Gogol-wanaag: Wiil 19 Jir Ah Oo Mar Wada Aroosay Laba Gabdhood Oo Ay Isku Arday Ahaayeen Iyo Qisadii Farxadda

Hargeysa, 04 April 2017 (Ogaal):- Ismaaciil Cabdi Aadan oo ah 19 sano jir, hal mar laba Gabdhood ku wada aroosay degaanka Gogol-wanaag oo ka tirsan degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, ayaa isaga iyo labadiisa Xaas ka warrameen dareenkooda iyo jewiga nolosha cusub ee ay hadda galeen.

Labadan Gabdhood ee uu Ismaaciil deegaanka Gogol-wanaag oo ka tirsan degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley kula Aqal-galay Halka mar, ayaa la kala yidhaahdaa Nuura Maxamed Cabdillaahi 17-jir ah iyo Samsam Maxamed Daahir oo 18 jir ah.

Weriye Sagal Mustafe oo ka tirsan Telefeshinka RTN, ayaa ka qaybgashay Arooskaas oo ka dhacay deegaanka Gogol-wanaag habeenkii labaad ee Gaafka, waxaanay waraysi la yeelatay Ismaaciil iyo labadiisa Xaas oo dhinacyada Midigta iyo Bidixda ka kala fadhiyey Saygooda, waxaanay sheegeen inay dhammaantoon ku faraxsan yihiin noloshan cusub ee ay galeen, isla markaana heshiis iyo go’aan midaysan iyagu wada qaateen.

Ismaaciil oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey waxa u suuragaliyey inuu hal mar laba Gabdhood wada arooso, waxa uu yidhi; “Waxa ii suuragaliyay labada Gabdhood waannu wada sheekaysan jirnay, oo wada sheekaysigii wuxuu gaadhay xilligii aannu is-guursan lahayn. Saddexdayadu waannu is-ogayn oo is-ogaanshihii ayaan mid soo kaxeeyay, tii kalena waxay igu kelliftay inaan soo kaxaysto oo sidii baan ku soo kaxaystay.”

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay inuu labada Gabdhood isku waqti bartay iyo inuu marar kala duwan bartay, Ismaaciil wuxuu ku jawaabay; “Labada Gabdhood hal mar baan wada bartay, markii aan hal mar wada bartayna sidaas baan u wada-xidhiidhnay, waxaan ku bartay Gogol-wanaag oo waxaannu saddexdayaduba ahayn isku Arday.”

Sidoo kale, Samsam iyo Nuura, ayaa dareenkooda wax laga weydiiyey sida jewigoodu yahay iyo siday u arkaan in hal mar Nin wada arooso. Ugu horreyn Nuura Maxamed Cabdillaahi oo ka jawaabaysaa waxay tidhi; “Jewigayga waan ku faraxsannahay.”

Samsam Maxamed Daahir, ayaa iyaduna tidhi; “Wallaahi waannu ku faraxsannahay labadayaduba, oo raalli baannu isagaga nahay.”

Maaha markii ugu horreysay ee deegaanno ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ama Gabiley ama Somaliland uu Nin hal mar laba Gabdhood wada arooso oo sidan oo kale hadal-hayntoodu u badato, balse marar hore ayey Aroosyo kan la mid ahi ka dhaceen.

Pin It