Xukunkii Maxkamada Sare ee Khilaafka UCID

Akhristayaal marka hore hambalyo iga hanta sannadka cusub ee islaamka,alle waxa aan ka baryayaa inuu inooga dhigo sannad khayr leh.

Intaa ka dib,waxa aan dareemayaa waaxda goorsoorka inay wax iska bedeleen dhinaca maamulka iyo tayaynta garsoorrayaasha iyo la dagaalanka musuq-maasuqa intii uu hogaanka u qabtay Gudoomiyaha maxkamada sare Prof.Adam Xaaji Cali. Balse aragtidayda sharci waxay ii iftiimisay xukunkii dacwadii khilaafka ucid inay hoos u dhigtay hiigsiga xaqsoor ee ku salaysan hirgelinta ku dhaqanka xeerka qaranka iyo ka ucid.Aniga oo aan ka gudbayn fahamka qodobada xukunka maxkamada sare ay ka soo saartay khilaafka ucid,kana hadlayn yaa gar helay,yaa se laga helay bal sharciyan aan daaha ka rogo sababta aan ugu tilmaamay hoos u dhaca rajadii shacabka:

  1. A) Maxkamadu waxay qaybo ka aqbashay asbaabaha rafcaanka iyo jawaab celinta rafcaanlaha sida ku cad xukunka qodobka 1aad iyo 2aad.
  2. B) Maxkamadu waxay burisay qodobka 3aad ee Go’aankii Guddida diwaangelinta iyo ansixinta xisbiyada qaranka.
  3. C) Maxkamadu waxay wax ka bedeshay qodobada 1aad,2aad ee go’aankii Guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasada iyo ansaxinta xisbiyada qaranka.

Hadaan is-dul taago qodobadan xukunka, maxkamadu may cadayn manayna sababayn qaybaha ay aqbashay, laalista iyo bedelaada midnaba. Sharciyan maxkamadu waxa ku waajib ahaa inay sababayso si loo fahmo.Weliba qodobka 3aad ee maxkamadu laashay hadana waxuu ku dhex jiraa qodobka 5aad(a) oo qeexaya in heshiiska la horgeeyo sharweynaha aan caadiga ahayn,waayo qodobka la laalay waxa uu ka midyahay qodobada heshiiska ee ay xukuntay maxkamadu xukuntay in la hogeeyo shirweynaha aan caadiga ahayn! Sharciguna ma banaynaayo laalis iyo horgayn.

Akhriste aan u gudbo qodobka 5aad ee xukunka,kana kooban a,b iyo c una qoran sidan:

5) waxay maxkamadu xukuntay:

  1. a) In xisbiga ucid qabsado shirweyne aan caadi ahayn muddo lixdan maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta maanta oo ay taariikhdu tahay 25/09/2016, sia uu dhigayo Qodobka 25aad,farqadiisa 2aad ee xeer Nr.14/2011 si loo horgeeyo heshiiska ay labada dhinac wada galeen.
  2. b) In ergada shirweynaha aan caadiga ahayn loo raaco xeerka xisbiga ucid sida uu dhigayo qodobka 12aad, farqadiisa 3aad ee xeerka xisbigu.
  3. c) In labada garab ay hawlgeliyaan guddi qabanqaabo,sida uu dhigayo heshiiskoodu eek u cad qodobkiisa 4aad.

Akhriste, markaan eegay a)sharciyan qodobka 25aad,farqadiisa 2aad ee xeer Nr.14/2011 ee ay maxkamadu cuskatay waxa uu dhigaya sidatan: Shirweynaha xisbi qaran waxa uu qabsoomayaa 5tii sannoba hal mar,xukunka maxkamaduna waxa ku cad shirweyne aan caadi ahayn. Waa laba shir oo kala duwan waana shirweyne iyo shirweyne aan caadi ahayn,mid walibana waxa uu leeyahay qodobo u gaar ah.Sidaa darteed adeegsiga qodobkaasi wuu baal marsanyahay shirweyne aan caadiga ahayn,markay sidaa tahay looma cuskan karo. Isla qodobkaas farqadiis b) oo u dhigan: In ergada shirweynaha aan caadiga ahayn loo raaco xeerka xisbiga sia uu dhigayo qodobka 12add,faqradiisa 3aad ee xeerka xisbiga.

Hadaan bayaamiyo sharciyan waxa la yaab leh maxkamadu sababta ay u soo qaadatay faqradan maadaama dhinacyada mid ka mid ahi uu berigaa xisbigii udub ka tirsanaa,heshiiskuna ka danbeeyay shirweynahii u danbeeyay ee ucid mar hadii labada shirweyne inta u dhaxaysa hay’ada ugu saraysa ee hawsha xisbiga daadihisaa u yahay golaha dhexe.Halkaana shirciyan waxay ahayd inay maxkamadu marinkeeda marto oo ay golaha dhexe ee ucid kana masuul ah waxii isbedel ah ee ku yimaada xisbiga.

Hoos ugu deg isla qodobkaas faqradiisa c) una dhigan: In labada garab ay hawlgaliyaan guddi qabanqaabo,sida uu dhigayo heshiiskoodu ee ku cad qodobkiisa 4aad.Hadaba qodobkani isna sidan ayuu u dhiganyahay: 4.Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, in sida ugu dhakhsaha badan loo hawl galiyo gudi qabanqaabo oo ka shaqaysa qabsoomida kalfadhiga afraad ee golaha dhexe ee xisbiga ucid iyo shirweyne aan caadi ahayn,shirka golaha dhexe iyo shirweynaha aan caadiga ahayn xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaanba qodobada heshiiska,sidoo kale waxay meel marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedal ah ee lagu sameeyay xeerka guud ee xisbiga ucid…..

La soco………….

Xuseen Xasan Badmaax

badmah100@hotmail.com

Pin It