Ciidammo la Wareegay Xafiiska Waddani Ee Gabiley, Kulmiye Oo Lagu Eedeeyey, Jawaabta Xukuumadda iyo Iftiiminta Sheekhul-baladka  

 “Anigu ma ihi Nebi Luud (C.S) oo yidhi; ‘Illaahayoow haddaan Beel adag ka dhasho sidaa la iima galeen’. Anigu ma ihi, ee nabadgelyada iyo ixtiraamka dawladnimo ayaan dhawrayaa..” Sheekhul-baladka Gabiley

Hargeysa/Gabiley, 17 Julay, 2017(Ogaa):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddai, ayaa Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey in Guri Waddani ka kiraystay magaalada Gabiley ku qabsaday Kulmiye, isla markaana Xukuumadda oo garab-siinaysaa Ciidammo ku Xeertay Gurigaas Muwaaddininkii lahaa ka kireeyey. Gurigaas oo uu sidoo kale ka hadlay Sheekhul-baladka Gabiley oo caddeeyey in Waddani laga qaldan yahay, ayey Xukuumadduna ka jawaabtay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo isagu Afka Xukuumadda ku hadlayey oo shalay siyaabo gooni-gooni ah Warbaahinta ugula hadlay Hargeysa, ayaa ka hadlay xaaladda Guriga uu Waddani ka kiraystay Gabiley ee Xukuumaddu Ciidammada ay Kulmiye ugu-xoog-wareejinayso geysay, sida uu Waddani sheegay.

Ugu horreyn Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo ka hadlay xaaladda Gurigaas ka taagan iyo mawqifkooda Xisbi ahaan waxa uu yidhi; “Gabiley si sharci-darro ah oo aan waafaqsanayn Shuruucda dalka oo hanjabaad iyo cago-juglayn ah, ayaa Ciidankii Qaranka Xafiiskii Xisbiga Waddani loogu wareejiyey, kaasoo Muwaaddinkii lahaana uu ka kireeyey Waddani, Nootaayana ay kala qorteen, wax alla wax ka dhimanina aanay jirin, Muwaaddiniinna ay yihiin dalka leh, Xaqna u leh oo cidi aanay u diidi karin (inay Guryohooda kireeyaan Dadku).”

“Waxaannu Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye-ba uga digaynaa oo aannu leenahay si deg-deg ah ha uga qaadaan Ciidankaas ay ku xeereen (Xafiiska Gabiley ee Waddani), hadday ka qaadi waayaan Sharci-darrada Xisbiga Waddani marna ma aqbalaayo, wax wal oo ay ku kullifaysana yeeli maayo inay wax sharci-darro ah Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo isku duubani ay sameeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Waddani.

Waxa uu Xoghaye Uur-cadde intaas ku sii daray; “Waxaannu leenahay Dalka iyo Dadku waxay ku wanaagsan yihiin, Xisbiyaduna Xisbiyo Qaran ku yihiin, waa nidaamka iyo Sharciga, markaa Kulmiye nidaamka ha u soo noqdo. Kulmiye Xafiisyada Xisbiga Waddani ee uu xidhayo ee ku yaalla Qoyta, Balanballe, Nasiye iyo kuwaa Gabiley ee Ciidanka ay ku wareejiyeen-ba, waxaannu leenahay Calammada Waddanina halkoodii haku celiyaan, Calanku waa Calan Qaran oo Xisbi Qaran leeyahay, Calan aad dejisaanna idiin codayn maaye. Markaa, waxaannu leenahay sidii UDUB u samray Kulmiye-na ha u samro.”

“Waxa iyaduna soo baxaysa in Maareeye, Agaasime, Wasiir iyo Masuuliyiintii iyo Shaqaalihii dawladda ahi si toos ah ugu jiraan Olole oo ay ka ololaynayaan dalka oo dhan, Madaxweyne Ku-xigeenkuna amar bixiyey, laakiin amarkii aan la raacaynin. Waxa kale oo aannu ka hadlaynaa Shaqaalihii dawladda oo iyagana qaarkood aanay illaa immika qaadan Mushaharkii yaraa ee Sicir-bararka Xukuumaddu dul-saartayna saameeyey ee aan waxba u jaraynin, in haddana aanay qaarkood weli qaadan Mushaharkaas.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Hase-yeeshee, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa sheegay inaanay jirin Xafiis Waddani ku leeyahay Gabiley ama Guri uu ka kiraystay Kulmiye looga qaaday ama laga xidhay, waxaanu yidhi; “Annagu Xukuumad baannu nahay oo dalka waannu u adeegaynaa, Xisbi aannu ahaanno oo Kulmiye annaga hannaga dhasho oo aannu taageersanaanno oo aannu la shaqayno, laakiin haddana Xisbiyada Xukuumad ahaannu si siman baannu ula wada shaqaynaynaa. Xisbiga Kulmiye isaga oo karaya inuu magaalada (Gabiley) ka helo Guri, waxa uu u doonto Guri kiraysan meesha ma taallo.”

“Ninka lahaa Aqal baa nalaga xidhay iyo Aqal-baa nalaga qaaday ujeeddada uu ka lahaa isagaa sheegi, waanaynu ogaan doonnaa. Sababta oo ah, Ummadda fidmo lama dhex-dhigo aan meesha oollin. Anigu waxaan qabaa Aqalka laga hor-joogsaday sababta looga horjoogsaday ha innoo bayaamiyo, ma ninkii lahaa baa u diiday oo yidhi kaa kirayn maayo, waxyaabo caynkaas ah baa jira baa laga yaabaa. Laakiin, Annaga oo Kulmiye ah baa kaa qaadnay ma odhan karaan (Kulmiye).” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu.

Geesta kale, Sheekhul-baladka Gabiley Sheekh Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo Saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inuu wax badan qarinayey oo uu dhawrayey Sharafta Xisbiga Kulmiye, Musharrax Muuse Biixi, Nabadgelyada iyo ixtiraamka dawladnimo, balse uu Kulmiye doonayo inuu xoog kula wareego Gurigaas oo Maamulka gobolka iyo ka degmada Gabiley ee dawladduna ku raacsan yihiin oo ay iyagu Ciidammada Gurigaas geeyeen.

Sheekh Cismaan Sheekh Muxumed Warsame oo arrimahaas ka hadlaya, Warqadna Warbaahinta u soo bandhigay, waxa uu yidhi; “Warqaddaa caddaynaysa Nootaayada, qodobbadeeduna ku xusan yihiin, oo caddaynaysa in Gurigani wax cid ah oo uu u kiraysan yahay jirin. Waxaa 11-kii bishan nalagu soo qaaday weerar caddaan ah, waxaannu dhawraynay muddada intaa le’eg oo Odayaashii gobolka Ergo ugu diray, inaan maga-xumadaa iyo ceebtaasi aanay ku soo noqon Muuse Biixi.”

“Nin wal oo Musharrax ahi gobol buu ka dhashay, aad waxaan uga damqanayey in aan faafiyo Warqaddaas, waxayse maanta (dorraad) oo taariikhdu ahayd 15-ka bisha July 2017, ka fursan wayday in haba-yaraatee aan ceeb looga baqayn, taasna ay la qabaan Maamulka iyo Xisbiga Kulmiye. Waxa kaaga daran waxa la leeyahay waxaannu u kiraynay Kulmiye oo aannu khasab ugu kiraynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekhul-baladka Gabiley.

Waxaanu Sheekh Cismaan oo hadalkiisa sii watay, intaas ku daray oo uu yidhi; “Anigu ma ihi Nebi Luud (C.S) oo yidhi; ‘Illaahayoow haddaan Beel adag ka dhasho sidaa la iima galeen’. Anigu ma ihi, ee nabadgelyada ayaan dhawrayaa, ixtiraamka dawladnimo ayaan dhawrayaa, markaa inta aanay ka hadal Qabaa’ilka iyo Xisbi, Dawladdu hadday ka deg-deg uga hadli waydo Xoolahaa Xisbiga Waddani laga qaaday Aqalkaa laga kireeyey, dhibaato ayaa ka iman doonta. Dawladdu waxay dalka iyo dadka ku xukuntaa Sharci, hadday Sharci-darro timaaddo Ninna Nin kama xoog-roonaanayo.”

Pin It