Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Somaliland Oo Ganacsatada Hanjabaad U Dirtay, Maantana Doollarka Oodda Ka Soo Qaadaya

“Dawladdu waxay keeni doontaa Maraakiib Raashin ah oo ay Qiimo Jaban Bulshada kaga iibiso haddii ay Ganacsatadu…” Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan

Hargeysa, 16 May, 2017(Ogaal):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa Shaaciyey inay Lacag Doollar ah ku siidayn doonaan Suuqyada Sarrifka Lacagaha qalaad ee Caasimadda Hargeysa si uu u jabo qiimaha Sarrifka Doollarka, Sicir-bararka Muceeshadda iyo nolosha saameeyey, isla markaana ay qiimo u yeelato Lacagta Somaliland, waxaanay Wasiir Samsam ku hanjabtay haddii ay Ganacsatadu u hoggaansami waayaan go’aankooda inay dawladdu keeni doonto Ganacsi cusub, gaar ahaan Maraakiib Raashin ah oo ay qiimo jaban Bulshada kaga iibiso dawladdu.

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Maxamed Cabdi Ibraahin (Dhoobaale), ayaa shalay mar ay Warbaahinta qaarkeed kula hadlayeen xarunta Baanka dhexe ee magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in Dawladdu qaadayso tallaabooyin wax lagaga qabanayo Sicir-bararka Bulshada aafeeyey iyo qiimaha Sarrifka Doollarka ee Cirka isku shareeray oo uu Halka Doollar gaadhay Sagaal kun oo lacagta Shilinka Somaliland ah iyo ka badan.

“Waxaan la hadlayaa Ganacsatada, waxaan leeyahay waan ognahay inaanay waxba soo iibsan karin iyagoon Doollar haysan, in Raashinka ay soo iibsanayaan iyo wax kasta oo ay Somaliland keenayaan doollar ku soo iibsanayaan. Laakiin, haddana marmar baa tudhaale la sameeyaa, immika oo Abaari inna hayso, Shuban-biyood innagu dhacay, Xoolihii la innaga joojiyey oo dhibaatadaas oo dhami dhacday, waxay ahayd in Raashinka la jebiyo, Macaashka ay ka macaashayaan ganacsatadu yaraado, tii may dhicin ee ummaddii masaakiinta ahayd aad bay u dhibaataysan tahay, Magaalooyinka qaar baan Dab la shidan runtii. Markaa, ma kuwii Miyiga ee meelaha Abaarta ka qaxay baynu u gurmannaa, mise kuwii magaalooyinka ku dhibaataysnaa mise ugu yaraan Kuwii Shaqo-tegayey ee wixii yaraa ee uu qaadanayey waxba u goynaynin.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam.

Wasiirka Maaliyaddu waxay sheegtay inay dawladdu Maraakiib Raashin ah keeni karto, balse ay ganacsatada u tudhayso, waxaanay tidhi; “Markaa, maanta illaa berri (Shalay illaa Maanta) Lacag Xoog leh baa la gelinayaa magaalada, laakiin qorshihii hore ka duwan. Waxa weeyaan Lacag aad naga qaadanaysaan oo aad dib u diraysaan ma jirto ee waxa imanaya la xisaabtan iyo in Dadka qiimaha Doollarka laga jebiyo. Haddii laga fursan waayo oo Lacagtaa Baanku suuqa soo gelinayo sidii caadada ahayd la urursado oo la yidhaahdo aynu xarayno oo aynu halkii ka miisno, waxa iman doonta in dawladdu ay keeni doonto Maraakiib Raashin ah oo ay ka jebin doonto. Laakiin-se ma doonayno in Ganacsatadeenna dalka innala dhistay inaannu halkaas isla gaadhno, waxaannu doonaynaa in la isu tudho.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin (Dhoobaale) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay laga bilaabo Salaasada Maanta Lacag Doollar ah ku soo dayn doonaan Suuqyada Sarrifka ee Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaannu go’aansannay in aannu Suuqa Sarrifka Berri (Maanta) gelin doonno Lacag fiican (Doollar), midhihiisana aannu jecelnahay in si dhakhso ah Dadka danyarta ahi ay u dareemaan in Shilinkoodi qiimo yeesho, siyaabo badan oo Shilinka Somaliland qiimo ku yeelanayana waannu soo wadnaa. Markaa, waxaannu u sheegaynaa Ganacsatada sidaa Wasiirka Maaliyaddu ay sheegtay inay Dadkooda qiimaha qaaliga ah ka jebiyaan oo ay u naxaan.”

Maaha markii ugu horreysay ee ay Xukuumaddu go’aan ka soo saarto Sicir-bararka ama shaaciso inay Suuqyada gelinayso Lacag ay Masuuliyiinta Maaliyadda iyo Baanka dhexe sheegeen in wax lagaga qabanayo Sicir-bararka iyo kor-u-kaca qiimaha Doollarka lagu iibiyo, balse ma jiro weli go’aan si rasmi ah u midho-dhalay, marka laga reebo in maalmo kooban Sarrifka Doollarka wax iska dhimaan toddobaad gudihiina uu halkii uu ka soo degay iyo meel ka sarrayso gaadho.

Waxaan sidoo kale marnaba midho dhalin go’aanno ay Xukuumadda guud iyo Madaxweynaha Somaliland marar kala duwan ka soo saareen Sicir-bararka Muceeshadda iyo qiimaha Doollarka lagu sarrifo, balse waxay go’aammadaasi ku dhammaadaan natiijo la’aan iyo iyaga oo aan waxba ka beddelin dhibaatadii Sicir-bararka Muceeshadda iyo adeegyada kala duwan ee Suuqyada lagu iibiyo iyo xaddiga Lacageed ee Doollarka lagu sarrifo midna, iyada oo nolosha Bulshadu wakhtigan maraysa mid aad u cidhiidhi ah, qiimaha Doollarka, Muceeshadda iyo adeegyada kalena ay marayaan halkii ugu sarraysay Abide e Somaliland ay ka gaadhaan Suuqyada ganacsigu. Sidaa daraaddeed, lama garan karo go’aankan iyo tallaabooyinka ay Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanku sheegeen inay wax kaga qabanayaan Sicir-bararka iyo qiimaha Doollarka iyo waxa uu beddeli doono toona.

Pin It