Bedelka Mourinho: Carlo Ancelotti Iyo Simoene

Macalinkii hore ee kooxda Real Madrid iyo sidoo kale Chelsea Carlo Ancelotti, ayaa lagu soo waramayaa inuu qorshaynayo inuu noqdo macalinka labaad ee bedelaya jose Mourinho oo la filayo in uu dhawaan kooxda isaga tagayo.

Blues macalinkeeda Mourinho ayaa waxaa haysata dhibaato aad iyo aad u weyn, iyadoo loo badinayo inuu isaga tagayo kooxdiisa Chelsea.

Xalay (Habeen hore) ayay ahayd markii kooxda Chelsea laga reebay gabi ahaanba koobka Capital one Cup-ka waxayna sidaa ku lumisay koob ay ku guuleysan karaysay.

Haddaba Chelsea ayaa waxay diyaar u tahay inay doondoonato macalinkii Mourinho u bedeli lahaa.

Ancelotti ayaa imika ah macalinka diiradda u saaaran, marka isaga laga soo tagana waxaa sidoo kale ay doonaysaa Simoene oo ay u aragto in uu bedel u noqon doona Mourinho.

Pin It