Dawladda Soomaaliya Maxay Ka Tidhi Khilaafka U Dhexeeya Dalalka Carabta?

Muqdisho (Ogaal)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan wadamada Khaliijka, iyadoo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiisada jirta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka ku baaqayso in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham.

Mawqifka dawladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujinayso in aanay dhinacna ula safnayn dawladaha khilaafka u dhexeeya.

War Saxaafadeed wuxuu u dhignaa sidan:

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dawladaha Carabta ee walaalaha ah.

Dawladda federaalka waxaa ay dhinacyada ugu baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Pin It