Liibiya: Wiil Uu Dhalay Qadaafi Oo Xabsi Laga Soo Daayay

Trapoli (Ogaal)-Warbaahinta dalka Libiya ayaa baahiyay in xabsiga laga sii daayay Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday.

Siidaynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Dhinaca kale koox gacan ku heynta magaalladda Zintan ee galbeedka dalka Libya ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

Qayb-kamid ah dalka Liibiya waxaa ka socda dabaal degyo xooggan oo lagu soo dhoweynayo Seif.

Dawladda Libiya waxaa ay sheegtay in deganaashaha dalka la muujiyo.

Sannadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xidhiidha falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

 

Pin It