Magacyada Jaamacado Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Aqoonsiga Kala Noqotay iyo Xalka Ardaydii Dhigan Jirtay

Hargeysa, 11 April, 2017(Ogaal):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Ibraahin Cabdillaahi Habbane, ayaa sheegay inay Ruqsadihii aqoonsi ay kala noqdeen saddex Jaamacadood oo mid ka mid ahi ka hawlgali jirtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halka labada kalena ka furnaayeen Hargeysa, ka dib markii ay ku guul-darraysteen inay buuxiyaan Shuruudihii Jaamacado rasmi ah ay ku noqon lahaayeen ee looga baahnaa, sida uu Wasiirku sheegay.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi-Dheere oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Guddiga Tacliinta Sare oo daba-galka, oggolaansho siinta iyo qiimaynta Jaamacadaha qaabbilsani ay u soo gudbiyeen inay saddex Jaamacadood oo ruqsado ku-meel-gaadh ah marka hore la siiyey buuxin waayeen Shuruudihii looga baahnaa in lagu siiyo aqoonsiga rasmiga ah ee Jaamacad-nimo.

“Komishanka Jaamacadaha , go’aammadaas oo ay iyagu u xil-saaran yihiin inay qiyaasaan marka ay Ku-meel-gaadhka siiyaan Jaamacadaha inay ku shaqo-galaan. Dabeedna ay qiimeeyaan inay ku-meel-gaadhkii ka baxeen iyo in lagala noqdo Aqoonsiga. Waxay halkan noogu soo gudbiyeen saddex Jaamacadood, Annaguna markaannu Wasaarad ahaan ku qanacnay asbaabta ay u cuskadeen, waxaan halkan uga bayaaminaynaa Dadweynaha in lagala noqday Ruqsadihii aqoonsiga oo laga bilaabo maanta aanay Waxbarasho Jaamacadeed oo loo aqoonsan yahay inay ka shaqeeyaan aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo sharraxaya Jaamacadahaasi kuwa ay kala yihiin iyo sida laga yeelayo Ardaydii dhigan jirtay, waxa uu yidhi; “

  • Jaamacadda Togdheer International University la baxday horena ahaan jirtay Addis University College oo jaho-wareer iyo khalkhal ku abuurtay Bulshada Togdheer waa la awday, Ardaydana waxa loo habayn doonaa meelahay ku kala habboon yihiin oo ay geli doonaan.
  • Qolada labaad waxa weeye Al-Machad Al-Caali Hargeysa ayuu ka furan yahay dhinaca Bariga looga baxo magaalada. Waxa uu isaguna ka soo bixi waayey Shuruudihii Jaamacadi lahayd ee lagu aqoonsan lahaa ee Jaamacad weyn uu ugu gudbi lahaa, markaa wax dambe oo Waxbarasho ah oo ka soconaya oo magac waxbarasho lagu khaldayo Dadkana ma jirto.
  • Ta Saddexaad, waxa la yidhaahdaa Horn International University, sidaa darteed, Wakaaladdan Hargeysa ka furan wax Ruqsad ah oo oggolaansho ah oo Komishanku siiyey ma jirto, taasna Hargeysa kama jirto.”

Maaha markii u horreysay ee ay Guddiga Tacliinta sare iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland sidan oo kale goob Jaamacad ahaan uga furnayd dalka ay kala noqdaan Ruqsadda Aqoonsiga ee ay ku hawlgayso, hase-yeeshee, waxaa jiray Xarumo Jaamacado ku magacawnaa oo ka furnaa Hargeysa sannado ka hor sidan oo kale Ruqsadaha aqoonsiga loogala noqday.”

Pin It