Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Dhexmaray  Puntland Iyo  DP World

“Soomaaliya Waxaan leeyahay Haddaad Abaaraha ka qaybqaadanaysaan waa Dadkiinnii, laakiin haddaad wax kale waddaan iska haysta (Caawimasada…” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Caddaani

Hargeysa, 09 April, 2017(Ogaal):- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Soomaaliya Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ahna Afhayeenka Xukuumadda, ayaa sheegay inay Somaliland Hambalyeynayso Dawladda iyo Shacabka Maamul-goboleedka Somaliland ee Puntland oo uu sheegay inay ku hambalyeynayaan Heshiiska Dekedda Boosaaso ee uu Maamulkaasi la galay dawladda Imaaraadka Carabta toddobaadkii hore.

Shirkadda Maamusha Dekedaha ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Dubai Ports World, ayaa sannadkii hore heshiis la gashay Somaliland, kaas oo dhigaya inay muddo 30 sano ah iyo toban dheeraad ah 40-sano gacanta ku hayso Maamulka Dekedda Berbera oo lagu wareejiyey kawdii bishii hore ee Maarso 2017-ka. Waxaanay Toddobaadkii hore isla shirkaddaas DP World heshiis ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, heshiiskaas oo dhigaya inay muddo 30 sano ah DP World gacanta ku hayso Maamulka Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Dhulka Puntland.

“Sida aad ka war-haysaan; Puntland Dekeddii Boosaaso waxay ku wareejiyeen DP World, Dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan way hambalyeeyeen dawladdooda, Annaguna waannu hambalyeynaynaa haddii aannu nahay dawladda Somaliland, Dadkaas fahmay dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland qaadday mid saxan inuu yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Ardayda dhammaystay Waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda Hargeysa oo Habeen-hore lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Geesta kale, Wasiir Caddaani waxa uu ka hadlay Caawimo qayb ka ah Gurmadka Abaaraha Somaliland oo ay Dawladda Soomaaliya waddo inay soo gaadhsiiso, taasoo uu tilmaamay inay soo dhawaynayaan. Hase-yeeshee, waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo, isaga oo ku eedeeyey Soomaaliya inay ku kala-qaybinayso Shacabka Somaliland.

Waxaanu Wasiir Caddaani oo ka hadlaya arrinta Gargaarkaas Soomaaliya uu yidhi; “Maanta Siyaasadaynta aad ka waddaan arrinka Abaaraha ee aad Somaliland ka waddaan, waa arrin khaldan, mid aad khayr ku helayso maaha, mid aad Somaliland ku kala jebin kartana maaha. Wax Cayn la yidhaahdo, wax Sanaag-Bari la yidhaahdo iyo wax Sool la yidhaahdo oo aad kala qaybinaysaan ma jirto ee Dadka Jamhuuriyadda Somaliland Laas-qoray illaa Lawyo-caddo waa Dad walaalo ah oo isku mid ah.”

“Waar haddaad Abaaraha ka qayb-qaadanaysaan Soomaaliya waxaan leeyahay waa Dadkiinnii waad ka qayb-qaadan kartaan oo waan isku leenahay oo Annaguba waannigii ka qayb-qaadanaynay. Laakiin, haddaad wax kale waddaan iska haysta (Caawimada) ma doonayno. Dadka Somaliland, iyaga, Dawladdooda iyo Dadka aan kala qaybinayn ee Caalamka ayaa ku filan hawshaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan-Caddaani.

Pin It