Af-Soomaaliga Oo Qarka U Saaran Ka Suulida Luuqadaha Aduunka..W/Q Siciid Mahad Ismaaciil –

Afka Soomaalidu waa af baallaadhan, erayasiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madadaalo,

hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayoba waa af hodon ah, oo murti macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoonyihiin, dantooda iyo waxay doonayaana ku sheegankaraan. Eray walba oo erayadiisa kamid ahi wuxuu leeyahay dhawr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Afka Soomaaligu wuxuu kamid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika. Dadka afafka baaraa waxay leeyihiin in uu kamid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”, xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gallaha.”

 

Sidaas waxaa hordhac ama arar kadhigay mid kamida buugaagta ka nabad gashay buruburkii soomaaliya diiwaanka Soomaalida ee sannadihii 1990 – 2001. Buugaas oo sannadkii 1973 ay qortay wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waagaas.

Waxaa taasi ku tuseysaa sida uu afka Soomaaligu u yahay mid aad u xeel dheer oo ay kabuuxdo murti qoto-dheer.

AF-SOOMAALIGA HADDA

waxaad arkaysaa in maanta uu afka Soomaaliga ah qiil-qiil kujiro. Taas oo ay jiraan dad siwacan ugu hadla [da’weynta] laakiin aay halistahay in qormadiisu gabaagsi noqoto haddaan hadda ladabaqaban.

Waxaad ku dhex arkaysaa Soomaalidii u soo dhoftay dhulal ka fog Soomaaliya in carruurtii ay dhaleen intii ka dambaysey 1990 ay adagtahay in aad sheeko layeelatid adigoo aan kula hadlin luqada hadba wadanka ay joogaan.

Tusaale ahaan waxaad tegeysaa xaafadda Dixon loo yaqaan ee kutaala Toronto, Canada, waxaad lakulmesaa carruur badan oo ku cayaaraya bannaanka oo kuwada sheekaysanaya luqada Ingiriiska. Haddaad isku daydid in aad wax weydiisid ama sheeko la yeelatid adigoo ku hadlaaya luqada Afka Soomaalida waxaad arki doontaa in aysan fahmayn waxa aad u sheegeysid ilaa aad ugu sheegtid afka ay fahmi karaan ee ingiriiska.

Akhriste waxaad xusuusataa in carruurtaas aan xusnay in lagayaabo in hooyooyinkood aysan garanayn Afka Ingiriiska, taas oo lagayaabo in lagaaro heer lookala tarjumo Hooyo iyo ilmeheeda yar, iyagoo weliba meel kuwada noolaa weligood. Madhici kartaa in ay jirto arin ka xanuunbadan in canugaaga ama ilmahaaga lagaaga tarjumo!.

Qiso xanuun badan oo ka dhacday Magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa waxay ahayd in qoys Soomaaliyeed oo Maraykanka deganaa muddo ay fasax ugu yimaadeen eheladooda oo markaas joogtey magaaladaas. Qoyska safarka ku yimid waxaa kamid ahaa dhawr carruur ah oo aan garanayn wax aan ka ahan Ingiriis. Markii carruurtii ay yimaadeen magaaladii ayay soo booqdeen xaafad ehelkooda ah, markaas ayaa carruurtii lagu yirin:Kani waa awoowahaa, tani waa ayeeyadaa, tani waa habaryartaa, tani waa eedadaa, kani waa adeerkaa, kani waa abtigaa, iyo kelmedo lamida. Halkaas markii sheekadii maraysey ayaa mid carruurtii kamida oohin bilaabay, markaas ayaa laweydiiyey waxa uu u ooyayey, markaas ayuu ku jawaabey intaas oo dad ah oo aanan af-garanayn oo ehelkayga ah ayaan ka xumahay. Ilmihii yaraa waxaa lasheegay in uusan farxad habayaraatee ku qaadan fasaxii reerku ku tageen Kenya ilaa uu kusoo laabtay halkii ay joogeen dadka ku hadla luqada uu garanayey.

ISBEDEL KUDHACAY QORAALKA MAGACYADA AF-SOOMAALIGA

Sida aan ku xusnay meel kamida qormada sare, luqada qoran ayaa ah tan rasmi ahaan u gudbeysa jiilka cusub, hadaba marka aad waayadaan dambe fiirisid qaabka Soomaalidu u qoraan magacyadooda waxaad arki doontaa in ay u higaadiyaan sida ingiriiska uu magacaaso ku noqonayo, xataa hadii ay qorayaan qormo ama maqaal ama war Af-Soomaali ah.

Akhristow, waxaad eegtaa qormooyinka Internetka ee ay Soomaalidu qoraan, waxaad arki doontaa in qoraalo aad u farabadan oo ku qoran luqada Soomaaliga ay ku saxiixan yihiin magacyo u higaadsan si aan Soomaali ahayn. Tusaale waxaa kuugu filan in aad arki doontid sida magacaKhadarin loo qorayoKadaroo samaynaya macno aad uga duwan sida uu af-Soomaaliga magacaasi ku ahaan lahaa. Hadii qoraalku uu ahaan lahaa Ingiriis cilladaasi ma muuqan lahayn, laakiin marka qoraal Af-Soomaali ah lagu saxiixo magac Ingiriis ah waxaa soo bixi kara magac wata macne kaduwan kii asalka ahaa.

AFAFKA IYO DHAQAMADA KALE

Marka aad lakulantid qof aan Soomaali ahayn oo kudhaqan cariyadaas ay Soomaalidu hadda degeen, waxaad arkasaa in qofkaasi aad u xiisaynayo in uu wax ka ogaado dhaqan Soomaalida iyo hab Nololeeedkooda. Halaas waxaad ka garankartaa sida ay aadamigu u jecelyihiin qofka leh dhaqan lagu yaqaan.

Tusaale ahaan waxaa dhici karta in maalmaha qaybtood meelaha dadku isugu yimaadaan lagu qabo kulan ay kasoo qayb gelayaan dad iyo jaaliyado kala duwan, taas oo qolo waliba soo bandhigeyso cuntada ay caadada u leeyihiin oo ay ka dhaxleen awoowayaashood, iyagoo ku faanaya.

Waxaad arkaysaa in qof awoowihiisii tobnaad ku dhashay waddan kaduwan kan uu hadda deganyahay uu weli yaqaan isaga iyo duriyadiisuba luqadii asalka ahayd ee awoowayaashiisa, taas oo faanweyn u ah qofkaas.

Waxaad arkaysaa in wadamada badanaa ay Soomaalidu hadda degeen ay tixgelin weyn siiyaan dadka haysa dhaqankoodii.

Haddaba maxaa Soomaalidu u dayacdaa dhaqankaas. Maxaan carruurteena u bariweyney luqada aan ku hadalo si aynaan ugu baahan in la inookala tarjumo.

GABAGABO

Waxaan qoraalkayga kooban kusoo gabagabaynayaa xusuusin aan Soomaalida xusuusinayo sida ay qiimaha u leedahay xafidaada luqad asal ahaan aad u leedahay, taas oo aad si sahala taariikhda, murtida iyo xigmada ugu gudbin kartid ubadkaaga iyo jiilasha dambe. Waana hawl weyn oo sugeysa dhammaan Soomaalida maadaama ay hadda ku kala firirsan yihiin dalal kala afaf ah.

Akhrsitow, luqad waxaa xafida oo u tebiya jiilka dambe, isla mar ahaantaanataariikhdoodaku gudbiya waa hadba jiilka markaas jooga, hadaba hadii aaynan arintaas hadda waxkaqaban sow arintu ma noqonkarto sida ku xusan cinwaanka qoraalkan. Jawaabta akhristaha ayaan u daayey.

Waxaan qoraalkayga kusoo xirayaa arin farxad leh, taas oo ah in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo isku taxalujiyey sidii Afka Soomaaliga loo bari lahaa ubadka yaryar, waxaana tusaale u soo qaadanayaaSoomaalida Swedenoo muujisay in ay tusaale ugu noqonkaraanSoomaalida qurbaha. Waxaa farxadleh in ay Soomaalida Sweden ku hawlanyihiin sidii ay u kobcin lahaayeen Afka Soomaaliga iyaga oo hadda gacanta ku haya barnaamij ay taakulaynayso wasaaradda waxbarashada ee dalka Sweden. Arintaas waxaa hormuud u ah Soomaalida deggan magaalada lagu magcaabo Umea ee dalkaas Sweden. Waxaa hadda jira bog guriyeed hawshiisu socoto oo kusaabsan kobcinta Afka Soomaaliga ee Soomaalida Sweden

Mahadsanidin.

Qore: siciid cagaweyne

Email: siciidcagaweyne01@gmail.com

 

Pin It