Shir-guddoonka Guurtidu Muxuu Ka Yidhi Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Saldhigga Millateri Oo Baarlamaanka Soomaaliya Wado?

Hargeysa, 09 April, 2017(Ogaal):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, ayaa sheegay inuu yahay shaqo aanay lahayn Soomaaliya Mooshinka ka dhanka ah Saldhigga Millateri ee ay Somaliland magaalada Berbera ka siisay dawladda Imaaraadka Carabta, kaas oo ay wadaan Mudanayaal ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golahaas Siciid Jaamac Cali oo shalay Hargeysa kula hadlay qaar ka tirsan Warbaahinta, ayaa Mooshinkaas laga wado Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inay waddo dawladda Soomaaliya. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inaanu ahayn Shaqo ay Soomaaliya leedahay ama ka hadli karto Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Imaaaraadka Carabta.

“Waa wax waxba kama jiraan ah, sababta oo ah; Mooshinkaa Xamar laga wado ee ay ku burinayaan heshiiskii (Saldhigga Millateri) heshiisku Somaliland weeye, Somaliland iyo Soomaaliya-na waa laba dal oo kala gaar ah. Markaa, dalna dal kaleeto maslaxaddiisa iyo arrimihiisa kama hadli karo.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay; “Mooshinkaa (Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyo) wado dawladdooda ayuun baa ka dambaysa. Laakiin, waxaannu u aragnaa wax aanay shaqo ku lahayn iyagana khusayn inay ka shaqaynayaan.”

Geesta kale, Madaxtooyada Somaliland, ayaa iyaduna marar hore ka hadashay Mooshinka Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood wadaan ee ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan iyo sida aanu dan ugu ahayn Dadka iyo Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray in Saldhig Millateri oo Ciidammo Shisheeye la siiyo laga hirgeliyo iyo in heshiiska lagu bixiyey yahay mid aan Sharci ahayn oo Shaqsiyaad gaar ahi danohooda gaarka ah uga faa’iidaysanayaan.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen-Dayr oo marar kala duwan Warbaahinta kaga hadlay arrintaas, ayaa Mooshinkaas ku tilmaamay wax lagu qoslo, isla markaana Xildhibaannada wada ku tilmaamay Mudanayaal riyoonaya oo Xaqiiqada jirta wakhtigan iska indha-tiraya. Sidoo kale, waxa uu sheegay Mooshinkaas iyo diidmada dawladda Soomaaliya inaanay midina saamayn ku yeelan doonin Heshiisyada ay Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee Maamulka Dekedda Berbera ee Shirkadda DP World lagu wareejiyey 1-da bishii Maarso ee sannadkan 2017-ka iyo sidoo kale Heshiiska Saldhigga Millateri Berbera lagaga siiyey dawladda Imaaraadka ee ay labada dhinac Dubai ku kala saxeexdeen dabayaaqada bishii Maarso 2017-ka

Heshiiska Saldhigga Millateri ee Berbera laga siiyey Imaaraadka Carabta, saxeexiisa ka hor ayey Aqlabiyadda Xildhibaannada labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland u oggolaadeen oo ansixiyeen inay Xukuumaddu geli karto heshiiskaas Saldhigga Millateri oo dhigaya in muddo 25 sano ah Millateriga Imaaraadku gacanta ku hayo Saldhigga Madaarka iyo Dhul-xeebeedka ku beegan ee Badda Berbera uu ka hirgelin doono.

Pin It