“Waxa Noo Muuqatay Qodobka Dhigaya In Qof Dhalasho Dal Kale Haystaa Isu-sharraxi Karin Madaxweyne iyo Ku-xigeen”

Hargeysa, 11 April, 2017(Ogaal):- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka ilaalinta Hantida Qaranka iyo ilaalinta Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay inay Madaxweyne ku-xigeen dalka ka noqdaan Dad dhalasho ahaan haysta Jinsiyadda waddamo kale, isla markaana wuxuu sheegay in Guddiga doorashooyinku fikirkaasi waxba kala socon.

Xildhibaanku oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu faahfaahin ka bixiyey kulammo ay Guddi ahaan la yeesheen maalmihii u dambeeyey Guddiga doorashooyinka, Shirkadda Telesom iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhiinta Somaliland iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen.

“Annagu ka Guddi ahaan Annaga oo ka duulayna Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 82-aad kulan aannu maalin dhawayd la yeelannay Komishanka doorashooyinka waannu u soo bandhignay inay qodobka fikir ka haysataan. Run ahaantii waxa noo soo muuqatay in qodobkaasi aanay kaba fikirin-ba. Qodobkaa haddii aan si cad isu-dultaago qodobadka 82-naad farqadiisa 1-aad waxay odhanaysaa Musharraxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu waa in aanu haysan dhalashadda dalal kale, wuu noqon karaa Qof qaxoonti ah oo deggan way u banana tahay. Balse haddii uu Qofku dhalasho waddan kale ah haysto ma noqon karo Musharrax Madaxweyne iyo Ku-xigeen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Naasir.

Waxaanu Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray; “Haddii aan ka warbixiyo Shirkadda Telesom waxay ahayd in aannu oggaanno lacagta ay Dadka ka gureen halka ay ku Kaydiyaan iyo Xaddiga ay tahay. Maaddaama ay Shirkad Isgaadhiineed tahay Telesom, dhinac kalen waxaannu doonaynay in aannu ka oggaanno maxaa Telefoonnada Somaliland isku geli waayeen isku xidhkii meeyey?. Xeer baa jira la yidhaahdo Xeerka Isgaadhsiinta oo la ansixiyay 2012-kii. Xeerkaasi wuxuu farayaa in Shirkadaha Isgaadhsiinta la isku xidho ma shaqayno Xeerkaasi weli.”

“Runtii Wasiirka Boosaha iyo Wefti kale ayaa halkan (Golaha), noogu yimi, waxaannu aad iyo aad uga wadahadalnay qodobbo, ka Guddi ahaan waxa kulankaa nooga soo baxay inay Wasaaradda Boosuhu tahay Wasaarad illaa hadda Shaqadeedu kooban tahay, waayo? Isgaadhsiintii waxba kamay qaban, waxa kale oo ka sii daran Lacagta Miisaaniyadda Qaranka ugu jirtaa waa Lacag yar.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire. Balse faahfaahin dheeri ah kama bixin Xildhibaanku Jawaabta ay Guddi ahaan ka heleen Masuuliyiinta Shirkadda Telesom ee ay kulanka la yeesheen.

Pin It