Gudoomiye Cirro Oo Magacaabay Xilal Cusub

Hargeysa, (Ogaal)-Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magacaabay xilal ka banaana xisbiga oo mas’uuliyiintii xilalkaasi hayey ay golaha dhexe ee xisbigy ay ka qaadeen,waxaana murashax Cirro uu magacaabay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga WADDANI iyo gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex.

Gudoomiye Cirro ayaa gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga WADDANI u magacaabay Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac halka uu gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeexna u magacaabay Xuseen Aadan Cadde oo isagu hore u ahaa gudoomiyihii xisbiga WADDANI ee dalka Ingiriiska.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka:

Pin It