“Khaladka Aynu Ka Gaashaamanaynaa Waa Inaan Neefka Muqdisho Ka Dhoofay Loo Xayirin Adhiga Berbera Ka Dhoofaya..”

Hargeysa, 11 April, 2017(Ogaal):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay inay guul ka gaadheen Shir Hay’adda arrimaha Xoolaha u qaabbilsan Urur-goboleedka IGAD ee lagu magacaabo AU-IBAR u qabatay Soomaalida oo uu dhawaan dalka Uganda kaga qaybgalay, isla markaana si dhaqso ah loo furayo Dhoofka Xoolaha ee uu Sucuudigu Xayiraadda ku soo rogay bilawga Bishii December ee sannadkii 2016-kii.

Wasiir Cukuse oo Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa shalay waxa uu beeniyey in Shirkaasi gaar u ahaan Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira, isaga oo uu horyaallo Wargeyska Foore ee Hargeysa ka soo baxa oo Warkaas baahiyey, waxaanu sheegay inaanu Shirku khusaynin arrimo Siyaasadeed uu ku saabsanaa arrin dhaqaale iyo sidii loo furi lahaa Xoolaha Soomaalida ee Dawladda Sucuudigu joojisay, balse ay ka wada qaybgaleen Maamullada Soomaaliya ka jira iyo dawladda Soomaaliya-ba, Wakiillo ka socday Waddamada Geeska Afrika ee ku bohoobay Urur-goboleedka IGAD iyo Hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO.

“Shirkan aannu tagnay waa Shir Caan ah, waxaannu tagnay Shir ay diyaarisay Urur-goboleedka IGAD Hay’ad ay leeyihiin oo la yidhaahdo AU-IBAR oo danaysa Xoolaha nool, waa Hay’ad muddo dheer innagala shaqaynaysay Xoolaha oo dalka deggan oo Urur-goboleedka IGAD dhulka uu ku siman yahay oo dhanna ka hawlgasha, faa’iido badan bay inna tartaa. Shirkaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Soomaaliya ee Muqdisho, Somaliland, Puntland, FAO, Midawga Afrika, iyo Maamul-goboleed-yada Galmudug, Jubbaland iyo Galmudug oo waa run.” Sidaa ayuu yidhi Cukuse.

Wasiir Cukuse oo sharraxaadda uu bixiyey sii wataa, waxa uu intaas ku daray; “Laakiin, waad ogtahay oo innaga waxa la inna yidhaahdaa Jamhuuriyadda Somaliland, iyagana waxa la isku yidhaahdaa Faderaalka Soomaaliya. Shirkaasi innagu dan baynu ka lahayn, dantii aynu ka lahayna waxaynu gaadhnay guul intii aynu ka doonaynay iyo weliba dheeraad, Shirkaas nolosheenna oo dhan baa ku xidhnayd, waxa lagaga hadlayey arrin dhaqaale, arrin siyaasadeedna maaha.”

Qodobbada ugu muhiimsan ee Shirka uu Uganda kaga qaybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo faahfaahinayaa, waxa uu yidhi; “Waxaa lagaga hadlayey Daneeyeyaasha Xoolaha nool ee Xayiraadda la saaray ee dawladda Sucuudigu ay ka qaadan jirtay Xoola, sidii loola geli lahaa Heshiisyo cusub oo suurtagelinaya in Xoolaha la innoo soo furo. Waad ogtahay oo waxaa garab-socday in Dhakhaatiir Sucuudiga ka socotaa ay yimaaddeen Hargeysa oo ay Berbera iyo Burco tegeen oo ay hubinayaan waxa ay innaga iibsanayaan oo ah Xooluhu halka ay ka yimaaddaan iyo in shaqadii loo baahnaa aynu qabannay iyo inaynaan qaban.”

“Shirkaasi aannu tagnay oo aan horena u tusay Saxaafadda Urur-goboleedka IGAD ayaa Shirka lahaa, Inanku wuxuu kala garan waayey Maamul-goboleedka iyo Urur-goboleedka, eraygan gobolka ayuu ku dawakhay. Markaa, waxaa meesha ku jiraa waa arrin dhaqaale oo nolosheennii ah, waxaanaynu gaadhnay guul ah inay Xooluhu innoo furmayaan muddo yar oo kooban ka dib.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi-Cukuse oo Tix-raacayey Wargeyska Warkaas ka qoray oo horyaallay.

Wasiir Cukuse, waxa uu sheegay in ujeeddo muhiim ay Somaliland ee Shirkaas iyo Shir kale oo soo socda iyo imashada Dhakhaatiirta Sucuudiga-ba ka leedahay, waxaanu yidhi; “Waxyaabihii khaladaadka ahaa ee innagu dhacayna waxaa ka mid ahaa oo immika aynu ka gaashaamannay oo Shirkan, Sucuudiga innoo yimi iyo ku dambe oo dhici doona-ba, ka doonaynaa inaynu gaadhno in aan Neef Lo’ ah oo Muqdisho ka dhoofaya Xanuun lagu sheego loo xidhin Adhiga ka dhoofaya Berbera. Inaan waxa ka dhaca Berbera Muqdisho loo xidhin, waxa Muqdisho ka dhacana aan Berbera loo xidhin, inay kala noqdaan sidaa ay kala yihiin ee labadaa dawladood iyo labadaa dal ee jaarka ah; sida aynu Itoobiya-ba jaarka ula nahay. Markaa, dhinaca Siyaasadda ayeynu doonaynaa inay dhinaca Dhaqaalahana sidaa noqoto, oo aan mar dambe Xayiraad Sucuudigu keenaa inna wada saamaynin illeen Roobkuba mar innooma wada da’ee.”

Pin It