Maxkamad Ku Taalla Itoobiya Oo Xukuntay 23 Qof Oo Lala Xidhiidhiyay Al Shabaab Iyo Daacish

Addis-Ababa (Ogaal)- Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay in ay damacsanaayeen in ay sameeyaan koox xidhiidh la leh Al-shabaab.

23-ka qof ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah, sida Maxkamadda ay sheegtay.

Maxkamadda Sare ee Federaalka dalka Itoobiya ayaa ku eedaysay 23-ka qof in ay qorshaynayeen in weeraro argagixiso ay ka fuliyaan gudaha Bariga Afrika.

Warbaahinta xidhiidhka la leh dawladda, ayaa dhinaca kale laga soo xigtay in saddex kamid ah dadka la xukumay ay qorshaynayeen in koox xidhiidh la leh Daacish ay aas-aasaan.

Warqadii dacwada ayaa waxaa ku qornayd in eedaysanayaasha ay qorteen shaqsiyaad una direen dalka Soomaaliya si ay tababaro ula soo qaataan Al Shabaab oo xidhiidh la leh Ururka Al Qaacida.

Dawladda Itoobiya, ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah howlaglka Midowga Africa, kuwaas oo dagaal kula jira xarakadda Al Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Pin It