Maxkamadda Oo Xukun Ku Ridday Weriye Cabdimaalik Coldoon Iyo Qareennadiisa Oo Go’aan Siyaasadeed Ku Tilmaamay

Hargeysa, 09 April, 2017(Ogaal):- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay laba sano oo Xadhig-ciqaabeed Xabsi ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Hargeysa, markii ay Xukuumaddu xidhay isaga oo ka yimi magaalada Muqdisho 15-kii Febraayo 2017-ka.

Cabdimaalik Coldoon oo Kiisaska lagu eedeeyey ay u sameeyeen Wasiirka Warfaafinta Caddaani iyo Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr, kuwaas oo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud-Xuuto taageero ka helay markii la xidhay Weriyaha oo uu Warbaahinta ka hadlay, ayey Maxkamaddu saddex fadhi ku dhegaysatay Kiisaska loo sameeyey Cabdimaalik oo ay Xeer-ilaalinta Qaranku ku oogtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo ahaa Xaakinka gacanta ku hayey kiiskaas, isla markaana Sabtidii shalay ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, ayaa Warbaahinta u sheegay eedaymaha lagu soo oogay Cabdimaalik inay ka mid ahaayeen inuu laba Jeer tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, isla markaana taageeray sida hadalka Xaakinka loo fahmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo la doortay siddeedda bishii labaad ee sannadkan, balse Guddoomiye Dalmar si cad uma sheegin nooca eedaha kale ee Coldoon loo haysto, marka laga yimaaddo qodobbo uu sheegay in lagu qaaday oo uu xadhig-ciqaabeedka ku mutaystay.

Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka hadlaya Xukunku sida uu u dhacay, waxa uu yidhi; “Maalmahan-ba Maxkamadda waxaa ka socday dhegaysiga Kiiskii Coldoon, Maxkamaddu saddex fadhi bay kiiskaa dhegaystay oo la dhegaysanayey siddeedda subaxnimo illaa shanta galabnimo, maaddaama oo ay Dadweynuhu lahaayeen in badan buu xidhnaa; si Dacwaddaasi u soo gebo-gabawdo wakhti dheer baannu siinnay. Allaah mahaddii maanta (shalay), ayaannu ku dhawaaqnay Maxkamad ahaan.”

“Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa waxay ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon laba sano oo Xadhig-Ciqaabeed ah, oo uga soo baxay markii aannu eegnay Gal-dacwadeedkiisa caddaymihii Maxkamadda la hor-keenay, isla markaana aannu ku qanacnay, waxaannu ku xukunnay laba sano oo Xadhig-ciqaabeed ah. Saddex qodob buu ku eedaysnaa oo ahayd; laba ka mid ah in uu tegay Xamar, isla markaana uu taageeray….. Laba qodobna waa lagu helay oo qodobka 212 iyo qodobka 328, qodobka 220-na waa lagu waayey, markaa laba sano oo xadhig-ciqaabeed ah baa lagu xukumay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex oo ay Warbaahintu weydiisay in Xadhigga Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu xukumay loo iibin karo, waxa uu ku jawaabay; “Xadhig-iibka wixii hal sano ka badan Xadhig-iib ma leh Shuruuddaasi. Laakiin, hal sano xataa markay xadhig iib leedahay Shuruudo ayaa loo eegaa lafteeda.”

Hase-yeeshee, qaar ka tirsan Qareennada Difaacayey ee u doodayey Weriye/Samo-fale Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa Xukunkaas ka dib la hadlay Warbaahinta qaarkeed, isla markaana ku tilmaamay Xukunka Cabdimaalik inuu ahaa mid Siyaasadeed oo aan Sharciga dalka waafaqsanayn; sida ay baahiyeen Shabakadaha Aftahannews.com iyo Hadhwanaagnews.com, sidaas ayey Qareennadu ku doodeen.

Pin It