“Xukuumaddan Maanta Inoo Dhisani Qof Way Korrin Kartaa, Laakiin Qaran Ma Korrin Karto…..”

Hargeysa, (Ogaal)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye “Gacan” oo kamid ah golaha guurtida Somaliland ayaa si adag maanta uga hadlay sicir bararka xadhkaha goostay ee dalka ka jira,waxaana uu ka dhawaajiyey in xukuumaddu ku fashilantay wax ka qabashada sicir bararkan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday arrin ay baadhitaan ku sameeyeen oo ah in aanu baanka dhexe ee Somaliland wax lacag Dollar ah kusoo dhicin waxa yar ee kusoo dhacana ay la baxaan maamulka Baanku.

Dhinaca kale,  waxaa uu sheegay inaan mushaharooyinkii wali aanay qaadan oo wasiirka maaliyada ay u xaniban yihiin mushaharaadkoodi,waxaana uu carabka ku dhuftay in wasiiraduna ay dul fadhido madaxweynaha waa sida uu hadalka u dhigee.

 

 

 

Pin It