Wiil Ka Soo Jeedda Somaliland Oo Ku Baxay Gacanta Nin Ilmaadeer Yihiin Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, (Ogaal)-Alle ha u naxariistee Innan dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha maxkamad sare ee Somalia, magaciisana la yidhaahdo Mursal Cumar Cismaan Cali oo u dhashay Beesha Habar-yoonis, gaar ahaan  Cali Siciid ee Gobolka Togdheer, ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, isla markaana waxa dilay darawalkii gaadhiga u wada Taliyaha ciidanka Nin ka tirsan ciidanka nabad-sugida, ahna darawalkii Jeneraal Gaafow oo ay ilmaadeer yihii Raysal’Wasaaraha dawladda Somalia Xasan Cali Kheyre.

Bulshada Beelaha Isaaq ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo khadka isgaadhsiinta Telefoonka  ugu waramay wakaalada Baraarugnews.com, ayaa  sheegay inay dalbadeen  in marxuumka  la dilay ee Cumar Cismaan oo ku jira dalaaga Cisbitaalka Digfeer ee Muqdisho inta la soo xidhayo ninka dilay  innaan la aasayn ilaa lagu soo dil-xidho Ninka ay ilmaadeerka yihiin Raysal,wasaaraha Somalia  Xasan Khayre ee beesha Hawiye, Balse markii dalabkaasi ka soo madaxda dhaqanka, odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada beelaha Isaaq eek u dhaqan koonfurta Somalia, ayaa waxa dalabkaas ku gacan-saydhay Raysal,wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo amar ku bixiyey in aan la soo xidhin wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee gaystay dil, qasabna lagu aaso marxuumka. Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii jawaabtaas ay ka soo baxday Raysal,wasaaraha ay kaga falceliyeen bulshada kala duwan ee Beelaha Isaaq ee Muqdisho jooga innaan la aasi Karin maydka Cumar Cismaan ilaa iyo inta lagu soo dil xidhayo ninkii dilay oo Marxuumku wuxuu ka shaqaynayey maxkamada sare ee Soomaalia, isla markaana Raysal,wasaare Khayre ayaa la sheegay innuu soo adeegsaday Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha iyo shaqaalaha Saalax  Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha maxkamada Sare Iidle oo ka soo kala jeeda beesha Habaryoonis gaar ahaa Sacad Yoonis iyo Muuse Ismaaciil ayaa madaxdii dhaqanka Iyo Odayaashii u yimi oo ku yidhi shanku oo doollar qaata oo aasa marxuumka la dilay Cumar.

Bulshada Isaaqa degan magaalada Muqdisho ayaa arrintaa ku diiday Wasiirka iyo Guddoomiyaha maxkamada Sare ee Raysal,Wasaare Khayre soo diray, ka dib markii arrintii Jiq noqotay ee Isaaqii halkaas ku sugnaana dalbadeen in la soo xidho ninka gaystay dilka, ayaa Raysal,wasaaraha Somalia Xasan Khayre dalbaday ciidanka Militariga Somalia oo uu damcay in qasab lagu aaso maydka, laakiin dadkii halkaa ku sugnaa oo dhan iyo Isaaqii oo isugu yimi Cisbitaalka ayaa ka hor yimi. Balse xaalada ka taagan Cisbitaalka ayaa ah mid cakiran oo qarka u saaran in gacanta isu-la tagaan bulshada Isaaqa ee isugu timi cisbitaalka maydku yaalo, iyadoo Raysal,wasaaraha Somalia Awood u is ticmalaayo ciidan oo uu leeyahay qasab ha lagu aaso, ayaa xaalad cakiran waxay ka taagan tahay afaafka hore ee cisbitaalka Digfeer ee  magaalada Muqdisho oo shacabka Isaaqa oo gadoodsan ayaa halkaa isugu soo baxay, iskuna haystaan ciidano ka tirsan militariga somalia iyo Wasiirka Xasan iyo Guddoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Somaliland, immikana loo magacaabay maxkamada sare ee soomaaliya Iidle oo leh anaga ayaa qaadayna oo aasayna maydka marxuum Cumar.

Xigasho Baraarugnews.

Pin It