Guddoomiyaha SOLJA Muxuu Dhaafsaday Xayiraadda Shanta Shabakadood ee Hawada laga Saaray? By: C/Fataax I. Mursal

Hargeysa, (Ogaal)-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo isu-bahaystay burburinta madax-bannaanida Warbaahinta xorta ah, ayaa ku guulaystay inay Shirkadaha Isgaadhsiinta u adeegsadaan oo ay hawada ka saaraan Shan ka tirsan Shabakahada Wararka (Websites) ee Somaliland ka hawlgala.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo fulinaysa Dalab ay ka heshay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo si gaar ah Xukuumadda ula shaqeeya, ayaa soo saartay Amarka hawada lagaga saaray Shabakadaha Wararka baahin jiray ee kala ah; www.Baraarugnews.com, www.Saylactoday.com, www.Karinnews.com, www.Haleelnews.com iyo www.Suradnews.com. Waxay sidoo kale Xayiraaddaasi galaafatay Shabakado kale oo ay kuwaas hawada laga saaray isku Seerfar ahaayeen oo Ilaysnews.com ka mid yahay.
Waxaa Warka Amarka Maxkamadda gobolka Hargeysa ay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha SOLJA Xuuto u fulisay ee Mareegahaa Wararka ee Shanta ah Hawada lagaga saaray oo lagu socodsiiyey Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya, baahiyey Wargeyska Waaheen oo uu Mulkiyaddiisa leeyahay Guddoomiyaha SOLJA Xuuto oo Bogga hore soo dhigay Caddadkiisii Khamiistii Maanta soo baxay, waxaana amarkaas fuliyey Shirkadaha Isgaadhsiinta ee kala ah; Telesom, Somtel iyo Somcable oo bixiya adeegyada Internet-ka ee Somaliland laga isticmaalo.
Amarka Wargeyska Waaheen sheegay in uu Maxkamadda gobolka Hargeysa ka soo baxay, oo Ciwaan looga dhigay; ‘Amar Xayiraad Mareego Internet (Website)’ waxa uu u qornaa sidatan:- “Mudanayaal anagoo ka duulayna codsiga xayiraada sumaddiisu tahay qbd/423/017 ee ku Taariikhaysan 02/07/2017 ujeeddadiisuna tahay xayiraada website-yada dalka ku baahiya warar khaldan oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha qaybta baadhista danbiyada C.I.D, kuna codsaday in la xayiro shan mareegood oo ah website-yo ay ku sheegeen inay dalka ka baahiyaan warar been abuur ah oo ku lid ah beelaha wadanka JSL wada dega, faafiyeena dacaayado ka dhan ah madaxda Qaranka JSL, isla maraana taliyuhu qoraalkiisa ku xusay inay taasi sababayso amni daro iyo isku dhac ka iman kara beelaha wada dega dalkan JSL.
Sidoo kale anigoo ka duulaya dalabka ka yimid madaxda Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ee k u Taariikhaysan 03/07/2017 kuna codsaday in loo tixgaiyo qaybta baadhista danbiyada codsigooda isla markaana xayiraad la saaro website-yada dalka ku baahinaya wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah si nabadgelyada guud ee qaranku u ahaato mid xoogan.
Asbaabahaas sare ku xusan dartood waxaan soo saarnay Xayiraadan. Waxaan ogolaanay codsiga ka yimi madaxda xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex eek u taariikhaysan 03/07/2017 ee uu ku codsaday in la tixgaliyo codsiga qaybta aadhista danbiyada C.I.D ee sumadiisu ahaa QBD/BD/423/017, kuna taariikhaysnaa 02/07/2017 ee nuxurkuu xambaarsanaa sare ku xusan yahay.
Waxay maxkamaddu xayirtay dhamaan shanta Website ee lagu so Eedeeyey inay faafiyaan wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah ee ka dhanka ah Qaranka JSL oo kala ah:- Karinnews.com, Baraarugnews.com, Saylactoday.com, Haleelews.com, Suradnews.com.
Dhamaan shirkaddaha adeegyada Internet-ka bixiya ee qoraalkani ku socdo waxaan ku amraynaa inay fuliyaan amarkan maxkamaddu ku xayirtay oo Eedo ku taagani maxkamadda yaalaan. Amarkan xayiraada ah waxa uu soo baxay 12/07/2017.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Wargeyska Waaheen Baahiyey ee ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.
Hase-yeeshee, Asbaabaha ay Maxkamadda iyo Xeer-ilaalintu isku taageereen ee ay sheegeen inay ku kaceen Warbaahintaas la xayiray, maaha kuwo cad oo illaa hadda si rasmi ah Warbaahintu u ogtahay, marka laga yimaaddo inay baahiyeen Warar Shaqsiyaad gaar ahi dhibsan karaan, kuwaas oo haddii ay Dacwad u qabaan si furan Dacwaddooda u geyn karayey Maxkamadaha oo Mulkiilayaasha iyo Masuuliyiinta Shabakadahaas Dacwadda loo heysto ku furi lahaa oo kiisaska ay mutaystaan lagu heli lahaa ama lagu waayi lahaa.
Balse, taasi ma dhicin ee si badheedh ah ayaa loo weeraray Madax-bannaanida Xorriyatul-qawlka iyo Lahaanshaha Mulkiyadeed ee Shabakadahaas oo ay isu-kaashadeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyaha Ururka SOLJA, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda go’aankan soo saartay-ba. Sidoo kale, wax Dacwad ah ama cabasho ah oo laga qabo Shabakadaha Warbaahineed ee la xidhay lama soo gaadhsiin illaa hadda Ururka Shabakadaha Wararka Somaliland ee SOMA (Somaliland Online Media Association) oo si gaar ah ugu xil-saaran hoggaaminta iyo hawlaha Mareegaha Somaliland ka hawlgala, taas oo u muuqata Masuuliyad-darro iyo awood-maroorsi Xuuto ku kacay.
Sharciga iyo Shuruucda Dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ah-ba, ceeb iyo qalad toona maaha in la dacweeyo Qof, Koox, Hay’ad iyo wixii la mid ah ee dembi gala ama cidi Garsoorka uga dacwooto oo inta dacwaddiisa, teeda iyo tooda midday tahayba Maxkamadda xaqa u lihi furto dhinaca dacwoonaya iyo dhinaca la dacwaynayaba dhegaysato oo ay go’aan ama xukun cadaalad ah ka soo saarto dhegaysi, eedayn iyo is-difaac ka dib. Taasina may dhicin, oo Garsoorku dhex-dhexaadinimadaa ma samayn ee waxay Maxkamaddu u muuqataa mid marka la eego go’aankeedan keliya qaddarisay Kooxda dalabkan dabada ka waday ee Guddoomiyaha SOLJA ugu horreeyo.
Waxaanay Tallaabadani tusaale u tahay Warbaahinta sida xorta ah ee dhex-dhexaadnimada ah wax uga qorta Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, waana go’aan u muuqda in looga dan leeyahay in lagu cabbudhiyo Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland ka hawlgasha, iyada oo rabitaanka ama doonista SOLJA iyo Xukuumaddu u muuqdo mid Siyaasadeed oo Cid gaar ah lagu taageerayo ama lagu garab-siinayo, isla markaana lagu dedayo dhalliilaha jira ee Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye, si ay Warbaahinta iyo Weriyeyaashu u cabsoodaan oo ay dhinac qudha isugu raacaan inay u adeegaan.
Ku darso oo nasiib-darrada jirta ama Warbaahinta Somaliland ku habsatay, cidda sidaa u galaysaa waa ciddii ay u dooratay hoggaaminteeda, sixisteeda, horumarinteeda, u hadliddeeda iyo guud ahaan danaha Weriye iyo Warbaahinba ee SOLJA, gaar ahaan Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo u muuqda in uu Ururkii Saxaafaddu lahayd ka dhigay NGO ama Urur Xukuumi ah oo Xukuumadda si gaar ah, si toos ah iyo si dadban-ba ugu adeega oo danihii Saxaafadeed ee loo igmaday dhaafsaday dano isaga u gaar ah iyo inuu Xukuumadda ugu shaqeeyo kagana shaqaysto oo keliya. Waxaanu hadda ka hor Xukuumadda ku taageeray Xadhigga Weriyeyaasha kala ah; Cabdimaalik Muuse Coldoon, Maxamed Aadan Dirir iyo Cumar-Seerbiya oo Xadhiggiisu ugu dambeeyey oo uu laba cisho ka hor la soo daayey markii bilawgii toddobaadkan lagu xidhay Hargeysa.
Tani waa nasiib-darro ay soo kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Somaliland hoggaamisa oo uu ku lammaan yahay Guddoomiye Xuuto, iyada oo intii ay Xukuumaddani jirtay Tacaddiyadii ugu badnaa, Cabbudhintii ugu badnayd, Caga-juglayntii ugu badnayd, Xayiraaddii ugu badnayd iyo Xadhiggii ugu badnaa kula kacday Weriyeyaasha iyo Hay’adaha Warbaahineed ee Somaliland ka hawlgala, iyada oo inta Xukuumadda Siilaanyo jirtay ay noqotay markii ugu horreysay ee Weriye Hay’ad Warbaahineed oo Madax-bannaan ka hawlgala lagu dilo dalka.
Inkasta oo intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay la arkay Hay’ado Warbaahineed oo la xayiro iyo Shabakado Shirkadaha Isgaadhsiintu hawada ka saaraan, haddana waa markii ugu horreysay ee Shan Shabakadood mar keliya ay Xukuumadda, Shirkadaha iyo Ururka SOLJA hawada ka wada saaraan oo ay arrin noocan oo kale ah oo Warbaahinta lagu cuna-qabataynayo isu kaashadaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxay arrintani ka hor-imanaysaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeerarka Caalamiga ah ee Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlka iyo weliba nidaamka dimuquraaddiga ah ee dalka ka jira, waana qaab ka mid ah qaababka iyo hababka ay u dhaqmaan dawladaha Keli-teliyeyaasha ah ee aan nidaamka dimuquraaddiga ahi ka jirin oo ay Warbaahintu ku qasban tahay keliya inay Xukuumadda iyo Xisbiyada Shuuciyiinta iyo Hanti-wadaagga ah oo keliya buunbuuniyaan oo ay u shaqeeyaan, waxaanay u muuqataa arrinta loo socdaa inay tahay dhaqankaas oo kale inay Warbaahinta iyo Weriyeyaashu u shaqeeyaan. Waxaana la is-weydiinayaa Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu dhaafsaday Xayiraadda Shabakadaha Warbaahineed lagula kacay ee uu doorkiisa ka qaatay? Iyo waxa uu ku illoobay Masuuliyaddii iyo Hoggaamintii uu Saxaafadda Somaliland uu u hayey?

Waxa Qoray Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Tifaftiraha Guud ee Aftahannews.com

Pin It