Wasiir Ku Xigeen Sheegay Inuu Madaxweyne Ku-xigeenka Dacwad Ka Gudbin Doonno

Hargeysa, (Ogaal)-Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibada Somaliland haddana ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Axmed-Kayse Aadan Ismaaciil “Gurey” ayaa shaaca ka qaaday inuu dacwad ka gudbin doono madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”.

Wasiir Kayse ayaa waxa uu si adag uga hadlay talaabadii uu shalay madaxwayne ku xigeenka Somaliland uga hor istaagay munaasibadii ay xilalka kula kala wareegayeen labada wasiir ku xigeen ee la isku badalay ee kala ah wasiir ku xigeenkii hore ee Qorshaynta Qaranka Kayser iyo Wasiir ku xigeenkii  hore ee arrimaha dibada Kayse Gurey.

Pin It