Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shandhayn Ku Sameeyay Agaasimayaasha Iyo Lataliye Uu Magacaabay Gaashaandhigga

Hargeysa, (Ogaal)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa isku shaandhayn ku sameeyay agaasimayaasha wasaaradaha qaarkood magacaabayna la taliyaha gaashaandhigga.

Madaxweynuhu wuxuu sidan ku sheegay warsaxafaadeed u dhignaa sidan:

In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).
Agaasimeyaasha Guud

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadaiyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).
  2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).
  3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

 

Pin It