Soomaalilaand Dastuurku Ma Shaqeeyaa? Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Murashaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen si dimuqraadiyad iyo xilkasnimo leh ayuu u hor yimid ardayda jaamacadaha Hargeysa, u gana jawaabay wayddiimihii badnaa. Laba jawaabood ayaan se anigu jeclaystay in aan idin la qaybsado. Ta hore waa nabar weligeen innagu yaallay oo ku saabsan deeqaha shisheeyaha iyo sida aanay u ga run sheegin danteenna. Taa wax uu ka yidhi:

”Wax aynnu u baahan nahay mar alllaale iyo marka aynnu dadka wax ka la hadlaynno, ee aynnu dadka hay’adaha la hadlaynno, in aynnu wayddiisanno wax waxsoosaar leh, oo dadkeenna wax u taraya. Ma aha in siminnaarro yaryar oo hudheelladan la innoogu qabto dadkeenna la gu maaweeliyo.”

Jawaabta labaad waa mid aad ii ga argagixisay oo ina tusaysa kelitalisnimada dawladeed ee Soomaalilaand caawa ku sugan tahay. Bulshadeenna oo dhan, oo uu Jamaal qudhiisu ku jiraa, wax ay u jabtay oo qaayibtay kelitalisnimada xukuumadda. Is la markaa jawaabtani wax ay muujinaysaa qaladka weyn ee aynnu ka fahamsan nahay awoodda sharciyeed ee xukuumadda talada inoo haysa sideedaba. Jamaal oo ardayda u ga jawaabaya in uu diyaar u yahay in uu aqoontiisa dhaqaalaha dhallinyarada u ga faa’iideeyaa wax uu yidhi:

”Jaamacaduhu inta badan mucaaradka waa ay ka yara baqaan oo xagga dawladda ayay yara eegaan, oo xitaa xafladihii ayaanba na la gu soo casumin. Markaa ardayda jaamacadaha dhigata wax aan u sheegayaa, anigu wax mucaarad ah oo aan ka hadlayaa ma jirto, sidaana u gu sheega maamulladiinna. Haddii aad doonaysaan in aan lagjar dhaqaalaha ah idiin jeediyo xaaraan bay i ga tahay in aan dawladda wax ka sheego, idinkuun baan wax idin barayaa oo wax idiin sheegayaa, diyaarna waan idiin ahay marka aad ii baahataan.”

Qof wal oo muwaaddin ahi xaq buuxa oo dastuuri ah buu u lee yahay in uu meel walba oo uu isagu doono aragtidiisa iyo aqoontiisa bulshada kale u gudbiyo, isaga oo aan haba yaraatee xukuumadda iyo cid kale toonna ka haybaysan. Xaqa hadalka muwaaddinka iyo gudbinnta fikirkiisu waa asaaska xorriyaddiisa qof ahaaneed iyo hannaanka dimuqraaddiga ee la qaatay. Markaa, jawaabta baqdinta iyo hamrashada ah ee Jamaal, iyo guud ahaan xaaladda dalka ka jirtaa, wax ay si buuxda u caddaynaysaa dastuurkii la doortay in aanu maanta shaqayn oo laalan yahay. Halista sidaa u weyn ciddii ka hadli lahayd ee goor walba umadda ku baraarujin lahayd la ma hayo.

Kuwa siyaasiyiinta sheegtaa waxa ay dhaqan xumo dawladda ka dhex wadaan siyaasad bay moodayaan! Qabyaaladda iyo qaybinta bulshada siyaasad bay moodayaan, Boobka dhaqaalaha yar ee ay masuulka ka yihiin siyaasad bay moodayaan. Ku tumashada sharciga siyaasad bay moodayaan. Yooyootanka iyo shaqayn la’aanta siyaasad bay moodayaan.

Kol haddii ay sidaa tahay, ma ceeb baa in aynnu dunida u ga yeedhanno dad siyaasadda aqoon u leh oo dadkan siminaarro siyaasadda la gu barto u fura? Mise tolow waa qawsaarro waaweynaaday oo maskaxdooda waxba geli maayaan?

Qbyaaladdu waa takoor iyo cunsuriyad. Sow ma aha? Markaa ninka madaxnimada dalka reernimo ku raadiyaa waa qabiili waana cunsuri. Sow ma aha? Markaa nin qabiili ah oo cunsuri ah ummad dhan taladeeda la gu ma aamini karo, waayo waa qof caddaaladda iyo wadajirka bulshada halis ku ah. Sow ma aha? Markaa ninka doonaya in talada dalka loo dhiibaa waa in uu soo caddeeyaa in aanu ahayn qabiili cunsuri ah oo caddaaladda iyo wadajirka bulshada halis ku ah.

Iyada oo ay sidaa tahay, haddana waxa qudha ee maanta Soomaalilaand ka socdaa waa qabyaalad siyaasadeed oo aan la tarrixin, waana qumbulad weyn oo goorta ay doonto qarxi doonta haddii aan degdeg loo furfurin.

 

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Soomaalilaand-Dastuurku-Ma-Shaqeeyaa-Qalinkii-Ibraahin-Yuusuf-Axmed-Hawd.html#sthash.rM3rN0Rl.dpuf

Pin It