Gudoomiyihii Maxkamadda Sarre Ee Soomaaliya Iyo Xubno Kale Oo Xilkii Laga Qaaday

Muqdisho (Ogaal)-Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Afar mas’uul oo ka tirsan Garsoorka dalka.

Luul Maxamed Taabid oo ah xubin ka tirsan Golaha Adeega Garsoorka ayaa sheegtay in xilkii ay ka qaadeen:
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka,
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka,
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.
Waxa ay intaasi ku dartay in xilka qaadistooda ay u cuskadeen tabashooyin iyo qeyla dhaan aan kala joogsi laheyn oo ka soo yeertay Bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo ku eedeeyay mas’uuliyiinta xilka laga qaaday cadaalad daro iyo musuq maasuq.
Luul Maxamed Taabid ayaa hoosta ka xariiqday in xil ka qaadista mas’uuliyiintan ay u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana isaga laga sugayo in aqbalo xilka qaadistaasi.
Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay Garsoorka dalka ayaa sheegay in Golaha Adeega Garsoorka ay xaq u leeyihiin in ay xilka ka qaadaan mas’uuliyiintan.
Mas’uuliyiinta Golaha Adeega Garsoor ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen wali kama hadlin go’aankaas soo baxay.

Pin It