Xasuuqu Waa Dhaqan Biddeed Dadka Dhaqan Gobeedka Leh Ee Isaaqa iyo Ogaadeenkuna Isma xasuuqaan

Mowduuceeni waa mid guud ahaan bishaara nabadeed u ah,dadyowg geeska Afrika,gaar ahaana dadyowga reer Somaliland iyo reer Itoobiya,mowduucani mar kalena waa mid baroordiiq iyo boogo dhayid u ah  dadkii eheladoodu ay ku nafwayday dhacdadii Tuulada J.Dubad,,mar kalena waa mid balaaya xijaab u ah, beelaha ogaadeenka iyo Isaaqa,waana bid baraarujin madaxeed iyo baalbaalid xaaladeed u ahdowladda iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,islamarkaana waa mid boholotus iyo bbanbaano u ah madaxda dowladda federaalka ee Itoobiya iyo madaxda dowladda jamhuriyadda Somaliland.

 

Ugu horreynta xaqiiqadu waxa weeye in aanay umadaha dhaqan gobeedka lihi is xasuuqin,bulshada dhaqankoodu liita ee ay  awooyaasheen u yaqaaneen BIDDAHA, ayaa markay colloobaan is xasuuqda,sida bushooyinkia badhtamaha Afrika ku dhqan,laakiin bulshada dhaqan gobeedka hiddaha u leh ,codhadooda iyo caaradaha waramadoodaba way xakameeyaan,ismana xasuuqaan sidii reer Ruwanda.

 

Akhristayaal taariikhyahan ahaan iyo qoraa ahaanba,farriintaydu waxa weeye,in aan idin xusuusiyo,in aanay beelaha somalida ah eekililka 5aad wada dega aanay abidkood is xasuuqaynin,sikasta oo ay dagaalo u dhex maraan,welibana beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka oo lagu kuunyado inay yihiin labada beelood ee ugu gobsan ,ugu dhaqan wanaagsan qowmiyadda Somalida,lagama fili karo inay is xasuuqaan ama ay is gumaadaan.maxaayeelay weligoodba colaado way dhex mari jireen,lamanasoo sheegin,xilli hore oo ay dagaalo dhex mareen,dabadeedna ay iska tuureen ama iska illaaween dhaqankoodii gobanimo ee ka caaganaa xasuuqa iyo gumaadka dadka bir ma gaydada ah iyo maatada,waxaanan filayaa,in dilkii loogaystay dadkii shicibka ahaa ee lagu laayay tuulada Jaamac Dubad,in aanay ciidamadii dadkaas laayay rag ogaadeen ahi ku jirin,sideedabase isku dhacyo iyo dilal way ka dhex dhici karaan beelahaas,waana soo jireen inay degdeg uga wada hadli jireen, kana heshiin jireen,sidii uu dhaqankoodii gobanimo ahaan jiray..(xagga hoose ayaan ku faahfaahin doonaaye).

 

Waxa kale oo aan ogahay, oo aan shaki la’aan ku kalsoonahay,,in aanu jirin nin u dhashay beelaha Isaaqa, oo colaad isir nacayb ahiyo  calool xumo u haya bulshada ogaadeenka,dowlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo dowladdda federaalka ah ee itoobiya,mana malaynayo inuu jiro,nin ku fekeraya, sidii uu colaad cusub ugadhex  hurin lahaa dadyowgaas isjecel ee geeska Afrka ku wada dhaqan.

 

Aan ku horreyyee,sida aynu wada ognahay,Somalidu waxay ku maahmaahdaa,oodi ab ka dhowe,reer Somalilandnow dadweynaha beesha ogaadeenku waxay inoo yihiin lingax inagu gadaaman, oo dhaxanta iyo dhibaatadaba inaga gudban,maxaayeelay deegaanka beeshaas aynu wadaagno ayaa ugu dheer,jaararka kale beelaha Somalida ee hoos yimaada maamulka dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,tusaale ahaan,kasoo bilowcarrra Majeerteenilaa degmada Jidwaaq,ayay Ogaadeenku inagu gudban yihiin,ooayaynu wada degnaa,dhaxdin iyo dhaqan ayaa inaga dhexeeya,inan iyo abtigii ayaynu wada nahay,ceelasha ayaynu ka wada cabnaa,cuudka ayaynu howd iyo Oogo ku wada dhaqanaa,baadidaynu isu celinaa,beri samaadka ayay dhalinyaradeenu wada cawaysaa oo wada ciyaaraan, dadyowga sidaas dhaqans wadaagta u ahi ma colloobi karaan.

 

Mar labaadkana aan yara kaftamee, markaynu yara abla-ablaynoama aan faaleeyo jilibada beesha Ogaadeenka iyo jilbida beelaha Isaaqa,marka hore waa xaqiiqinay yihiin,laba beelood oo ka siman dhaqan wanaagga,dheg ilaashiga iyo dhaqan gobeedka ugu meeqaan sarreeya,haseyeeshee kaftankaygu waxa weeye inay labadaas beelood ee Isaaqa iyo ogaadeenka, ay ku jiraan ama ay horumuudba u yihiin, laba jilib oo aan halkan ku hogotusaalayn doono,kuna naanaysi doono 2da Wiilwaal,tusaale ahaan,aan idhaahdo,Wiilwaalka Isaaqu waa jilibka Habaryoonis,Wiilwaalka Ogaadeenkuna waa jilibka reer Cabdulle.

 

Wiilwaalak isaaqu waa nimankii gaalada qaawan la baxay 80 sano horteed,waa  reer talo leh oo sidii qaab dowladeed u dhisan isuguna gurmada,dagaal ujoogna ahaan jiray,waa niman isu yaqaano, inay yihiin madaxdii isaaqa,tala qabeenkii iyo xooggii Isaaqa,run ahaantiina jilibada kale ee walaalohood ah waxbay dheeryihiin,wayna ka rag aqoonsan yihiin,dhinaca xeerbeegtida iyo garqaadistana ,waxa la yidhaahdaa,way caddaalad badan yihiin,waxana jirta inay Habaryoonistu ka hor hana qaaday beelaha la siman ee Isaaqa ah,waxala yidhaahdaa,markay garnaqsanayaan,hadal aqoonsanaa iyo codkarsanaa,waa niman ku dhac badan,balse aan colaadaha ku degdegin oo dheg xumada iska ilaaliya.

 

Xilligii gumaystihii Ingiriiska ilaa laba sarkaal oo Ingiriis ah ayay dileen,midi waa kornaylkii loo yaqaanay Giib,kaasoo isaga oo dhulka howdka ah dhex maraya oo hor socday guuto ciidan ah oo inay reerihii deegaamadaas cabiidiyaan tagalkoodu ahaa ay niman Habaryoonis ahaa ay toogteen goor iskana baxsadeen,dabadeedna markii ay gugii dambe gaadhay ay caweys iyo hees ciyaareed uu ninkii dilay ku faanay,sidaasna ay ku qiratay Habaryoonis dilka sarkaalkaas,kadibna ay noqotay inay xeerbeegtidii Habaryoonis iyo dowladdii Ingiriisku ka wada xaajoodeen wixii laga yeeli laha adhiigi ninkaas,mag inay bixisana lagu heshiiyay,dabadeedna  magtiisii uu u kitaab dayay Sheekh qaadi Burco ka ahaa oo Habaryoonis ahaa,kaasoo  xukumay inay Habaryoonis Giib ka bixiso soddon iyo saddex halaad oo geel ah,qaraarkaasoo dowladdii Ingiriiska ka yaabiyay,laakiinse uu sheekhii qaadiga ahaa  ku qanciyay,in marka diinta islaamka la raaco, Magta ninka gaalka ahi ay sodon iyo saddexdaas halaad  tahay,laakiin magta ninka muslinka ahi ay 100 halaad tahay,balse ugu dambaynta ay xeerbeegtidii Habaryoonis la garnaqsatay maamulkii ingiriiska kana gar heshay kadibna ay Ingiriiskii iska qaateen MAGTII GIIB,

 

Nimanku waxay kasoo jeedaan curadkii Sh Isaaq ama curadkii baha Magaado,waxana uu Sheekh Isaaq eebbe raali haka noqdee uu xil saaray, inay garsoorka u yahaan bulshadooda iyo dadka ku dhaqan gobolkanba,waxana uu sheekhu curadkiisii Ismaaciil uu ku naanaysayGar Xejiye ama Garxejis(micnaha Garsoore),waxa lagu yaqaanay deeq iyo dulqaad iyo hogaamin bulsheed oo aanay taladu ka lumin dhibkasta oo ku timaada,xittaa haddii ay aasayaan 100 mayd oo dagaal kaga dhintay talada kama lunto,wadatashigooda iyo go,aanka xeerbeegtidooda tusmaysan ee DABABKA looyaqaano ayaybeesha Habaryoonis tixgelisaa kuna dhaqantaa..

 

Aan jalleeco dhinacaiskalsoonidooda bulsheed,waxa la yidhi,Islaan weyn oo jilibkaas ka dhalatay oo BBCda dhagaysanaysa,ayaa ka maqashay,dowladda Ruushka ee xogga weyn ayaa waxaas iyo waxaas sheegtay,markaasay nin agjoogay ku tidhi,hooyo Ruushku miyuu Habaryoonis la dagaalamay oo uu ka adkaaday?,maya ayuu ninkii ku yidhi,markaasay hadana islaantii weydiisay ninkii,oo haddaa sideebaa lagu ogaaday inuu xoog weyn yahay Ruushku?.,sikastaba ha ahaatee waxaan ku kalsoonahay,in aanay xeerbeegtidii Habaryoonis ee tusmaysan aanay weli ka hadal dhacdada Jaamac Dubad,maalintay ka hadlaana wax lagu farxo iyo bishaaro nabadgelyo uunbaa lagafilayaa,dacaayaduna waa ku ceeb dhaqan ahaan xeerbeegtida jilibkaas,inay ku dhaqaaqaan cambaarayn madaxeed iyo la garnaqsi madaxda dowladda kililka 5aad oo ka baxsan gacanta iyo go’aamada xeerbeegtida Habaryoonis iyo gudoonka suldaankooda  lama fili karo,,garnaqsi meelahaas dhaafsiisan kuma habboona waxgaradka Habaryoonis.,cabashooyinka iyo hadalada qaarkoodna  waa ku ceeb dhaqanka beesha gobta ah Habaryoonis.

Tusaale ahaan,waxaan xusuustaa dhacdo dilal ahayd oo ka dhacday magaalada  Burco  bilowgii 1998dii, dabadeedna nin u dhashay qoladii uu ka dhintay marxuumkii ugu horeeyay ee la dilay,ayaa inta uu qori AK ah soo qqaatay,rasaas ku furay dad badan oo joogay  suuqa faras magaalaha,kadibna waxa rasaastii ay ku dhacday dad badan oo rag iyo dumarba isuggu jiray,waxana goobtii ku geeriyooday ilaa 6 ruux oo shicib ahaa,aad ayay bulshadii reer hargaysa uga welweshay fidmadaas,kadibna aniga oo ka calaacalaya wixii dhacay,ayuu nin waayeel ahaa oo dad aqon ahaa uu igu yidhi,Caliyow soow habaryoonis maaha nimankan 6da ah ee Burco geeriyooday,haa ayaan ku idhi,markaasuu odaygii igu yidhi,waxba dhici maayaane ha welwelin,maxaayeelay anagu waayadii hore waxaanu odhan jiray magaalada Burco waxay ku taagan tahay,dulqaadka Habaryoonis  iyo dadaalka H/jeclo iyo deeqda H/Awal,xaqiiqo ahaan,dhacdadaasi halkaas ayaa lagu damiyay oo may dhaafin,waa laga wada hadlay oo laga heshiiyay,qisadan waxaan usoo qaatay inaad wada dulqaadka beesha Habaryoonis,islamarkaana aad wada garwaaqsataan tala qabeenimadooda.

 

Aan eegno dhinaca jilibka reer Cabdille,ee Ogaadeenka Wiilwaalkooda aynu ku naanaysnay,waa nimanka ugu qab weyn kilikka shanaad, balaayo aanay reer cabdille dhigin Ogaadeeka kama dhexdhacdo,nabad aanay reer Cabdille horseedka ahayna bulshada Ogaadeenka kama dhex shaqayso,nimanku waa nimankii Haradii Gurdumi balaaya dhigay,nimanku waa qoladii tashanaysay mudada 6da bilood ah,ee duhurka cad weerarka dilka ah la beegsaday hogaamiyihii daraawiishta ee sayid Maxamed Cabdille Xasan,taariikhdu dadkay bartaa dunida waayeheeda,taariikhdu dadkay bartaa degaanka waayihiisa,

Aan idhaahdo,odaygii Maxamed Subeer goblanbuu ahaan lahaaa, haddii aanay ka isirreyn  reer Cabdille,nin ku dhashay magaalada Qabridahare oo aad u yaqaana dhaqanka Ogaadeenka kuna dhex koray Reer Cabdille ayaan ka qoray,waayadii colaadihii aan la mahadin ay jireen.ee ay gobolka Ogaadeenya dabka ka hurin jirtay Somaliya,waxa dhici jirtay inuu nin reer Ammaadin Jeerar ahi inta uu qori qaato oo uu kolanyo ciidamadii Dergiga ah oo baabuur badan wata, inta uu keligiis is wadada u joogsado inuu hortaago oo uu weerar qaawan ku qaado,oo cidaamkooda qaado,isaga oo aan innaba wax baqa ah qabina uu dhinto ama uu inta wax laayo kaynta iska xulo.

Dareenka cabsida iyo cararku waa ku ceeb dadka Oogo degeenka ah,balse gumaadka dadka maatada ah iyo dilka Birma Gaydada ayaa qolada Ogaadeenka waxkasta kaga xun,dhaqan ahaana inay dhintaan ayaa u dhaanta nimanka ogaadeenka inay ceeboobaan ama inay sidii Biddaha xasuuq sameeyaan..

 

Haddii aan yara jalleeco dhacdooyinkii taariikheed ee waayadii la asaasayay, colaadihii xoreynta Ogaadeenya loo yaqaanay,amaba waayadiihalgankii jabhaddii aan la mahadinin ee Somali galbeed la magacbaxday,ayay rag u dhashay beelaha Absamuhu 1950meyadii shirar ku yeesheen Hargaysa isna abaabuleen,ninkii Hargaysa laga doortay 1960kii ee Cumar Dheere la odhan jiray ayaa ka mid ahaa raggaas,dabadeedna waxay la tashi ugu tageen,odaygii xilligaas ugu da’weynaa ee beelahaas ee Hargaysa ka joogay,kaasoo la iigu sheegay inuu ahaa,garaad Afwaranle, waxay ku yidhaahdeen,raggayagani waxaanu asaaskeeda wadnaa,jabhad ama xisbi u dhaqdhaqaaqa xorreynta dhulka Somali galbeed ama ogaadeenya,markii uu xogwaraystay ayuu ku yidhi,raggiinan miyay nimankii reer Cabdille idinku jiraan?,maya ayay ku yidhaahdeen,dabadeedna waxa uu ku yidhi,guulaysan maysaan reer Cabdille la’aantood,ee orda oo reer Cabdille doona,markaas kadibna iikaalaya,way ka tageen,rag jilibkii reer Cabdille ah ayay soo urursadeen,dabadeedna maalin dambe ayay garaad afwaranle u yimaadeen,markaasuu su’aashii hore waydiiyaymarkaasay ku jawaabeen,haayoo rag reer cabdille ah way nala socdaan,markaasuu hadana ku yidhi,raggiinan jabhadoodu guulaysan mayso,!! garaad.maxaa dhacay soow adigii reer Cabdile la’aantiis guulaysan maysaane orda oo doona reer cabdile aad nagu ttidhi,imikana soow anagan rag reer cabdille ahi ay nala socdaan maxaanana u guulaysanaynin?,markaasuu ku yidhi,horta reer Cabdille waa laanta ugu dheer Absamaha,waa reer tiro badan iyo tala badan leh oo togag aad u bandanna dega, waxana iiga kiin muuqata,ururiskiinani in aanu tixgelinaynin horseednimada iyo hogaaminta lagu guulaysto reer Cabdille sidaas ayaydaan u guulasnaynin

 

Oday waayeel ah ayaan ka qoray waayadii ay socdeen colaadihii aan lamahadin ee u dhexeeyay jamhadihii somaliya ay abaabuli jirtay1969-1988dii,waxa uu yidhi,markasta oo aanu faalaynayno dagaalkii aan la mahaid,haddaad iswaraysataan nin cabdille ah,midkasta  waxa uu halhays u lahaan jiray,(Haddii la hubeeyo dhowr kun nin oo reer Cabdille ah oo laga dhaqaajiyo,Qorraxeey,Faafan iyo Nogob,dhowr habeen kumay qaadateen inay,qabsadaan magaalada Addisabab,kadibna inta ay soo qabtaan Hayla Sillaase ay isaga nool Hargaysa keenaan),.

 

Hadaba haddii aanay labadaas Wiilwaal aanay inagu hogaamin go,aan Wiilwaal oo ay gooni gooni usoo kala gaadheen,waxa hubaal ah in aanay mushkilad ka dhex dhici doonin beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka.

Haddaan eego dhinaca suyaasadaha dowlad deegaanka somalida Itoobiya iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland,waxaan xusi karaa,inay labada dowladoodba la wada dagaalameen,jabhaddii ONLF la odhan jiray,ee caqabadda ku ahaan jirtay deganaanshaha deegaanka Somalida Itoobiya iyo horumarka bulshada kililka 5aad ee cusub ee uu horseedka ka noqday madaxweyne Maxamed Cumar,degananasho la’aanta Somalilandna khatarbay ku tahay horumarka uu wado madaxweyne Cumar  iyo wanaagga labada umadood,

 

Waxaan xusuustaa,inay Somaliland wiilal jabhaddaas ah ayay Hargaysa ka qabqaban jirtay oo ay dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gacanta ka gelin jirtay,dabadeedna arrintaas ay ficil ahaan kaga wajaabtay ONLF, iyada oo ilaa 75 baabuur oo ay lahaayeen ganacsato Isaaqa ay ku gubeen dhulalkii ay ka shufteen jireen ama waddooyinkii gobolka Ogaadeenya,gubistaas gaadiidka iyo badeecadaha ee ay ku kacday jabhaddaasi maalin qudha dareen xanaf leh ugama aanay jawaabin bulshada isaaqu,waxay ka muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo inay qadarinayaan xidhiidhkii soo jireenka ahaa eek dhexeeyay Isaaqa,ogaadeenka iyo dowladda Itoobiya.

 

Waxaanan aaminsanahay in dhacdadaas Jamac Dubadna,in dulqaadkeeda ay beesha Habaryoonis ka yeelan doonto,shacabka tuulada Jaamac Dubad waa reer Iboobiya,waxana xukuma madaxweynaha kililka 5ada,waxay la xuquuq yihiin,dadka kililka 5aad,ee ay ciidanka new boliisku ku nabadgelyadooda ilaaliyaan,markay doonaana ay ku amar ku taagleeyaann,inaynu Somalilan ahaan,aan si gaara ugu garaangarno reer Jaamac Dubadna,ilama qumana downa maaha, taasi wax ay reer J.Dubad ka xumaynayso mooyaane waxba uma wanaajin doonto,

 

Arrimaha ciidamada new bilooska ee xuduudaha Somaliland soo galena,waa shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland,waa arrin aytahay inay labada dowladood hab hoose oo wada hadal diblamaasiyadeed ah ay ku dhamaysantaan,iyada oo aanan jeclaysanaynin,inay qaar saraakiisha dowladda Somaliland ee gobolka Togdheer ahi ay arintaas kor u qaadaan,oo u ekeysiiyaan sidii laba dowladood oo xidhiidhhkooda iyo wada hadalkoodu uu kala go’an yahay, oo midiba ay midda kale ay  ceebeheeda saxaafadda marag uga dhigayso,si ay bulshada caalamku u ogaato gardarada lagu hayo.

 

Madaxweyne C.M Cumarna waxaan ku odhan lahaa,Ina Abtoow horta nin dhalinyara ah ayaad tahay,shaqo mugweyn oo taariikhaha lagu qori doonana 10kii sano ee tagay  waad u qabatay,gobolkaagii ama dalkaagii xaqiiqiyan ogaadeenya waad qaramaysay,oo manta dadkii dib u dhucu dilooday,ee Qaarijiqood iyo Qorrexeey ku dhaqnaa,waxaad ka dhigtay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la siman qowmiyadaha qayrkood ah,inay Itoobiya madaxweyne ama ra’iisal wasaare ka noqdaana way hawaysan karaan,halganka siyaasiga ah iyo dhaqancelinta jabhadihii ay Somaliya maskaxdooda xumaysay,sida raggii dawakhsananaa ee ONLF la odhan jiray ee fallaagada ahaan jirayna,mar qudha dacaayadohooda iyo diradiraalohooda xun ha u debcin.

 

Midda kale ogow in aanay Somaliya wax ay xumayse mooyaane, aanay weligeed wax wanaajin,ogowna in Isaaqu ay weligood waxay wanaajiyaan mooyaane aanay wax xummaynin,ogow inay dad qalbi wanaagsan yihiin,weliba iyaga hadalhaynta maamulkaaga iyo cabashada badan u fasax,hana qoonsanin,waxba uma hooseeyaan iyaga sida dad kale e.midda kale dadkii halkaas ku dhintay,habdhaqan Somaligeenii wanaagsanaa u xalli,ka horse hadal debecsan oo fiican oo  tacsi ah iyo dardaaran madaxweyne gaadhsii qoysaskoodii.

 

Maalin kal hore ahayd,oo aanu ku kulanay magaalada Hargaysa siyaasiga la yidhaahdo,mudane Khadar Macallin oo madaxweyne ka ahaan jiray dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,waxaan la nacay qaabkii uu uga hadlayay,dhaqankii gobeed eek a dhexeyn jiray beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka,waxana uu nagu boorinayay in dhaqankii wanaagsanaa iyo isjeceylkii labadaas beelood lasii adkeeyo,isaga oo weliba waxgaradka reer Somaliland ku dhaliilaiay gaabisnimo iyo inay isku mashquuleen gudohoodu,oo ay baylihiyeen kaalintii laga rabay iyo xidhiidhkii meeqaanka sare lahaa ee bulshada labada beelood ka dhexeyn jjiray iyo waxaagyadii lagu yaqaanay awoowyaasheenii hore labaadeena qolo ayuu yidhi…

 

Aan kusoo laabto dhinaca dowladda federaalka ah ee Itoobiya,dowalddaasiiyadu waa jaar aad u wanaagsan oo Eebbe inoo dooray,waa ilbaxnimadii Afrikada madow,intaas ka sokow,dadyowga iyo dowladda Itoobiya abaal weyn ayay Somaliland ku leeyihiin,1981dii,1988dii ilaa 1991dii waayadii madoobaa ee inasoo maray,maalmihii la inna gumaadayay ee Sab iyo Somali la inna wada dilayay ayay innna bixisay Itoobiya oo ay inoo hiilisayoo lama colloobi karno mana caayi karnee ogaada.(mowduucan oo ka dhashay,hadaladii iyo cadhadii dadweynihii reer Gaashaamo kasoo yeedhayay ee dhacdadii Tuulada Jaamac Dubad, xagga hoose ayaan ku faalayn doonaaye,waxaan ku horreynayaa,sheeko xusuus taariikheed oo weyn lahayd,oo ka mida casharada ku xardhan buugayga “Dhacdo iyo Dhaqan” ee soo baxay 2014kii Taasoo cinwaankeedu ahaa “Gobanimadii Beeshii Hibo Garaad Afwaranle iyo Dhacdadii Tuulada Wayl-laguxidh iyo Dhaqan Gobeedkii Xaaji Ildab Dheere iyo Magdhabiddiisii  Badeecadihii Safarkii Maalinguurkii Ogaadeen ee la Dhacay),

 

Dhowrkansheeko kadib waxaad akhrisan doontaan,sheekooyin ku saabsan,sidii ay dadkii masuuliyiinta ahaa ee madaxdii dowladdii Siyaad barre ka mid aha aiyo kuwii madaxda u ahaa jabhaddii SNM u badbaadin jireen maxaabiista dagaal ee ay qabtaan ciidamadoodu gaar ahaan maxaabiista labadaas beelood u dhalatay,waxaad akhrisan doontaa janaraal Siyaad Daa’uud oo maxaabiis badan oo SNM ahaa oo la qabtay kasii daayay gacantii ciidamadii dowladdii Barre ,waxaad qaybta 2aad ka akhrisan doontaan,sheekooyin ku saabsan in aanay 1988dii markii uu soocday xasuuqii ay reer koonfureed Isaaqa ku dabargoynayeen,in aanan lagu dilin magaalooyinka Somaliland,nin Isaaq ah oo qaraabo la ahaa ogaadeenka .lasocda qaybta 2aad..

 

 

Gobanimadii Beeshii Hibo Garaad Afwaranle iyo Dhacdadii Tuulada Wayl-laguxidh

 

(Mowduucyadan hoose waxay  ka midyihiin,casharo taariikheed oo muujinaya taariikhihii xidhiidhadii wanaagsanaa iyo walaalnimadii ka dhexeysay labada bulsho ee Ogaadeenka iyo Isaaqa waana mowdiuucyoku xardhan buugayga la yidhaahdo, ”Dhacdo iyo Dhaqan” ee soo baxay 2014kii)

 

Inta aynaan nuxurka mowduuceenaas sare guda gelin,bal horta aan sawir kooban ka bixiyo,asbaabtii isu kaaya keentay, anaga oo dadkii magaalada Muqdishoku noolaa oo soo qaxaya ahayn iyo beeshii ay ka dhalatay Hibo Garaad Afwaranle,ee Ogaadeenka oo jilibka reer Isaaq,gaar ahaan ardaayada reer Cukur iyo reer Naaleeye ee ay midkood kasoo jeedday,marwo Hibo Garaad Afwaranle, ahaa ee ku dhaqnaa tuulada badhtamaha gobolka ogaadeenya ku taalla ee la yidhaahdo Weylaguxidh,Gunagada ayay bari ka xigtaa,Wardheerna galbeed ayay ugu toosan tahay,Daroorna dhinaca howdka ayay ugu toosan tahay,tuulada Laanjaleelana dhinaca woqooyiga ayay kasoo xigtaa,Wayla lagu xidh,waxay ugu baaleysaa deegaanka oogada,waana goobaha ugu shisheeye (bariyeeya),ee ay cidhifayada beelaha Cali iyo Haaruun ee ogaadeenka reer Isaaq iyo beelaha Habaryoonis ee reer Sh.Isaxaaq ay baadidoodu iska gaadho,waana carro reer Isaaq..

Waxaan kusoo noqonayanaa,dulucdii sheekadeenii ahayd gobanimadii Ogaaadeenka iyo guurkii Hibo Garaad Afwarnle oo gabadh beeshaa u dhalatay ahayd,uuna ku guursaday Hargaysa 1961dii wiillagu naanaysi jiray Cidla Dege oo degaankan Hargaysa u dhashay,

 

Dadka Somalidu waxay dhaqan u leeyihiin,inay isku xidhiidhiyaan xididnimada xigtanimada iyo qaraabanimada ,waxa intaas dheer inay isku nabadgeliyaan maganta iyaga oo dhowraya milgaha iyo magaca reernimo, waxayna qofkasta oo bulshada dhexdeeda qiimo ku leh,u yaqaanaan Bir ma gaydo,sidaasna magangelin iyo martigelin iyo maamuus ayay birma gaydada  ku siiyaan.

 

Waa gob iyo caadadeede beelaha dhulka howdka dega iyo gaar ahaan beesha ogaadeenka ayaa xidhiidhintaas bulshada qaraabada ah ugu sarreysa qowmiyadda Somalida,waxana ku xiga beelaha ay oogwadaagta yihiin ogaadeenka,waxana ugu liita  dhinaca xidhiidhinta qaraabada beelaha xeebaha dega,haba ugusii darraadaan kuwa magaalooyinka yaala dega..

 

Hadaba markii aanu Xamar kasoo barakacnay 15kii Janawerin 1991dii,waxaanu kasoo dhaqaaqnay baar Xaraf hoteelkii la odhan jiray,halkaasoo aanu muddo laba todobaad ah isku urursanaynay,waxaanu noqonay ilaa afartameeyo baabuur oo dad qoxootiya sida,marki aanu xaaladihii si wanaagsan uga boganay,ayaanu kasoo dhaqaaqnay Xaraf goor barqo ah,habenimadina waxa aanu u hoyanay magaaladii Wanlaweyn la odhan jiray ee 90km galbeed ka jirtay,subaxnimadii 16kii janaweri ayaanu halkaasna uga ambabaxnay wadada siigada ah ee dhinaca woqooyiga uga baxda, annaga oo ujeedsanay inaanu raacno, waddo toobiya ahayd oo nagu ridaysay magaalada Mustaxiil ee xuduuda dalka Itoobiya ku taalay, taasoo aanu ugu xilanay iyada oo ahayd waddo weecsin ah,oo aanay jabhadihii Xamar ku herdamayay isticmaali jirin,dhinacna ku qumanayd jihadii woqooyi ee ay Somaliland ama Hargaysa ama Dulcad naga xigtay,

 

Socdaalkayagii Magaalooyinka Daafeed ilaa Mustaxiil

Markii aanu magaalada Daafeed ama Wanlaweyn gaadhnay ee aanu habeen keliya seexanay,ayaanu subaxnimadii dambe dhanka woqooyi bari waddo uga baxda aanu raacnay,waxaanu sii marnay dhul howd jiq ah,oo aanad arki karaynin qofka 5 mitir kuu jira,waxaanu sii maray tulooyin fara badan oo aan ka xusuusto Farjanno,Far-libaax ilaa magaalada Mustaxiil ee dhanka Itoobiya ah aanu gaadhnay,oo laba cisho ku nasanay,hadana aanu ka dhaqaaqnay,oo aanu maray,wadada dhinaca bariga uga baxda ee deegaanka beesha Bahgeri dhexmarta,ilaa tuulooyinka Laanjaleelo,Weylagu-xidh,Gunagada,Bulaale,dabadeedna aanu gaadhnay magaalada Dhagaxbuur ,annaga oo halkaas joognana aanu dhagaysanay,inuu keligii taliye Barre Xamar ka qaxay,oo uu tuuladii uu ku dhashay ee Burdhuubo,ee u dhoweyd magaalada Garbahaaray ee gobolka Gado tagay.

 

Waxaanu waddankii  Somaliya xadkiisii kasoo baxnay, iyada oo uu weli aanu Maxamed Siyaad Barre ka cararin Xamar,ee uu kusii dhex dagaalamayay,sidaas ayaanu Xamar kagasoo  cararay. Annaga oo 30 gaadhi oo wada socda dhammayn oo si nabad ah  ku nimid 31kii Janaweri 1991dii, xeryihii qoxootiga ee Itoobiya ayna Dulcad ugu weynayd, ,anaga oo sagaal habeen oo keliya Xamar kasoo maqnayn,safarkayagaasi  kasoo bilownay,Baar Xaraf ilaa magaalada Wanla-weyn

 

Marka aan faahfaahiyo dhacdadii layaabka lahayd ee nagu qabsatay tuuladii Weylo-lagu xidh,waxay ahayd goor duhur dabadii ah,waxaanu 5tii subaxnimo kasoo jarmaadnay tuuladii la odhan jiray Laanjaleelo,taasoo aanu habeenimadii guure kusoo gallay.laakiin markii ay caruurihii wax cuneen aanu ka dhaqaaqnay,balse intii aanan dhaqaaqin ayay laba islaamood oo gacan haadinaya nala hadleen,markaanu waraysanayna waxay noo sheegeen inay hablo Habaryoonis ah yihiin,waxay labadii dumarka ahaa noo sheegeen,inay koox rag ah oo u dhalatay beesha ogaadeenka ee jilibka reer Cabdulle ay goor dhoweyd qoryo qaateen oo ay ku talagaleen inay jidka noosii galeen kadibna ay na dhacaan,waxay yidhaahdeen hablo Isaaqa ayaanu nahay,waxaanu doonaynaa inaad sio nabad ah aad dalkiinii u gaadhaan,waxayna soo toosiyeen wiilal ay dhaleen oo qoryo sita,waxayna ku yidhaahdeen raggani waa abtiyaashine kexeeya oo dhaafiya kooxda hubaysan ee wadada hore usii gashay,wiilashii iyo aabayaashood ayaa labadii baabuur ee ugu horeeyay fuulay,waxayna naga wareejiyeen goobtii ay sii galeen budhcaddu.

Magacii Hibo Garaad Afwaranle ee Qoxootigu ku Nabadgaleen

 

Waxaanu soconaba,goor ay casar dheer iyo duhur dabadii ay tahay ayaanu gaadhnay tuuladii waylalaguxidh,markii aanu ka qadaynay tuuladii Weylalagu xidh,ee ay safarkii badankoodii baabuurtii wada fuuleen,ayay koox ila a4 nin ahayd rasaas ku fureen gaadhigii uu Axmed Xabashi waday,oo markaas ay dumarkii saarraa badhkood shidhkiisa fadhiyeen,baabuurti ayaa labadii waddo ee Weyllaguxidh woqooyiga ugasoo baxayaya ku kala yaacday,oo siigadii ayaa isqabsatay,wayna naga ada libdheen.galabtaas waxaanu moodeynay in aanu joognay, cir kaa dheer dhul kaa dheer laakiin sidaas may noqonine,illeen waxaanu dhex joognay dad wanaagsan kalgacal noo hayaya,islamarkaana waa gob iyo caadadeede xididnimo nagu xidhiidhiyay.

 

Caqligayaga waxaanu is leeyahay xaalkiinu waa cir kaa dheer dhul kaa dheer,maxaayeelay xilligaas dhulka Somalidu degto colaad weyn ayaa ka aloosnayd,waxana lasoo gaadhay degaamadii aad looga dareemayay dagaaaladii khadhaadhaa ee u dhexeeyay ciidamadii SNM iyo ciidamadii dowladdii Siyaad Barre, ee dalka Somnaliland oo dhan ka socday mudada  dhowrka sano ku dhoweyd,labadaas dhinac oo ay kala taagersanaayeen beelihii Isaaqa oo dadkan safarka ah u badnaa iyo beelihii ogaadeenka oo beeshii  tuuladan Weylaguxidh degan ka mid ahayd.

 

Dareemadaas waxay  odhanayeen, waxa dhici karta,in nin walaalihiis ama adeeradiis ay ku dhinteen dagaaladaas SNM waday,raggaasoo ka mid ahaan karayay, ciidamadii Barre ka ee ka dagaalamayay  Hargaysa , oo geeriyaysani inuu aargoosi wax ku dilo ama wax ku yeelaan dadkan safarka ah ee Isaaqa u badan, marka uu arko,iyada oo uu dareenkaasi jiray ayay xabaddii qaraxday,dabadeedna illeen horaa loo yidhi,rag diday geel diday wuu ka xun yahaye,iyada oo aan waxba la isweydiinin ayay darawaladii gacanta fududaa ay baabuurtii ku boodeeen oo ay degdeg u istaadheen,kadibna ay argagax dartii leewarka sii wada qabteen,oo jaanta wadheen,

 

Aniga oo u dhawaa gaadhigaas ay budhcaddu xoogga ku qaadaysay,welibana arkayay inay xaggiisa hore saaran yihiin laba dumar ah,oo kala ahaa gabadhaydii iyo gabadhii xaashi Muuse,,ayaan anigu degdeg uga  degay  gaadhigii kale ee aan sii fuulayay,una orday dhinocoodii,balse markiiba furihii baabuurka ayay Axmed Xabadhi ka fara maroojiyeen,cidhibta ayayna ku dhufteen,iyada oo ay shidhkiisa saaraayeen Canab Aw-Maxamed oo gabadhii Xaashi Muse ahayd iyo Raxma Cumar Salaad oo gabadhaydii ahayd,iyo weliba inankii yaraa ee Maxamuud Xaashi oo ay Canab dhabta ku haysatay.laaakiin markii aan waxoogaa sii daba orday,ayay tuulada cidhifkeeda baabuurki joojiyeen,waxayna kasoo rogen dumarkii.kadibna inta ana ka hortagay,ayaan soo waraystay inay wax gaadheen kadibna waan soo kexeeyay.

 

Waxaan lasoo joogsaday Xaashi Muuse, Cismaan Garab Adhi iyo Caaqil Yuusuf Khaliif Xaruuri oo meel taagan,waxay ishaydu ku dhacday ilaa 3 gaadhi, oo iyaguna ay darawaliintii saaran yihiin,laakiin soo hadhay, ,waxayna eeg eegeen dumarkii oo nabad qabo,kadibna, aniga iyo laba nin oo kale ayuu Xaashi ku yidhi ,orda oo gaadhigii 19ka ahaa ee qoladii reer gadiid ka daba taga oo dib usoo celiya,gaadhigii yaraa ee noosoo hadhay ayuu Jibriil Qowdhan leewarka u qabtay kadibna meel dhexe ayaanu ku gaadhnay gaadhigii 19ka ahaa ee weynaa, wuuna soo noqday,waxa Xaashi u yimid laba ilaa saddex nin oo dadkii tuulada deganaa ka mida ahaa,Xaashi Muuse ayaa su,aalay,tuuladan jilibada reer Isaaq ee deggan waa kuwama?,waxay ku yidhaahdeen,waa Reer Cukur iyo reer Naaleeye,markaasuu ku yidhi,annaguna waxa aanu nahay reerkii qabay Hibo Garaad Afwaranle oo reer Cukur ah,gaadhigaas la dhacayna annaga ayaa lehe ma sidaas ayaanu xidid ku noqonaynaa?.

 

Hadalkaas dabadiiba jiidhkii qaraabanimo ayaa dhaqaaqay,oo waxa shaqeeyay dareenkii xididnimada ee ay Somalida dhaqanka  gobanimada lagu yaqaano ay lahayd ayna ilaalin jirtay,gaar ahaana ay beelaha ogaadeenku ugusii wanaagsanaayeen xurmaynta qaraabada,xidhiidhinta xididka iyo xumaan ka dhowridda xigaalka,markii ay Xaashi iyo odayadii tuuladu ay iswaraysteen,ayayba is garteen, oo ay is magac aqoonsadeen qaarkood,waxayna yidhaahdeen,odayadii jilibkii Hibo garaad Afwaranle kasoo jeeday,Xaashiyoow  horta nimankaas gaadhiga qaaday waa jilibkii reer Naaleeye la odhan jiray ee aanu walaalaha ahayn,annaga waxa ceeb nagu ah,in gaadhi ay leeyihiin reerkii qabay inantayadii Hibo Garaad lagu dhoco Weyla-lagu xidh oo sidaas lagula tago,magac xumadaas ma aqbalayno,waxana aanu idinka codsanaynaa,inaad caawa noo nagaadaan,oo aanu idin sooryeeyano,gaadhigiina aanu doono,

 

Dabadeedna Xaashi Muuse iyo Xaruuri ayaa u jawaabay oo ku yidhi,waanu aqbalay.markaas ayay intay foostooyin biyo ah noo keeneen,ay hadana yidhaahdeen,waxaanu idinka codsanaynaa,inaad gadhigaas Yar ee kale aad noo dhiibtaan,waxana noo kexeynaya darawalka wada  ee reerkiina ah,si aanu gaadhigii kale u eryano,oo aanu usoo qabano,hadana waanu tashanay,waxba kama qabno ayaa lagu yidhi,waxayna kexeysteen gaadhigii kale goor shantii galabnimo ay ku dhowdahay,ayay dhaqaaqeen,in yar kadibna waxaanu maqalay rasaastii ay isku ridayeen,hadana waxaba noo muuqday labadii gaadhi oo isdaba socda oo soo siigaynaya,qodh iyo xera waa gaadhigii la dhacay laftiisii ,gaadhiga soo horeeya,markii ay hortayada soo joojiyeen labadii gaadhi,ayay furihii baabuurka Xaashi Muuse u dhiibeen oo iyaga oo raaligelinaya ay ku yidhaahdeen,Xaashiyoow Seedi gala gudaha oo tirsada gaadhigiinii inay wax alaabo ahi  ka maqan tahay,dumarkii saarraa markii hore ayaa fuulay ,waxayna yidhaahdeen,wax walba wey noo dhan yihiin.aad ayaanu u wada faraxnay,aad ayaanan u jidhiidhcoonay,markii aanu aragnay sida wanaagan ee lanaga yeelay.

 

Habeenimadii ayaanu seexanay tuuladii Weyla lagu xidh, annaga oo sidii dad wefti ah oo aad loo maamuusayo loosoo dheweynayay,subaxnimadii ayaanu ka dhaqaaqnay annaga oo ay nasii gelbinayeen koox qorya sidata oo raggii babauurka soo celiyay ka mid ahaa,ilaa aanu dhaafeynay deegaankii beeshoodaa wey nasii sagootiyayeen,

Imaatinkayagii   Magaadala Dhagaxbuur

 

Waxaanu gaadhnay magaaladii Dhagaxbuur goor casar ah,taasoo ay nagusoo dhoweeyeen ,raggii reer abtiga beeshayadu u ahayd. sida nin la odhan jiray Daahir oo ay dhashay iyo ina Aw Ismaaciil Samatar,.markii aanu afar maalmood casuumado ku jiray,innaga oo halkaas ku dhageysanay wararkii ahaa, inuu ninkii M.Siyaad Barre,ka cararay Muqdisho,isaga oo sii magacaabay Ra,iisal wasaare Cumar Carte,kadibna goor barqo ah annaga oo is negi ayuu war cusub kasoo baxay dhinicii magaaladii Jigjiga,kaasoo sheegayay,in dhammaan dadkii ka yimid Xamar  lagu amray in aanay Dhagaxbuur kasoo bixi doonin muddo,dabadeedna waxa noosoo digay nimankii aanu reer Abtiga u ahayn ,waxayna na dhaafiyeen,dhammaan koontorooladii intii aanu amarkii degdegga ahaa soo gaadhin,iyaga oo gaadhiyagii yaraa intay  dhammaantood wada fuuleen,ayay nasii sagootiyeen ee ay ilaa tuulada la yidhaahdo Cobolo nasoo gaadhsiiyeen,kadibna ay Dhagaxbuuri dib ugu noqdeen.sidaas nabadda iyo xusuusta wanaag reebka ah, ayaanu dhulkayagii iyo magaaladii Xarshin kusoo gaadhnay 30kii bishii janaweri 1991dii.

 

 

 

Dhaqan Gobeedkii Xaaji Ildab Dheere iyo Magdhabiddiisii  BadeecadihiiSafarkii Maalinguurkii Ogaadeenee la Dhacay

 

Waxa jira dhacdooyin mar la arag ah,oo ay adag tahay inay deegaamada kusoo noqnoqdaan,dhacdooyinka noocaasa qofkii uu Eebbe haleeshiiyo aad ayuu u nasiib badan yahay.sida dhacdadan soo socota.magaca  maaliguur,waxa weeye,magac ay leeyihiin qaybaha ama jilibo ka tirsdan beesha Ogaadeenka,gaar ahaan jilibada cidhifka  galbeed ugu xigta,

Hadaba dhaqanka wanaagsan cidhib wanaagsan ayaa laga dhaxlaa,qofkii dhaqan wanaagsan oo cusub jideeyana,waxa uu ajarkiisu u soconayaa,maalinkasta oo uu qof kale oo kaga dayday uu dhaqankii wanaagsanaa dib uu u sameeyo ,ilaa maalinta dunida la rogay ee qiyaamaha la gaadhayana wuu u soconayaa,qofkii dhaqan xun bilaabana,xummaantiisa ama dembigiisa waa loo qorayaa ilaa qiyaamaha.kuwii dhaqan wanaagsan jideeya,Eebbe ha inaga dhigo..

Hadaba dhaqan iyo dhacdaba waa la dhadhansadaaye.waxaan jeclahay inaad aad u dhuuxdaan sheekadan soo socota,maxaayeelay sheekaba sheekey keentaa ayaa la yidhaahdaaye,waxaan nasiib wanaagayga,magaalada Hargeysa kula kulmay,nin aan u aqoonsaday xeeldheetre bulsho aqoon ah,kaasoo ka mid ahaan jiray madaxdii gobolka Jigjiga, bilowgii sanadihii 2000,waa siyaasigii u dhashay beelaha Isaaqa,wuxuuna ka mid yahay odayadii ugu cabqarisan,uguna caqliga weynaa uguna aragti dheeraa, ee dhinaca gobolkaas Somalida Itoobiya ka yimaada,ninkaasoo ahaa nin dhaqanyaqaanka weyn ah,ayaa maalin iiga waramay,wanaagii uu 100 sano horteed Xaaji Ildab u galay ogaadeenka inuu isagu ka macaashay sanadahan 2000 iyo wixii ka dambeeyay,

Wuxuu yidhi,inan aan dhalay oo dowladda kililka u shaqeyn jiray,ayay niman ogaadeen ah,gaar ahaana rag jilibada Maalinguurka u dhashay ay isqabteen,kadibna ay wanjaleen oo ay xabsiga dhigtay dowlad goboleedu.

Aniga oo ay jiq igu tahay,ayaan maalin u tagay,odayaddii u talinayay,raggii aan u tuhmayay inay inankayga wanjaleen,kadibna inta aan ugu galay aqal uu lahaa nin beeshaasa oo caan ahaa, oo ay ku kulmi jireen ayaan salaamay,laakiin intii aanan fadhiisan,islamarkaana uu isaguna taagan yahay, ninkii ugu odaysanaa ee isoo dhoweynayay ayaan hadalkii ku bilaabay,nimanyohow,anigu waxaan ka dhashay,reerkii uu u talin jiray Xaaji Cabdi Warsame oo (xaaji Ildab Dheere ku magac dheeraa) kaasoo sida aad maqasheen, safaro fara badnaa oo reerkiinani lahaa oo dhexda lagu dhacay,inta uu isu xilqaamay uu isagu keligii magdhabay badeecadihii saaraa iyo awrtiiba.

Markii aan intaas kooban idhi,ayuu ninkii aqalka lahaa iyo odaygii ugu weynaa ee goobta joogay yidhaahdeen,waanu ognahay wanaagii xaaji Ildab dheere safaraas u galay,anaguna maanta waxaanu kuu ballan qaadaynaa,inaad waxkasta oo aad naga qabsatid aad naga helleyside ku tasho,

Markii aan awixii ana u socday aan u sheegay,ayay isla goobtii ugu yeedheen,wiilashii jilibkooda ahaa eee ay wiilkayga isqabteen,waxayna ka sexeexeen in aanay waxba u haysanin,oo ay iyagu khalaka lahaayeen,subaxnimadiina marki waraaqihii loo geeyay xaakinkii kiiskiisa gacanta ku ahayay ayaa wiilkaygii ayay maxkamaddii siideysay wayna ka dhabeeyeen hadalkoodii.

Hadaba bal aynu sheekadii safarkaas la dhacay guda gallo.Hargeysa waxa iman jiray, dhowr waddo oo ay safardu kasoo gali jireen magaalada,mid dhinacaas iyo awaare ka timaadda,mid dhinacaas iyo Dhagaxbuur ilaa Nogob ka timaada,mid dhinacaas Herere ka timaada iyo  mid dhinaca Berbera ka timaada.

Xaajigaas oo ganacsatadii asaastay magaalada Hargeysa hormuud u ahaan jiray,badhamihii qarnigii 20aad,

Sheekooyinkiisa ugu xiisaha badan waxa ka mida,inay xilli waayadaas ka mid ahaa,qiyaasihii intii u dhexeysay 1925-1935tii,ayay Hargeysa yimaadeen safar dhinacaas beelaha ogadeen ka yimid,kuwaasoo jilibka jiisow ahaa,dabadeedna raggii safarkaas laga dhacay,waxay ku warrameen marka Hargeysa soo gaadheen,iyaga oo watay 100 awr oo ay midkasta badeecado ku raraayeen.

Markii ay waxgaradkii reer Hargeysa ay hadalkii safarka geedkii weynaa ee dooxa Hargeysa ku dhageysteen,islamarkaanaay odayadii beelaha Isaaqa ee magaaladan deganaa,ay jiq ku noqotay,ayuu .xaaji Ildab ayaa inta uu shirkii ka dhex istaagay,ku yidhi,waan ka xunahay,in wadooyinkii ay safardu usoo marayeen Hargeysa ay budhcad dadka dheceysa ka dillaacdo,waxaas xun inaga ayaa ka xisaabtami doonee,waxaad raggan la dhacay ii weydiisaan,inay soo qiimeeyaan badeeecadihii usaarraa awrtii 100 ahaa ay wateen?.

Marka qiimihii badeecadaha iyo macaashkii laga heli lahaa caawa ay soo xisaabiyaan ee la ogaado,ayaynu berrito geedkan isugu iman doonaa,oo aynu go,aan ka gaadhaynaa,kadibna subaxnimadii markii geedkii la isugu yimid,ee ay badeecadihii qiimohoodii sheegeen,ayuu xaajgu istaagay,oo uu yidhi,badeecadahaas iyo 100 kii awrba iyo wixii badeecadksta laga macaashi lahaa,intaas oo la isku darayba,aniga ayaa magdhabaya,waxaananse ganacsatada reer Hargeysa ka codsanayaa,in ilaa maalinta aan suuqa ka wada iibsanayo awrtaas 100 ka ah,aan la igu follosin oo keligay la ii daayo. Inta la wada farxay ayaa halkii loogu duceeyay xaaji Cabdi Warsame Ildab dheere.

Markii uu dhammaan badeecadihii awrta saarraa iyo weliba macaashkii ay ka heli lahaayeena loo saaray,uu soo diyaariyay,ayuu gacanta ka geliyay safaradii ogaadeenka ahaa.iyaga oo faraxsan ayayna ka ambabaexeen Hargeysa,waxase la sheegay,inay qolo kale oo wadadii ay sii marayeen safarku degeynayd ay iyaduna ka dhacday 50 awr badeecadihii sarraa,kuwaasoo 50 awr oo madhan dib ugusoo celiyay Hargeysa maalmo yar dabadeed,waxa la sheegaa,inuu mar labaad badeecado kale ugu raray awrtii caddeysimaha ahayd.

Markii ay safardii ogaadeenku deegaankii maalinguurka ku laabteen ee ay ka warrmeen,wixii ay lasoo kulmeen,ayuu ugaaskii beeshii Maalinguurka ee Cumar ugaas la odhan jiray,uu tolkiis talo usoo jeediyay,waxa uu yidhi,ninka noocaas u dunta iyo gobanimada wanaagsan waa lala xididaaye,waxaad inoosoo hubsataan,inuu hablo leeyahay, ama ay walaalihiis oo habli ihi joogaan,waxa loosooo sheegay,inay nin ay walaalo yihiin ay joogto.

Kadibna ugaaskii rag ka socdo,ayaa Hargeysa yimid,iyaga oo yaradkii inanta iyo ninkii guursan lahaaba wada,markii inantii la bixiyay ayay hadana casuumad u fidiyeen Xaaji Ildab,taasoo markii uu deegaankii beelaashaas gaadhay,ay hadiyad aad u fara badan oo ay ku jireen 100 masalayaashii la jeclaan jiray ah,100 halaad oo geel ah,oo isku sumadd keliya leh iyo 100 shay oo kale lasoo siiyay,

Waxa la yidhi,intii aanu Hargeysa soo gaadhin ayuu dhexda kula kulmay,laba beelood oo deegaanka hargeysa ah oo nin kala dilay,kuwaasoo hubka isu guranaya.inta uu u tagay beeshiii ninka laga dilay ayuu ku yidhi,haddii aan berrito subixii ninkaas magtiisii 100 halaad oo cagahooda ku socda idiinka keeno,colaadda iyo dagaalka ma joojinaysaan,haayoo waanu joojinaynaa ayay ku idhaahdeen,hadana qoladii wax dishay ayuu u tagay, oo uu ku yidhi,waaryaadha,reer hebel way ogol yihiininay mag qaataane,dee magtii ninkaas ee 100 halaad ahayd berito subixii iskasoo bixiya,reerkaas colaad ayay noola badheedheen oo mag siin maynee,waxay doonayaan ha sameeyaan ayay yidhaahdeen.kadibna waxa iuu yidhi,waaryaadha aniga ayaa 100kan halaad idiin dhiibayee,u geeya oo magtii waatan ku dhaha,waxba kama qabno ayay ku yidhaahdeen,boqolkiisii halaad ayuu goobtii ku bixiyay, isaga oo wanaag doon ah ayuuna labadii baqiilo ku kala furtay.

 

 

Dhaqan Gobeedkii ee Badbaadinta Bir Magaydada ee ka Dhexeeyay Isaaqa iyo Ogaadeenka

  • Waxaan Muxumadoow kuu dulbaxay waa duntaan nahaye
  • Waxaan dabarka weyn kaaga jaray doqon mayeelee,
  • Intay duunyadaa iman lahayd Dalalku ha is eedo.

 

Tuducyadaas waxa mariyay,wiil dhalinyaro ahaa,kaasoo u dhashay beesha reer Isaaq,gaar ahaana jilibka Dalal Guuleed,waalkaas waxa wiilkaas abti u ahaa,Muxumed Liibaan Jadeer,oo saacaddaas laba dible ugu xidhnaa geed weyn jirriddiis,Muxumed oo ay dabar weyn ku taageen,niman reer Dalal Guuleed ahaa,oo Muxumed doonayay inay xoolo madax furasho ah kaga qaataan jilibkii Sacad Muuse ee uu Ina Liiibana Jadeer kasoo jeeday ee reer Samatar,waxa la yihi,ina Liibaan jadeer,ayaa xoolo u doontay xaggaas iyo gabadh walaashii ahayd oo uu qabay nin reer Dalal Guuleed ahaa,kaasoo ay u dhashay wiilal badan,kadibna intii aanu reerkeedii gaadhin ayuu reer sii martiyay,kadibna raggii goobtaas joogay ayaa ninkan martida ah,waraysi la yeeshay,laakiin intii aanu u adbixin ayuu dareemay inay xummaan maagan yihiin,reeruhu geelay ayay wada ahaayeenoo,xoolaha ayay kala dhici jireen labada jilib ee uu midna Muxumed ka dhashay midna uu reerkan uu martiyay ahaa,dabadeedna,markiii uu dareemay inay  xanshashaqayaan oo ay dhuxdhux laynayaan,ayuu labadii nin ee geedka la fadhiyay ee shaxda la ciyaarayay ku yidhi,

  • Qammaan iyo Mataanoow rag waa lama maleeyaane
  • Meesha iyo xiisbaan sidii mayay hadheeyaaye
  • Raggan wada majiirani aneey igu murmaayaane
  • Sidaad maqashay magacaygu waa Muxumed Liibaan.

 

Markii uu intaas sheegay ayay garwaaqsadeen inuu yahay gabayaagii weynaa ee Ina Liibaan Jadeer,intay xadhig jare ah soo qaateen,ayayna geed weyn jiriddiisa ku xidheen,waxayana socotadii dhulka u kala safraysay u sheegeen inuu halkaas ku xidhan yahay ina liibana jadeer,ilaa 300 oo halaad oo geela loo keeno ragga haystana aan xadhiga laga furaynin.

Laakiin inamadii ay walaashii dhashay markii uu wixii xummaa iyo ficilkii abtigood lagula kacay uu gaadhay,ayay intay qoryaha soo gurteen,ayay  iyaga iyo ilma adeeradood  kusoo duuleen jilibkii Muxumed Libaan Jadeer haystay,iyaga oo hadal la’aan judhiiba weeraray oo gabagabeeyay goobtii,waxa la yidhi,wax kale may samayne,ugu horreyntiiba markii ay  goobtii iyo geedkii soo gaadheen,ayuu wiil uu Muxumed abtiga u ahaa intuu tooreydiisii iskasoo gooyay,ayuu xadhigii garka ahaa ee Muxumed ku xidhnaa uu laba ukala jaray,abtigiisna inta uu gacanta qabtay oo la dhaqaaqay,waa gob iyo caadeede,raggii Muxumed haystayna way garowsadeen inuu Wiilkaasi gar u leeyahay waxa uu sameeyay,dabadeedna inta ay is eegeen ayayna ku yidhaahdeen,ina adeer Hebelow marinkaagii ayaad martaye orda  socda oo Muxumedna si nabada u kexeystaa,waxa la sheegaa,in markii uu xadhiga ka jarayay abtigiis uu wiilkiii yaraa,uu goobtii iyo geedkii hoostiisa ka tiriyay gabay taariikhaha geyigan  galay oo aan tuducyadaas sare ka hayo..

Pin It