Maamulka Degmada 26 June ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Kormeer Ku Soo Maray Goobaha Kaadhadhka Codbixintu Ka Socoto Ee Degmadaasi

IMG_3838Hargaysa(Ogaal) degmadaasi ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mida goobaha laga qaadanayo kaadhka diiwangalinta codbixiyayaasha ee ku yaala degmadaasi,ka hor intii aanay goobta ka bixin guddomiyaha iyo hawlwadeenada degmada 26 june ayaa shir jara’iid oo si wada jira ay u qabteen waxaa ay ku sheegen in kormeerkoodu uu daaranyahay sidii loo dardargalin lahaa isla markaasina wacyigalin qaadashada kaadhka codbixinta bulshada ku dhaqan degmadaasi ay ugu baraarujin lahaayeen, guddomiye Axmed Gobanimo oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi.

“Arinta kaadhadhku si wanaagsan ayay u socotaa waxaananu goobta ku taaganahay garabyadii haweenka iyo maamulada kala duwan ee degmada”ayuu yidhi

Dhanka kale qaar ka mida maamulka degmada ayaa dhankooda sheegay in ay saaka iskugu yimaadeen sidii goobaha kala duwan ee kaadh bixintu ay ka socoto ay u soo kormeeri lahaayeen isla markaasina ay bulshada ugu dhiiri galin lahaayeen sidii ay kaadhka codbixinta u qaadan lahaayeen.

Intaasi kadib waxaa ay guddomiyaha iyo masuuliyiinta kaleba soo kormeeren goobaha ay ka socotay kaadh qeybint oo ay ka mid ahaayeen xarunta degmada 26 june ee dawlada hoose, Hoolka hay’ada Shaqaalaha iyo dugsiga biyo dhacay.

 

Pin It