Iska Hor-imaad Sababay  Dhaawac Ciidan, Shacab iyo Xadhig  Oo Dhex-maray Booliska Berbera iyo Danyar Gedoodday

“Meesha Daar kama dhisayo ee Waab aan Jaajuurka ku sameeyo ayaan ka dhisayey… Marka Rasaasta la igu furayo waxa la illeeyahay dhimo oo Carruurtaaduna gaajo ha u dhimato, yeeli maayo, gaajana u dhiman maayo..” Faysal Axmed Maygaag (Faysal-Wadka)

“Dadka Shacabka ah toban Qof ayaannu qabannay oo Xabsiga ku jira, Isagiina wuu naga baxsaday. Laakiin, gacanta ayaannu ku soo dhigi doonnaa, hawshuna way soconaysaa..” Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale

Berbera, 17 May, 2017(Ogaal):- Ugu yaraan Toban Ruux oo isugu jira Askar Boolis ah iyo Dad Shacab ah, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen Iska horimaad rasaas nool laysu adeegsaday oo dhedxmaray Ciidammada Booliska Berbera oo ay qayb ka ahaayeen kuwa sida gaarka ah u tabobbaran ee RRU-da iyo Nin ka mid ahaan jiray Jabhaddii SNM oo lagu magacaabo Faysal Axmed Maygaag (Faysal-Wadka), ka dib markii NinkaasI goob uu ka daganyahay magaalada Berbera uu amar ku bixiyay GudDoomiyaha Gobolka Saaxil in laga dumiyo oo laga raro.

Goobtaas oo ku taala agagaarka Xereda Guutada ee Xaafadda Shacabka ee magaalada Berbera, muddo dheerna uu Ninkaas Faysal-Wadka lagu magacaabaa degganaa, kana furtay goob lagu Sameeyo Jaajuurka Guryaha lagu dhiso, ayaa la sheegay in Badhasaabka Saaxil amray in laga raro goobtaas, isla markaana ay dawladda hoose ee Berbera oo Booliska kaashanaysaa ayaa fulinaysay hawlgalkaas isku dhaca sababay. Hase-yeeshee, markii Ciidanka Ammaanku goobtaas tageen ee ay u sheegeen ujeeddada ay u socdaan Ninkaas, ayaa la sheegay in uu muran iyo buuq ka dhex dhashay Booliska iyo Ninka goobta degganaa. Tobanka Ruux ee dhaawacmay ayey Shabakaddu ku warrantay inay isugu jiraan Dad Shacab ah iyo Askar Booliska ka tirsan.

Warku waxa uu intaas ku daray in isfaham-waaga iyo hadalka ka taagtaagmay Faysal iyo Askarta Boolisku sababay in is-rasaasayn toos ahi dhex-marto oo dhawaaqa Rasaasta inta badan gudaha Berbera laga maqlayey Salaasadii Shalay, ka dib markii uu Qori la soo baxay Faysal-wadka iyo Xubno la shaqaynayey, markii rasaastaas la isku furay ka dib, waxaa isu soo baxay dadka Xaafadda ku hareeraysan oo ka soo horjeeday hawlgalka Boolisku doonayey inay goobtaa kaga kiciyaan Faysal-wadka. Iyaga oo Shacabka Xaafaddaas ku dhaqani sheegay in ay ka xun yihiin qaabka ay Boolisku ula dhaqmeen Ninkaas Mujaahidka ah, iyaga oo Ciidammada dhagax-tuur kala hor-yimi, halka Ciidankuna Rasaas nool adeegsanayeen iyo weliba Gaasta Dadka kaga ilmaysiisa. Waxaanay Ciidammada Ammaanku xidh-xidheen Tiro Dad ah oo u badan Dumar iyo Dhalinyar gedoodkaas ka qayb-qaatay.

Faysal Axmed Maygaag (Faysal-Wadka) oo ah Ninka goobtaa dhisanayey Boolisku tegay, ayaa Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa iska hor-imaadka keenay, waxaanu yidhi; “Aniga oo ah Shacab ah oo ah Muwaaddin u dhashay Somaliland oo ka mid ah Raggii u soo halgamay waddanka, ayaan ka la’ahay meel aan Carruurtayda ku korsado, halkan Dhagax kama dhisayo, Daarna kama dhisayo, ee waxaan ka dhisayaa Waabyar oo Jaajuurka aan ku sameeyo oo Carruurta aan ku korsado. Marka Rasaasta la igu furayo waxa la illeeyahay dhimo oo Carruurtaaduna gaajo ha u dhimato, yeeli maayo, gaajana u dhiman maayo ee waan u dhimanayaa.”

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ninkan goobta dhisanayey ee lagu magacaabo Faysal-Wadka uu rasaas kusoo furey Ciidammada markii ay goobta gaadheen, intaasi kadib na ay meesha ka dhalatay fawdo iyo israsaaseyn xabbado laysugu jawaabay.

“Dhulkan oo Sharci-darro uu ku dhisanaayey Nin Faysal la yidhaahdo, ayey Ciidanka Boolisku ka hawlgaleen oo Fulin ahayd oo Dawladda hoose ay Ciidanka wadatay, markii Ciidanku yimi Qori buu la soo baxay oo Rasaas buu ku riday, Dadkii Xaafaddan ku jiray oo dhamina dhulkay taabteen, Askarta Ciidanka ah illaa toban Askari ayuu dhaawac soo gaadhay oo dhagax ah.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale.

Waxaanu Taliye Aadan Cabdi Cawaale oo Sharraxaaddiisa sii wataa, intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Dadka Shacabka ah toban Qof ayaannu qabannay oo Xabsiga ku jira, Isagiina wuu naga baxsaday. Laakiin, gacanta ayaannu ku soo dhigi doonnaa haddii Illaahay yidhaahdo, Hawshuna way soconaysaa, waannu dhammaystiraynaa, markaannu dhammaystirnana waxaannu ka hawlgaynaa soo qabashada Ninkaa Ciidanka Booliska rasaaseeyey. Sharci-darro ayuu ku degganaa, meeshu waa Xero-dawladeed, waa Dhulkii Shacabka ah, Amarka waxa bixiyey Badhasaabka gobolka, waxaana Fulinta lahaa Maayerka dawladda Hoose oo Dawladda hoose ayaa fulinaysa Hawlgalka oo Booliska kaashanaysa.”

Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha deegaanka Degmada Berbera oo iyaguna iska hor-imaadkaas ka dib Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Berbera, ayaa Dawladda hoose, Maamulka gobolka Saaxil iyo Madaxda Ciidammada Ammaanka-ba ugu baaqay in xaaladda la dejiyo, Xabbadna xal lagu raadin ee Dadka si deggan wax loo fahansiiyo haddii Dawladdu ay dhulkeeda u baahantayna Cidda deggan ee Muwaaddiniinta ah ee meel ay degaan haysan si fiican loola xaalo oo aan Xabbad iyo Xoog in lagu muquuniyo lagu go’aan qaadannin, si aan amniga iyo nabadgelyada guud khalkhal ugu iman.

Pin It