ma kala jecla. Xukuumadda Somaliland wax faro-galin ah iyo wax carqaladayn ah midna kuma hayso habsami u socodka ololaha loogu jiro doorashadda iyo Xulashada Ninkii noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee labadda sano ee soo socda. Sidaa daraaddeed, waxaan halkan si cad uga beeninayaa in aanay Xukuumaddu lacag iyo xod-xodasho midna aanay kula dhex-meerayn Mudanayaasha Golaha Wakiillada.”

“82-ka Mudanne iyaga ayaa xaq u leh, iyagaa sharcigu siinayaa, iyaga xeer hoosaadku siinayaa in kii ay u arkaan inuu ku habboon yahay inay xushaan. Dabcan Madaxweynuhu wuxuu ka soo jeedda xisbul-xaakimkii, xisbul-xaakimkuna waa jooratigga Golaha Wakiiladda, waxaannu mar walba jecelnahay maaddaama oo aannu Majooratiga nahay inuu Xisbil-xaakimku uu Afhayeen ka noqdo Guriga Golaha Wakiillada.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeen Dayr.

 

Pin It