Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Hanti Dhawrihii Guud Ee Qaranka

Hargeysa  (Ogaal)-Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa xilkii ka qaaday hanta dhawrihii guud ee Qaranka Md Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere), isla markaana amray inuu xilkaasi ku wareejiyo ku xigeenkiisa.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada Madaxweynuhu sidan:-

 Ku:      Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)

Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

 Og:      Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:      Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Og:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hannan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Pin It