Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo Laba Beelood Ku Dhex-maray Koonfurta Gobolka Sool?

“Waxaan Baaq nabadeed u diraynaa Beelaha Walaalaha ah ee muddada dagaalka Sokeeye ka dhex socday, ee maanta Dadka dhintay lagu qiyaasayo dhawr iyo siddeetan Qof, dhaawacuna ka badan yahay, ee..” Wasiir Caddaani

Hargeysa, 11 April, 2017(Ogaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dagaal ugu yaraan Toban Ruux ku dhinteen oo Axaddii ka dhacay deegaannada Saaxdheer iyo Dhumay oo ka tirsan gobolka Sool, halkaas oo ay ku direen laba Beelood oo Dad iyo Deegaan-wadaag ah, horena halkaas Coloodo sababay dhimashada ku dhawaad Boqol Ruux iyo dhaawac intaas ka badani ugu dhex-mareen dhammaadka sannadkii tegay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo Shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaaddaas, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u diday Beelaha halkaas ku diray oo uu u soo jeediyey inay xaaladda dejiyaan oo xabbadda la joojiyo.

“Aniga oo ku hadlay Afka Xukuumadda iyo ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan Baaq nabadeed u diraynaa Beelaha Walaalaha ah ee muddada dagaalka sokeeye ka dhex socday, ee maanta Dadka dhintay lagu qiyaasayo dhawr iyo siddeetan Qof, dhaawacuna ka badan yahay ee dib u soo cusboonaaday ee illaa immika Dadka tobanka ku dhow ee dhaawac iyo dhimashadaba ah sababay, haddii aanay ka badnaynba, halla joojiyo baannu leenahay dagaalkaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray; “Waxaan leeyahay dagaal Wiil kuma dhasho ee Wiil baa ku dhinta, maanta Ragga dhintay waxay ku dhinteen cid garanaysa ma jirto. Dagaalkan waxa lagu tilmaami karaa mid aan dan u ahayn Beelaha dagaallamaya iyo Qaranka Somaliland, waana in dagaalkaas si deg-deg ah isu taago, ka Xukuumad ahaan sida ugu dhaqsaha badan baannu ugu gurman doonnaa.”

Pin It