Real Madrid Oo Xiddig Muhiim Ah Iska Luminaysa Iyo Kooxo Heegan Ku Jira!!

Kooxda Real Madrid xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara ee lagu magacaabo Isco ayaa waxaa uu kooxdisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda marka la gaadho xagaaga dambe.

Xiddigan reer Spain ayaa waxaa lala xidhiidhinayaa kooxo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka Ingriiska oo xiddigan u arka in uu muhiim u yahay.

Xiddigan Isco ayaa waxaa uu ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo kooxda kowaad horyaalka ee Real Madrid.

Ilaa iyo 14 kulan xiddigan Isco wax goolal ah uma dhalin kooxdiisa, waana sabaabta macalin Benitez ku sii qasbaya in uu kursiga keydka ku sii hayo.

Xiddigan ay Real Madrid ku qiyaastay lacagaha lagu iibsan karayo 35 Milyan ee Ginni ayaa waxaa aad u doonaysa kooxaha Arsenal, Chelsea iyo weliba sidoo kale Liverpool.

Pin It