Shirkii Kulmiye: caleemo saar mise Doorasho keebu ahaa? Fallo. C/casiis Bashiir Nuur

 

Muqaalka guud ee shirku, wuxuu ahaa mid ay Ciidamada kala duwan ee Qaranku sugayeen amnigiisa, waxana gabi-ahaan-ba xidhnaa Wadooyinka soo gala Huteelka shirku ka dhacaayey, waxanad moodeysay inay jirto xooga cabsi dheeraad ahi, maadaama oo ay shirkan qaadaceen xubno miisanku dhex lahaa Xisbiga iyo Xukuumada-ba, meelo badan oo kala duwan ayaa lagugu baadhayey.

Boodhka shirka waxa ku qornaa shirweynihii shannaad ee Xisbiga Kulmiye, hoolka uu shirka ka socday waxa meelaha qaar lagu arkaayey Sawirada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeen Saleeban Cise Axmed Xagla Toosiye, iyo C/raxmaan Saylici oo isna la sharaxnaa, halka meelo gaar ahna lagu arkaayey Musharrax Muuse Bixi oo aanay agtiisa ka muuqan cid la sharraxani. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, waxa uu madasha ka akhriyey, Liiska ergooyinka ka qayb galaayey shirka, intaa badan shaqsiyaadka uu yeedhiyey Xoghayuhuu may ahayn kuwo intaa badan Siyaasadda magacooda lagu maqlayn, marka laga reebo xubno door ah oo ka mid ah qaybaha kala duwanee Xukuumada, xagga tirada waxa lagu sheegay inay ergaduu tahay 365 xubnood. Hase yeeshee xunnaha ergooyinku waxa ay ahaayeen kuwo aanay waji-yadoodu faraxsanayn. Halka qaarka mid ah ergooyinka Beelaha daraafyaduna xooga shirka debeda ka joogeen, kuwaas oo ku dhawaaqayey in aanay meeshan cadaaladda ka fileyn.

Lama araag iyo lama Maqaal. Waxa shirka naadirku ahay, oo aanan weligey sheeko iyo shaahid midna ku maqaal, musharrax isagu doortaa gudida shirka hageysaa, welibana ka dhigtay ash-khaastii la garabka ahayd, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii waxa uu ahaa Musharrax isagu saxaayey xunaha la yeedhiyey oo intaa badan aan ka jawaabeyn marka magacooda la yeedhiyo,iyadoo la lahaa hebelkaasi wuu maqan yahay ama wuu socdaa. Ereeyada intaa badan kasoo baxayey musharraxa gacanta ku hayaa hagista shirku, waxa uu ahaa mid wax walba isagu maamulaayey, xataa saameyn badan aanay shaqsiyaadka kale ku lahayn.

Waxa markiiba deg-deg shaqadoodii ula wareegay gudida garsoorka looga dhigay, inay u cadaalad sameyso tartamayaasha. Waxanay kala ahaayeen Jaamac Shabeel oo hore ahaa gudoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Mustafe waxdaad oo isna ahaa xoghaihii hore ee Xisbiga iyo Xildhibaan isna gudoomiye ku xigeen uu ahaa. Xubnahanihii may ahayn kuwo la dhaariyey sida dhacda marka shaqada noocan oo kale cid loo diraayo,  xagga shaqada may ahayn kuwo ku wada-socday, tusaale ahaan xildhibaanku waxa uu ahaa mid aan la dhacsanayn shaqada saaxibadii iyo sida ay wax uu wadaan, intaa badan wax wada-shaqeyn ah marna kummu darsan, hase-yeeshee waxa marar badan laga dareemayey faro-taag taag badan.

Codeyntii Musharraxa Madaxweyne. Waxa hadal kooban kadib ay markiiba gudo-galeen inay cod uu qaadeen musharraxa Madaxweyneha ee Kulmiye. Iyagoo ergooyinka ku war geliyey inuu jiro musharrax Madaxweyne oo keliya inuu madasha fadhiyo, manay xusin xubnihii qaadacay kasoo qayb galka shirka. Waxa ay gudida dadka uu sheegtay in Codku gacan taag yahay, oo aanay jirin sifo kale oo loo maraa. Waxa la gaadhay xilligii doorashada, waxana la yidhi “cidii doonaysaa inuu Musharraxa Xisbiga Kumiye noqdo Muuse Bixii gacanta ha taagto, waxana sidaasina waxa gacanta keligii loogu taagay Muuse, oo aanay cidi la tartamin, waxana ogolaaday 344 xunbood sida ay sheegen, halka ay diideen tiro 18-qof ahiina, sidoo kale-na tiro kaloo lagu sheegey 7 xubnood ayaan codkooda dhiiban ama ka aamustay, halkana waxa lagaga gudbay musharraaxii Xisbiga doorashada uga qayn geli lahaa doorashada soo socotaa.

Waxa iyadana la gudo galay doorashadii Madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartamayaan labada musharrax ee kala ahaa C/raxmaan Saylici iyo Musharrax saleebaan xagla toosiye. Waxa ay gudidu sheegtay in loo qaado cod gacan taag ah. Waxa ayna horreysiiyeen Musharraxa Saylicii oo muuqaal ahaan aad murugeysan, waxana la kala diray xubnaha soo tiriyaasha oo ka kooban labada dhinac inay saf walba soo tiriyaan. Gacan taag kaddib, waxa la iskula soo noqday tirintii codadka, waxana ay soo tiriyaashii ku hor murmeen in saafkii intaa gacanta taagtay. Iyadoo Musharraxa gacanta loo taagey ay laba dhinac isku hayeen waxa uu ahaa 49 iyo 55 muraan iyo dood kaddib, xoghayaha golaha dhexe ee kulmiye, uu sheegay in uu hayo taatikoo kale, oo lagu codeynaayo, waxana uu sheegey inuu ergooyinka kaadhkii kasoo ururinaayo, weli dunida lama arag Doorasho kaadhadha aqoonsiga dadka laga soo ururinaayo. Waxa uu xoghayuhuu qaaday kartoon kaasoo uu kusoo gurayo kaadhadhka ergada Madaxweynaha somaliland ayaanu ugu horreeysiiyey isagoo ku dhawaaqayaa in ereeyo ahaa Madaxweyne kusoo rid, waxanuu ku xigsiiyey madaxweyne ku xigeenkii loo codeynaayey iyo musharraax muuse. Kartoonka uu siday Musfate waxdaad waxa uu ahaa mid weyn, wanuu soo bixiyey.

Waxa uu mar kale kartoon kii hore ka yar soo qaaday isna waxa kusoo ururiyey kaadhadhkii Musharrax Saleebaan xagla toosiye, waxana lagu dhawaqaay codadka ay kala heleen labada musharax. Saylici waxa loogu dhawaaqay 232 kaadh halka musharrax xaglana loo yeedhiyey 114 kaadh.

Waxana markii madasha ka baxay musharrax xagla toosiye oo ka cadhooday, isagoo leh cadaladii ma taalo ma ninkii 49-ka iyo 55-ka maraayey ayaa keenay 200 ma dhici karto. Waxa’se muslaxaad kaddib uu aqbalay nadtiijada codeyntaa, waxanu sheegay in laga guuleystee, isagoo hoosta ka xariiqay in aanay cadaaladii meesha ool. Dareenkii Codeyntaa kaddib: waxa ay badi dadka meesha kasoo baxayey ay ahayeen kuwo kacsan kana xun qaabka lagu kala saaray labada musharrax, iyagoo intaa badan halku dhigoodu ahaa maanta ayuu Kulmiye galbaday. Ereeyo kasoo baxaayey markii uu debeda u baxay xoghayaha golaha dhexe ahaana xubnaha garsoorka shirka waxa ay ahaayeen sidan. “Saylici waanu u hiliney” ceebeey tacaal, waxa intaa dheeraa oo kasoo baxay xubintii garsoorka ahayd. “hamabalyo uu diraayo dadka ay asxaabta ahaayee.

Haddaba, marka la isku soo xooriyo dhacdooyinkii ku lamaana shirkii Muuse Bixii, waxa uu ahaa mid afduuban oo cida garsoorka ah iyo cida maamuleysaayba isku mid ahaayeen. Geesta kale, fagaarahaasi uma ekeyn mid lagu tartamay, waxa’se uu ahaa caleemo saar oo kale.

Araagtiyaha laga bixiyey caleemo saarka dabadii Muuse iyo Saylici. Waa laba nin oo gudhan haday noqoto xagga waxbixinta, taasina waa guuldarro weyn oo saameynteeda leh, sidoo kale, waxa la sheegay inay labada nin-ba yihiin rag aan ballaaq badan ku lahayn xagga hadalka taasina waa guul darro kale. La soco.

W/Q

Cabdicasiis Bashiir Nuur.

C.casiis@hotmail.com

Tel: 4144434

Hargeysa/somaliland

Pin It