Mourinho Oo Telefoon Kula Hadlay Ergo Ka Socoda Kooxaha PSG Iyo Inter Milan

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu diyaar buuxa u yahay in uu ka huleelo qalcadda Stamford Bridge , wuxuuna uuna wadahadallo la yeeshay kooxaha Inter Milan iyo PSG .ESPN ayaa sheegaysa in Jose uu telefoon kula hadlay ergo ka kala socda PSG iyo Inter Milan , waxayna shabakadani ku doodaysaa in Jose ka niyad jabay horyaalka Ingiriiska .

Mourinhoo oo dhaleecayn la kulmaya sabab la xidhiidha heer ciyaareedka kooxda ee horyaalka iyo Champion-ka ayaa waxa arrinta si cakirisay kooxda Stoke City oo ka reebtay Capital One ka dib markii ay kaga badiyeen rikoodhayaal .

Waxaa la tilmaamayaa in Inter Milan u muuqato mid aan ku deg-degi doonin inay ka kaaftoomaan tababare Mancini kaasi oo xoogaa kooxda xilli ciyaareedkaan rejo giliyay isla markaana booska 4-aad ku haya xilli uu damacsan yahay in heshiisyo waa weyn uu soo sameeyo.”

Wararka ayaa tilmaamaya in macalinkaan uu u dhaw yahay PSG , waxayna PSG doonayaan tababare Champion-ka wax ka keeni kara halka macalinka haatan haya ee Laurent Blanc uu ku wacan yahay horyaalka France.

Pin It