Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqangaliyay Xilli Qabsoomi Doonto Doorashadda Madaxtooyaddu

Hargeysa, (Ogaal)-Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta qalinka ku duugay isla markaana ansixiyey wakhtiga rasmiga ah ee ay dalka ka dhacayso doorashada madaxtooyada Somaliland,taas oo guddiga Komishanka qaranka usoo gudbiyeen,waxaana uu madaxwayne Siilaanyo ansixiyey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Somaliland ay dalka ka qabsoonto 13.November 2017-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

 Wuxuu Soo saaray

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Pin It