Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Oo Sheegay Inay Dhalinyaro Badan Dhaqan-xumo Ugu Qabqabteen Hargeysa

Hargeysa, 16 May, 2017(Ogaal):- Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Ciidammada Ammaanka iyo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ay qabqabteen Dhalinyaro uu sheegay inay Dhaqan-xumo iyo Anshax-xumo ku kacay, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood Maxkamad la hor-geeyey, kuwana ay hadda Gar-sugayaal yihiin.

Badhasaabka Maroodi-jeex waxa uu sheegay inay jiraan Dad badan oo dhaqan-xumo iyo falal Diinta Suubban ee Islaamka lid ku ah ku kacay, hase-yeeshee muu faahfaahin falalkaasi nooca ay yihiin iyo tirada Dadka loo qabqabtay, balse waxa uu xusay inay dhawaan hawlgalladaas ka fuliyeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

“Dhaqan-xumo way jirtaa, taasna Laamaha Amniga, Guddiga Wanaag-farista iyo ka Maamul-gobol ahaanba dagaal baa lagula jiraa, cid kasta oo dhaqan-xumo la timaaddana waxa la marinayaa wixii ay mutaystaan Ciqaab iyo Sharciga ayaa la marinayaa.:” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo shalay Hargeysa ugu warramay Saab TV.

Waxaanu Guddoomiye Buraale oo Hadalkiisa sii watay intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Way jiraan Dad badan oo loo qabqabtay falal dhaqan-xumo way jiraan, isla markaana qaarkood Maxkamad la horgeeyey iyo kuwo immika Gar-sugayaal ah-ba. Markaa, Cidkasta oo Dhaqan-xumo ku kacaysa waan uga digaynaa, waxaanan farayaa oo aan ku boorrinayaa in la ilaaliyaan Islaamniada, Dhaqanka Suubban iyo Anshaxa wanaagsan ee Diinteennu innoo bannaysay.”

Pin It