Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Khudbadii Xuska Qaranimada Somaliland Si Toos Ah Uga Jeediyey Qasriga Madaxtooyadda

Hargeysa, (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta si Toos ah uga jeediyey Qasriga Madaxtooyadda khudbadii Xuska sanad guuradda 26aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 2017-ka.

Khudbadda Madaxweynaha Somaliland oo taabanaysay dhinacyo badan waxa uu kaga hadlay qorshaha qaran ee sanadkan loogu talogalay in wax lagaga qabto dhibaatada Abaaraha ku soo noq noqday shacabka Reer Somaliland, waxaanu ku dhawaaqay in si rasmi ah Somaliland isugu tashanayso isla markaana ay wax ka qabanayso Beeraha, Biyaha, Dibu-xoolaynta Xoola dhaqatada iyo Dhir beerida.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu kaga hadlay wax ka qabashada sicir bararka isagoo sheegay inay Xukuumaddiisu si dhakhso ah wax uga qaban doonto, isaoo sheegay inay xukuumad ahaan bilaabeen talaabooyinkii ay wax kaga qaban lahaayeen.

Madaxweyne Siilaanyo si adag uga hadlay qorshaha beesha caalamku ku doonayso inay cunaqabatayntii Hubka kaga qaado Somaliya, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka hor iman doonta.

 

 

 

 

 

Pin It